10/07/2025
Waxaa si rasmi degmadda warsheekh Dowladda Hirshabelle gabagaboodey kulan dadweyne oo socday afar maalmood ah, kaasoo diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo wax-ka-bedelka cutubyada 1aad ilaa 9aad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday qodobbada muhiimka ah ee ku jira dastuurka, iyadoo dadweynaha ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada fursad loo siiyey in ay soo bandhigaan aragtiyahooda, suโaalahooda iyo talooyin la xiriira wax ka bedelka cutubyada laga hadlayey.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa khubaro ku xeel dheer arrimaha dastuurka iyo sharciga, xubno ka tirsan golaha deegaanka degmadda iyo shaqaalaha qaar kamid ah Wasaaradaha.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda Hirshabelle, Mudane Maxamed cabdiraxmaan, ayaa kulanka si rasmi ah usoo xiray, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida ay uga faaiidaysteen fursadda, una muujiyeen dareenkooda iyo ka qaybqaadashadooda geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka qaranka.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta
Website: https://Mocafa.hs.so
Twitter: https://twitter.com/mocafaHs
09/07/2025
kulanka wacyi-gelinta Bulshadda Rayidka qeybahooda kala duwan ee dib-u-eegista Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan cutubyada 1aad ilaa 9aad.
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalaya qeybaha kala duwan ee bulshada, Haweenka, masuuliyiin ka tirsan degmadda warsheekh, khubaro dhinaca sharciga iyo dastuurka ah, iyo wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka ah.
08/07/2025
Waxaa maalintii Labaad magaalada warsheekh ee Dowladda Hirshabelle noo qabsoomey kulanka wacyigelinta bulshada ee ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas oo maalintii shalay si rasmi ah uga furmay magaaladaas.
Kulanka maanta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kor uqaadista aqoonta dastuureed ee bulshada iyo sidii loogu wacyi-gelin lahaa kaalintooda ay ku leeyihiin hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo ka qaybgalkiisa.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee ku aaddan in bulshada kala duwan ee hirshabelle meel kastoo ay joogaan laga qaybgeliyo dib-u-eegista dastuurka, ayna ku lahaadaan aragti iyo soo jeedimo.
===Dhamaad===
07/07/2025
Warsheikh, 07 July 2025
Magaalada warsheekh ayaa maanta waxaa si rasmi ah loogu daahfuray kulanka wacyigelinta bulshada ee la xiriira arrimaha dib-u-eegista iyo wax-ka-bedelka cutubyadda 1-9 dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgaley qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin haweenka, dhalinyarada, culimada, odayaasha dhaqanka, dadka naafada ah iyo kuwa la haybsooco.
Kulanka waxaa si wadajir ah u furay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Hirshabelle, Mudane Maxamed abdirahman iyo Guddoomiyaha Degmada warsheikh, kuwaas oo hoosta ka xariiqay muhiimadda uu dastuurku u leeyahay dalka iyo doorka ay shacabka reer warsheeq ay ku leeyihiin dib-u-eegista iyo wax ka bedelka dastuurka.
Kulankan ayaa wuxuu socon doona muddo afar maalmood ah, iyadoo inta uu socdo lagu soo bandhigi doono casharo ku saabsan mowduuca laga hadlayo, isla markaasna ka qaybgalayaasha fursad loo siin doono inay soo bandhigaan aragtidooda iyo wixi suโaalo ah ay qabaan.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta
Website: https://Mocafa.hs.so
Twitter: https://twitter.com/mocafaHs
16/06/2025
Jowhar, 16 Juun 2025 โ Waxaa si rasmi ah maanta magaalada jowhar caasimadda ee Dowladda Hirshabellle loogu soo xiray kulan dadweyne oo socday muddo saddex maalmood ah, kaasoo diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo wax-ka-bedelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa sharciga yaqaano, aqoonyahanno, xubno ka tirsan golayaasha dowladda Hirshabelle iyo shaqaalo ka socda Wasaaradaha.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda Hirshabelle , Mudane Maxamed cabdiraxmaan ,ayaa kulanka si rasmi ah usoo xiray, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida ay uga faaiidaysteen fursadda, una muujiyeen dareenkooda iyo ka qaybqaadashadooda geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka qaranka.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta
Website: https://Mocafa.hs.so
Twitter: https://twitter.com/mocafaHs
15/06/2025
Jowhar, Juun 15, 2025 โ maalintii labaad kulanka dadweyne ee dib-u-eegista Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad.
