Waxaan farxada iyo damaashaadka munaasabada Ciida Carafo oo maanta ah maalintii koobaad bulshada kula qaatay beeraha dalxiiska iyo goobaha dhalinyarada isugu yimaadaan ee Magaalada Jowhar.
Ali Gudlawe Hussein
This is the official page of the President of the Hirshabelle State of Somalia
Ciidan ciideeda Farxad iyo caafimaad allaha nagu gaarsiiyo dhamaan umadda muslimiinta meel kasto oo aad joogtaan waxaan idin leeyahay ciid wanaagsan.
26/05/2026
Waxaan hambalyo ku aaddan munaasabada ciidul-adxa u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo Muslimiinta Caalamka.
Waxaan Alle uga baryaa shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabaaldegaya munaasabadda ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.
Waxaan umadda muslimiinta ah ugu baaqayaa iney is kaalmeeyaan oo hoos u fiiriyaan masaakinta, agoonta, iyo kuwa danta yar si ey farxada ciida ula qeybsadaan dadkooda.
Dhammaan Muslimiinta gudatey waajibaadka Xajka sannadkan waxaan Alle uga baryayaa inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan.
Ciid Wanaagsan.
18/05/2026
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Waxaan u tacsiyaynayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Hirshabelle ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Shuutaale oo ku geeriyooday Magaalada Jowhar.
Allaha u naxariistee Marxuumka waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u adeegida shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabelle.
Ugu dambeen Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Qoyska, Ehelada iyo dhamaan shacabka Hirshabelle ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.
29/04/2026
Waxaan galabta booqasho ku tagay xarunta xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP halkaas oo ay si diiran iigu soo dhaweeyeen xubnaha iyo golaha fulinta ee Xisbiga.
25/04/2026
Waxaan galabta booqasho ku tagay xarunta xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP halkaas oo ay si diiran iigu soo dhaweeyeen xubnaha iyo golaha fulinta ee Xisbiga.
Dalkeennu waxa uu u jiheystay hanaan doorasho oo toos ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u muujiyaan awoodooda iyo inay codkooda ku doortaan hogaankooda.
24/04/2026
Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa Wiilkeyga Nasri Cabdullahi Warsame iyo Gabadhayda Maryama Cali Cabdullahi oo maanta Munaasabada Meherkooda uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Qoyskaan cusub waxaan ALLAAH uga baryayaa inuu isu barakeeyo oo nolosha ay farxad ku qaataan.
Ugu dambeen, waxaan mahadcelin gaar ah u dirayaa dhammaan masuuliyiinta, dhaqanka iyo bulshadii qiimaha badnayd ee kasoo qaybgashay Munaasabada Meherkaan.
01/04/2026
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaan u tacsiyeeynayaa qoyska, qaraabada, bahda Waxbarashada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Prof. Cali Jimcaale Axmed, oo ahaa aqoonyahan, waqtigiisa ugu badnaa ku qaatay horumarinta waxbarashada, afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Prof. Cali, taariikh dhaxal ah ayuu kaga tagay shacabka Soomaaliyeed taas oo uu xasuusan doono jiil walba. Tiir ayuu u ahaa bahda waxbarashada.
Marxuumku waxaan Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Qoyska, Ehelada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.
19/03/2026
Waxaan guud ahaan Muslimiinta Caalamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa munaasabaddaan barakaysan ee bilashada bisha Soonfur iyo farxadda Ciidul Fidriga.
Waxaan Alle uga baryayaa ummadda Soomaaliyeed in abaarta jirta uu barwaaqo iyo roob kheyr leh innoogu beddelo, isla markaana ciiddan ciideeda nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo horumar.
Ciid Wanaagsan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the business
Website
Address
Presidency Street, Jowhar District, Middle Shabelle Region
Jowhar
252
