Waxaa aniga iyo Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) si diirran nagula soo dhaweeyay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Cadaallada iyo Wadajirka (JSP).
Abdulhakim Lukman Haji Mohamed
Speaker of The Hirshabelle State Parliament
25/04/2026
19/03/2026
Ciid Wanaagsan.
Waxaan Hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada reer hirshabelle munaasabadda barakaysan ee ciidul fidriga awgeed.
Allaha naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudannay bishii barakaysaneed ee ramadaan.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka reer Hirshabelle iyo guud ahaan ummadda soomaaliyeed inay xoojiyaan is-caawinta islamarkaana garab istaagaan dadka danyarta ah ee ay saameeyeen abaaraha.
17/02/2026
Ramadaan Mubaarak dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Hirshabelle. Waxaan idinku hambalyeynayaa bilashada bisha barakaysan ee Soonqaad. Waxaan Alle ka baryayaa inuu na waafajiyo kheyrka bisha Ramadaan, abaarta dalka ka jirtana noogu beddelo barwaaqo, naxariis iyo nabadgelyo.
05/06/2025
Ciid Wanaagsan
Dhammaan Muslimiinta Calaamka guud ahaan, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo Bulshada reer Hirshabelle, waxaan idiinla wadaagaya farxadda Munaasabadda Barakeysan ee Ciidal adxaa.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu inaga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee gudashada rukniga xajka, soonkii maalinta Carafo iyo sadaqada, Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu ciiddan iyo ciida kale nagu gaarsiiyo Caafimaad, Amni iyo barwaaqo.
CIID mubaarak.
08/05/2025
Waxaa maanta Caasimadda Jowhar ka daahfuray Labada talaal ee ka hortagga Oofwarkeenka & Shubanka iyo ololaha tallaalka isku dhafan ee Oofwareenka iyo Jadeecada.
Waxaa si gaar ah ugu Mahadcelinayaa Hay’adaha Caalamiga ah ee ka qeybqaadanaya ololaha tallaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Hay’adda Carruurta Adduunka (UNICEF) oo door muhiim ah ka qaadanaya daryeelka caafimaadka bulshada.
05/05/2025
Waxaa Maanta Caasimadda Jowhar nooga furmay Kalfadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle, waxaana si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen. Madaxweynaha oo jeediyay khudbaddiisa dastuuriga ah ayaa u Mahadceliyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka shaqadii baaxadda lahayd ee qabteen intii uu socday kalfadhigii 16-aad.
Sidoo kale waxaan munaasabadda ka jeediyay khudbad aan kaga hadlay guulihii laga gaaray kalfadhigii h**e iyo howlaha mudnaanta leh ee horyaalla kalfadhigan cusub. Waxaan Xildhibaanada ku dhiirrigeliyay inay door muuqda ka qaataan taageerada Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Hirshabelle iyo ciidamada difaaca deegaanka, si loo dardargeliyo dagaalka lagula jiro argagixisada.
Munaasabadda Furitaanka kalfadhiga waxaa nagala soo qeyb galay maamulka caasimadda Jowhar, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
31/03/2025
Ciid Wanaagsan
Waxaa Maanta oo ah Maalintii labaad ee Ciidul-fidriga la ciiday boqolaal ka mid ah ciidamada difaaca shacabka ee halganka ciribtirka argagaxisada ka wada deegaanada dhaca galbeedka Hirshabelle.
Ciidanka xaq-udirirka ee duufaanta Sheikh Xasan barsane oo aan kula hadlay goob fagaare ah ayaa ugu h**eyn ugu Hambleyay Munaasabadda ciida, waxaa sido kale mar labaad ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen kooxaha khawaarijta, waxaana u ballanqaaday in mar walba dowladda Hirshabelle ay garan taagantahay sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha khawaarijta ee dalkeenna iyo deegaankeenna ku soo duulay.
Dhanka kale booqashadeyda maanta ee ciidamada xaq-udirika deegaanka waxaa igu wehliyay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Hirshabeelle Xildhibaan Cali Cusmaan Ibraahim iyo Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe Mudane Maxamed Cabdi Sheikh (Xaandow).
29/03/2025
Waxaan guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacab weynaha reer Hirshabelle ugu Hambalyeynayaa Munaasabadda ciidul-Fidriga, Alle waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysanayd ee Ramadaan.
Waxaa sidoo kale Hambalyada Ciida la wadaagayaa dhammaan Ciidamada qalabka sida ee Xoogga Dalka, Darawiishta Hirshabelle iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha h**e ee dagaalka kula jiro kooxda Khawaajirta Al-shabaab.
Ciid Mubaarak, waxaanna Eebbe ka baryayaa in dhammaanteen uu ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo horumar iyo barwaaaqo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Jowhar
Jowhar