Kulankan oo si rasmi ah shalay uga furmay magaalada jowhar, ayaa waxaa ka qeybgalaya qeybaha kala duwan ee bulshada, aqoonyahanno, masuuliyiin ka tirsan dowladda, khubaro dhinaca sharciga iyo dastuurka ah, iyo wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka ah.
14/06/2025
Jowhar, Sabti โ 14ka Juun 2025;
Kulan Dadweyne oo ku Saabsan Dib-u-eegista Dastuurka KMG ee JFS.
Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Dowladda Hirshabelle ee Soomaaliya ayaa maanta, 14ka Juun 2025, ku qabatay magaalada jowhar kulan dadweyne oo ku saabsan Arrimaha dibu-eegista iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad.
Ujeedada Kulanka ayaa ahayd In si furan loo falanqeeyo loogana doodo cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah, iyo In la helo talooyinka iyo aragtiyaha bulshada qaybaheeda Kala duwan si dastuurku u noqdo mid baahida bulshada u haqabtiro.
Kulanka dadweyne ee Maanta furmay ayaa waxaa Kasoo qaybgalay xubno ka tirsan Dowladda Hirshabelle , Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanno, ururada bulshada rayidka ah, Haweenka,Dhalinyarada, Dadka baahiyaha gaarka qaba iyo Culumaadda.
Furitaanka Kulanka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Mudane Maxamed cabdiraxmaan, oo ka hadlay muhiimadda doorka bulshada uu leeyahay, isagoo ku booriyey dhammaan ka-qaybgalayaashu inay si hufan uga qaybqaataan dib-u-eegista cutubyadan muhiimka ah.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta
Website: https://Mocafa.hs.so
Twitter: https://twitter.com/mocafaHs
13/11/2024
WASARRADDA DASTUURKA IYO ARRIMAHA FEDERAALKA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAANTA MAGAALADA WARSHEIKH KU AGAASINTEY SHIRKA LA-TASHIGA MAAMULKA WARSHEIKH IYO ADALE : HAWEENKA, DHALINYARADDA,BULSHADA RAYIDKA IYO ODAYAASH DHAQANKA EE SOO JEEDINTA WAXBEDDELKA CUTUBYADDA 5-9AAD EE DIB U EEGISTA DASTUURKA KMG.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Hirshabbeelle oo kulanka furan ayaa sheegay in Haweenka, dhalinyarada iyo bulshadda Rayidka reer Hirshabeelle looga baahan yahay in ay kaalin muhiim ah ka qaataan wax ka bedelka iyo toosinta Cutubka 5aad illaa 9aad ee Dastuurka.
Shirka oo socday mudo 3 maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray Cutubyada 5-9aad ee Dib-U-Eegista Dastuurka.
Gabagabadii shirka la tashiga Cutubyada 5aad illaa 9aad ayaa waxaa doodo wax ku ool ah soo jeediyay ka qaybgalayaasha kulanka oo fikradahooda dhiibtay.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta
Website: https://Mocafa.hs.so
Twitter: https://twitter.com/mocafaHs
28/10/2024
WASARRADDA DASTUURKA IYO ARRIMAHA FEDERAALKA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAANTA MAGAALADA JOWHAR KU AGAASINTEY SHIRKA LA-TASHIGA HAWEENKA, DHALINYARADDA, IYO BULSHADA RAYIDKA EE SOO JEEDINTA WAXBEDDELKA CUTUBYADDA 5-9AAD EE DIB U EEGISTA DASTUURKA KMG.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Hirshabbeelle oo kulanka furan ayaa sheegay in Haweenka, dhalinyarada iyo bulshadda Rayidka reer Hirshabeelle looga baahan yahay in ay kaalin muhiim ah ka qaataan wax ka bedelka iyo toosinta Cutubka 5aad illaa 9aad ee Dastuurka.
