31/03/2026
Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeelaha dhexe waxa ay Baafinaysaa Shakhsiyaadka hoos ku xusan.
Welcome page of the Middle Shabelle Regional Appeal Court.
31/03/2026
Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeelaha dhexe waxa ay Baafinaysaa Shakhsiyaadka hoos ku xusan.
17/02/2026
Ramadaan Mubaarak, Bilashada bishaan khayriga ah barakadeeda Alle hanasiiyo, si nabdoon oo ka faaideysi leh Alle ha inoogu gaba-gabeeyo. Waxaan kula dardaarmayaa in walaalkaa oo gaajeesan aad kaalmeeso si uu farxad ugu afuro maalinba Alle haka dhigee...
20/01/2026
Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeelaha dhexe waxa ay Baafinaysaa dhaxaltooyada magacyadooda hoos ku xusanyihiin.
Maxkamadda ayaa amartay ayada oo u qabatay muddo 15 cisho ah oo kabilaabanaysa 18/01/2026 kuna eg 01/02/2026, in ay kuyimaadaan maxkamadda ama ay soo qabsadaan wakiil sharci si uu oga difaaco Racfaanka ay dhanka ka yihiin.
Qeybta-2aad" Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Sh.dhexe Bilaal Abdi Kadir Hasan ayaa sharaxay muhiimadda ay leedahay Dhisidda iyo hagaajinta Arrimaha Guurka Gaar ahaan marka la joogo dhaqanka Raga iyo dumarka.
Qeybta-1aad" Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Sh.dhexe Bilaal Abdi Kadir Hasan, oo ka qeyb-galay Shirweynahaan Culimaa'udiinka Iyo Bahda Garsoorka ayaa ka hadaly Dhisidda iyo hagaajinta Arrimaha Guurka Gaar ahaan marka la joogo Nikaaxa iyo furitaanka qoyska.
05/11/2025
𝐉𝐨𝐰𝐡𝐚𝐫: 4' 𝐍𝐨𝐯𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫, 2025, Guddomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Shabeelada dhexe Bilaal Abdi Kadir Hasan, ayaa Magaalada Jowhar Uga Qeyb-galay Shirweyne U dhaxeeya Bahda Garsoorka iyo Wasaaradda Awqfata iyo arimaha Diinta.
Shirweynahaan waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Awqaafta &arimaha diinta Hirshabelle 𝐀𝐥𝐢 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐡𝐢𝐦 ,oo uu whliyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hirshabelle Mudane Abdullahi Mohamud Ga,al ayadoo sidoo kale ay goob joog ahyeen Xubno kasocday Golaha Wasiirada Hirshabelle, Mamulka Goboka Shabeelaha dhexe, Mas,uliyiin ka socotay Maxkamadaha iyo Bulshada Rayidka Qeybahooda Kala duwan.
Ujeedka Shirkan ayaa ahaa sidii Wasaaradda Awqaafta &Arrimaha diinta iyo bahda garsoorka iskaga kaashan lahaayen arimaha la xiira Qoyska, maamada bulshadu la dhibantahay khilafaad xoogan oo ka dhashay Guurka iyo Waliba furriinka Kaas oo ay si gaar ah iskaga kaashan doonan bahda Cadaaladda iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Shabeelada dhexe Bilaal Cabdulqadir ayaa Kulankan kasoo jeediyay Khudbad muhiim ah oo ku aadan Sida loo dhisi karo qoysas wangsan oo ka hufan Khilaafad ayadoo la daliilsanayo Nusuusta sharciga ah,
ka maxkmad ahaan waxa uu sheegay in ay soo gaaraan khilaafaadka qoyska muhiimna ay tahay in Wasaaradda diinta iyo garsoorka tilaabo iskaashi ah ay qaadaan.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Warsaxaafaded ayaa laga soo saaray Shirka Garsoorka DG. Hirshabelle oo laba Maalmood ka socday Degmada Balcad Ee Gobolka Shabelaha Dhexe.
08/10/2025
𝐁𝐚𝐥𝐜𝐚𝐝: 8,Oktober, 2025; Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka sh.dhaxe Bilaal Abdi Kadir Hasan, ayaa ka qeyb-galay Shirka Garoosorka oo ka qabsoomay Degmada Balcad ee Gobolka Sh.dhexe.
Waxaana shirgudoominyay Gudoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Cabdullhi Maxmuud Gacal, Gudoomiyasha Maxkamadaha Racfaankanka labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,Garsoorayaal ka kala socday Degmooyinka Hirshabelle. Shirkaan ayaa warbixino loog dhegestay Gudoomiyasha labada gobol ee racfaanada iyaga oo ka warbixiyay howlaha garsoorida ee u qabsoomay iyo waxii ay hiigsanayan,
Waxa ayna soo jeediyeen talooyin lagu soo hormarinayo laamaha garsoorka.
