Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia

Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia

Share

This page is the official page of the Ministry of Humanitarian Affairs and DRM in Hirshabelle

Page-kaan waa Page-ka Rasmiga ah ee Wasaarada Gargaar iyo Maareynta musibooyinka dowlad goboleed Hirshabelle.

15/11/2025

Sidee loogu soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle Xarunta Wasaaradda….

Photos from Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia's post 15/11/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle oo Lagu Soo Dhaweeyay Xarunta Wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta wasaaradda, iyadoo munaasabadda soo dhaweynta ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda.

Inta uu ku guda jiray booqashadiisa, Agaasimaha Guud ayaa mid mid u kormeeray qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee wasaaradda, halkaas oo uu warbixinno shaqo kasoo dhageystay madaxda waaxyaha. Qayb walba waxay soo bandhigtay howlaha ay hadda wadaan, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha u baahan in si wadajir ah loo xalliyo, gaar ahaan kuwa la xiriira maareynta masiibooyinka iyo jawaabaha degdegga ah.

Agaasimaha Guud ayaa dhankiisa u mahadceliyay Wasiirka iyo guud ahaan shaqaalaha wasaaradda soo dhaweynta kulul ee ay u sameeyeen, isagoo xusay inuu mudnaanta koowaad siin doono kor u qaadista hufnaanta shaqada, dardargelinta adeegyada gargaarka, iyo xoojinta wada-shaqeynta waaxyaha wasaaradda.

Xafiiska Warfaafınta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/MoHADMHirshabelle
https://twitter.com/Mohadmhss

Photos from Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia's post 10/11/2025

Jowhar, 11-nov-2025: Wasiirka gar-gaarka dowlada Hirshabelle Caisha khaliif ayaa ka qeyb gashay Munaasabad casho sharaf oo ka dhacday aqalka madaxtooyadda Dowladda Hirshabeelle

:waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA, Wasiirrada Gargaarka ee xubnaha ka ah Dowladda Federalka, Maamulka Gobalka Banaadir, Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe, Duqa magaalada Jowhar, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Hirshabeelle iyo marti sharaf kale.

:Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali cabdulahi xuseen ayaa Hay’adda SODMA waxa uu kaga mahadceliyey in meertada 9-aad ay u doortaan magaalada Jowhar.

DHAMMAAD

Photos from Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia's post 10/11/2025

Jowhar, 10-Nofeembar-2025:wasiirka gar-gaarka Hirshabelle Caisha Khaliif ayaa maanta ka qeyb gashay Shirka Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya oo maanta daah furay Madaxweynaha dowlada hirshabelle mudane Cali cabdulahi xuseen kaa oo diirada lagu saarayo abaaraha, fatahaadaha,
barakaca, iyo baahiyaha nololeed ee
degdegga ah oo maanta ka furmay magaalada Jowhar

Waxaa ka soo qeyb galay shirka Guddoomiyaha Hay’adda SODMA, ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ahna isku-duwaha howlaha UN-ka ee Soomaaliya, Wasiirrada Gargaarka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobalka Banaadir Wakiillada Hay’addaha Gargaarka ee Qaramada Midoobe, Duqa magaalada Jowhar iyo marti sharaf kale.

: Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle, caaisha khaliif ayaa kula dardaarantay dhinacyada shirka ka qeybgalay in loo gurmado dadka wajahayo xilligan xaaladdaha adag.

DHAMMAAD

10/11/2025

Hadaljeedinta Wasiirka gargaarka Hirshabeelle Caasho Khaliif ee shirka madasha arrimaha Banii'adannimada oo Jowhar ka furmay

09/11/2025

Jowhar iyo SoDma 🎥….

Photos from Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia's post 09/11/2025

Jowhar,9-nov-2025: Wasiirka wasaarada gargarka hirshabelle Aisha khaliif ayaa maanta xilalka u kala wareejisay Agaasimhii guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle Cabdifataax Maxamed Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee cusub Cabduqaadir Xaaji Axmed oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Munaasabadda Waxaa ka soo qeyb galay Gudomiyaha SoDma maxamuud macalin wasiiro xildhibaano Gudomiyaha degmada jowhar iyo Qaar ka mid ah Shaqaalaha SoDma..

"Agaasime Cabdifitaax muddo 7 sano ah ayuu ka soo shaqeeyay Wasaaradda, waxaana ugu mahadcelinayaa shaqada culus ee uu soo qabtay. Sidoo kale, waxaan soo dhaweynayaa Agaasimaha cusub ee Wasaaradda."

Ugu Dambeyn wasiirka wasaarada gar-gaarka Dowladda Hirshabelle Aisha khaliif ayaa u mahadcalisey agaasimihii h**e ee wasaarada gar-gaarka iyadoo Sido kale soo dhaweesay agaasimaha cusub ee wasaarada…

Dhamaad….

09/11/2025

Wasiirka wasaarada gargarka hirshabelle Aisha khaliif oo maanta xilalka u kala wareejisay Agaasimhii guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle Cabdifataax Maxamed Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee cusub Cabduqaadir Xaaji Axmed oo galabta ka dhacday magaalada Jowhar.

09/11/2025

Wasiirka gargaarka Hirshabelle Aisha khaliif Maxamed oo manta ku soo dhaweesay magaalada jowhar Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud macalin Cabdulle iyo Xubno Wasiiro ah oo ka qeyb gali doona Shir weyn arimaha bin-aadamnimada oo berri ka furmi doona.magaalada jowhar ee caasimada Hirshabelle …

Photos from Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia's post 09/11/2025

Jowhar-9-nov2025..Wasiirka Wasaarada Gar-gaarka Dowladda Hirshabelle Aisha khaliif Maxamed ayaa maanta ku soo dhaweesay magaalada jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabelle Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud macalin Cabdulle iyo Xubno Wasiiro ah oo ka qeyb gali doona Shir weynaha Arimaha Bin-aadamnimada oo berri ka furmi doona.magaalada jowhar ee Caasimada Hirshabelle.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Maxamed dheere airport ku soo dhaweeyay wefdiga wasiiro xildhibaano ka tirsan Dowladda hirshabelle iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada Gar-gaarka Hirshabelle…

"Waxaan maanta magaalada Jowhar ku soo dhaweynay wafdi kala duwan oo ka qeybgalaya Shirka Madasha Arrimaha Banii'aadanimada, oo berri furmaya,"

Ugu Dambeyn Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle Aisha khaliif Maxamed ayaa sheegtay
Shirka beri ka furmaaya magaalada jowhar in uu waxtar weyn u leeyahay umadda Somaliyeed gaar ahaan rer Hirshabelle…

DHAMAAD……

Want your business to be the top-listed Government Service in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Jowhar

Opening Hours

Monday 09:00 - 18:00
Tuesday 09:00 - 14:00
Wednesday 09:00 - 14:00
Thursday 09:00 - 14:00
Saturday 09:00 - 14:00
Sunday 09:00 - 14:00