Shirka oo socday mudo 3 maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray Cutubyada 5-9aad ee Dib-U-Eegista Dastuurka.
Gabagabadii shirka la tashiga Cutubyada 5aad illaa 9aad ayaa waxaa doodo wax ku ool ah soo jeediyay ka qaybgalayaasha kulanka oo fikradahooda dhiibtay.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta
Website: https://Mocafa.hs.so
Twitter: https://twitter.com/mocafaHs
25/10/2024
SHIRKA LATASHIGA HEY,ADAHA DOWLADDA IYO AQOONYAHANADA EE DIB-U-EEGISTA DASTUURKA OO LAGU QABTAY MAGAALADA JOWHAR.
JOWHAR 24/11/2024:
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle ahna kusimaha gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle, ayaa maanta magaalada Jowhar ka furay Shir Muhiim ah oo ku saabsan wax ka beddelka cutubyada 5aad illaa 9aad ee dastuurka kaas oo ay hoggaaminayeen hayโadaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka sida Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS, iyo Guddiga La-socodka Dastuurka, guddiga dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyo sidoo kale Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle.
Shirkaan ayaa looga golleeyahay in latashiyo ballaaran lala sameeyo hey,daha kala duwan ee Dowladda Sida Sharci daninta, Fulinta, hey'adaha Garsoorka Aqoonyahanada ku dhaqan Hirshabeelle si bulshada ugu qeyb qaadato dib-u-eegista iyo wax-ka-bedelka dastuurka, waxuuna qayb kayahay dadaallada joogtada ah ee ku wajahan dib-u-habaynta iyo dhameystirka Dastuurka dalka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo heshiis lagu yahay.
Gudoomiye Siraaji ayaa tilmaamay muhiimda uu dalka u leeyahy dhameestirka dastuurka,
Waxa uuna hey'adaha ku shaqada leh ku booriyay in ay kordhiyaam kulamada noocan oo kale si Bulshada Soomaaliyeed ay ugu biiriyaan argtidooda.
-DHAMMAAD-
23/10/2024
๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ญ๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐ข๐๐ค๐ ๐๐ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐๐๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ก๐๐ซ ๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐.
JOWHAR 23/11/2024 Waxaa maanta magaalada Jowhar lagu qabtay Shir muhiim ah oo ku saabsan wax ka beddelka cutubyada 5aad illaa 9aad ee dastuurka kaas oo ay hoggaaminayeen hayโadaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka sida Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS,Guddiga La-socodka Dastuurka iyo guddiga dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle iyo ururada bulshada rayidka.
Shirkaan ayaa looga golleeyahay in latashiyo ballaaran lala sameeyo bulshada rayidka si bulshada ugu qeyb qaadato dib-u-eegista iyo wax-ka-bedelka dastuurka waxuuna qayb kayahay dadaallada joogtada ah ee ku wajahan dib-u-habaynta iyo dhameystirka dastuurka ee Soomaaliya.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta
Website: https://Mocafa.hs.so
Twitter: https://twitter.com/mocafaHs
28/07/2024
Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda Hirshabeelle ayaa soo agaasintay Kulan wadatashi Degmada Balcad iyo Bulshada Rayidka ku aadan Dib u Eegista Dastuurka. Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda Hirshabeelle, Mudane Mohamed Abdirahman ibrahim, ayaa si rasmi ah u daahfuray kulanka.
Shirka oo socday mudo 2 maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray Cutubyada 5-9aad ee Dib-U-Eegista Dastuurka Somalia.
Shirka, oo ku qabsoomay degmada Balcad, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaarada, Gudoomiyaha dagmada, Ugaas degmadda iyo la taliyaha sare ee Wasaaradda, Agaasima Waaxeeydyada Wasaaradda, iyo maamulka Degmadda Balcad, Bulshadda Rayidka qeybaheeda kala duwan sida haweenka, dhalinyarada iyo Culimadda.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta
Website: https://Mocafa.hs.so
Twitter: https://twitter.com/mocafaHs