Shirkan u qabsoomay heydaha garsoorka ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo lagu tayeynaayo 1heydaha Garoosorka waxaan ka mid ahaa:
1-Dardargalinta Howlaha Garsoorka waxaa lagu adkeeyay shirka baahida loo qabo in la kordhiyo hofnaanta degdega ah iyo cadaaladda lagu mamulo dacwadaha si shaacbka si shacabka u helaan adeeg garsoor oo wafqasan cadaaladda.
2-teyeynta garsoorka, si garsoorayashu y helaan tababar ku filan kana jawabaya caqabdaha ka yimada howlaha garsoorida loona helo hufnaan loona helo mideesnan garsoor.
3-in la xoojiyo casriyeynta howlaha garsoorka, si loo helo nidaam casriyeysan, ee keydinta iyo Diiwangalinta howlaha garsoorka,iyo helida mareeg rasmi ah oo mideysan.
4-in garsoorku yeesho shir sanadeed mideysan si loo helo warbixinta garsoorka hirshabelle,
Doodo, cilim baarisedyo, iyo aqoon isweydaarsi.
5-in garsoorku ku dadaalo hufnaanta cadaalada si loo adkeeyo kalsoonida bulshada.
6-in gasrooku ka madaxbananyahay siyaasada, sida labada heerood ee fulinta iyo sharci dajinta waxa uuna garoorku leeyahay xaquuq joogta ah mudnaan gooni ah uu ku leeyhay dowlada hirshabelle,
Waxa uuna digniin adag udiray shirku dadka faafiya wararka been abuurka ah ee lagu sumcad dilayo sumcadda garsoorka iyo kalsoonida bulshada.
7-shirka ayaa waxa uu ku booriyay in la dardargeliyo wadashaqeynta dhamaan heerarka kala duwan ee Garoosorka, lana diyaariyo qorsha howleed mideysan.
Gobagabdii Gudoomiyasha Maxkamadda sare Cabdulhi Maxmuud Gacal ayaa soo xiray Shirka asgaoo dardaaran ku aadan shaqada Garsoorka Dowladda Hirshabelle, u jeediyay ka qeybgalayasha waxaan shirka Gabogabadii loogu mahadceliyay Garooska balcad oo shirka maritime galiyay.
DHAMMAAD
08/10/2025
"WAR SAXAAFADEED"
War saxaafaded ayaa laga soo saaray Shirka Garsoorka Dowladda Hirshabelle oo labadii maalin ugu danbeysay ka socday Degmada Balcad Ee Gobolka Shabelaha Dhexe.
Maxkamadda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhul-beereed uu lahaa ku wareejisay Maxamuud Idiris abuukar [ Khoojow ] oo sifo sharci darro ah looga heystay.
06/09/2025
Jowhar: 06, September, 2025,
Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Shabeelada dhexe Mudane Bilaal Abdi Kadir Hasan, ayaa ka qeb-galay Shir Deg Dega ah oo ay yeesheen Garsoorka Hirshabeele iyo Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud kaas oo ka qabsoomay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeelaha dhexe.
Shirkaan ayaa waxaa Guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Hirshabeele Mudane Cabdullhi Maxamuud Gacal ,
Ayada oo ay qeyb ka ahaayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Hirshabeele Garyaqaan Garaad Axmed Caddow, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Garsoore Bilaal Cabdiqaadir Xasan, iyo dhammaan garsoorka heerarkiisa kala duwan iyo xubna kale oo ka tirsan Xafiiska xeer-ilaalinta.
Ajandaha shirkaan ayaa waxa uu daarnaa qodobo dhowr ah oo ay kamidka yihiin: Dardargelinta Dacwadaha Ciqaabta iyo Kuwa madaniga ah, ka-jawaabida cabashada dadweynaha ee dhinaca ujuurada maxkamadaha, adkaynta iyo sharci u helidda Damaanadaha, Xoojinta wadashaqeeneed ee Garsoorka iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta, iyo ilaalinta Xuquuqda Eedeysanaha xiliga horgaynta iyo garsugidda.
Shirkaan ayaa lagu xaliyey caqabado badan ee garsoorka ayada oo ahmiyad lasiiyey kordhinta kalsoonida garsoorka iyo fahanka garsoorka ee kaga aadan bulshada.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Cabdulhi Gacal, ayaa garsoorayasha ku amaanay shaqada ay u haayan Bulshada ku nool deegaanada Hirshabelle.
ugu danbeyn Gudoomiye gacal ayaa soo xiray Shirka garsoorka
DHAMMAAD