Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Ogaal

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka  Ee Ogaal

Share

Akhriska waa lagu hodmaa
Ogaal iyo waa iftiin.

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka  Ee Ogaal's post 26/09/2025

Qaar kamid ah xubnaha Naadiga Ogaal ayaa galabta isugu yimid gorfeynta buugga " Boqol Mashruuc iyo Mashruuc" oo ah buug dhaqaale, mid kamid ah xubnaha ayaa buugga si qotodheer u gorfeeyay isagoo dhinacya badan iska taagay.

Xubnaha goobjoogga ahaa oo idil ayaa iyagana kolkooda buugga aragti iyo afkaar kaleba ku biiriyay, halka uu mid waliba aragtida sida gaarka ah u soo jiidatay soo bandhigay.

Kulanka ayaa si qurux badan ku soo idlaaday.

Baaqeennu waa barashada aqoonta iyo akhriska buugaagta.

06/08/2025

Midowga Naadiyada Akhrisqoraalka Kismaayo ayaa qabanaya bandhigga buugga "Qiyamka Qoyska iyo Bulshada Fiican" ee uu qoray Xildhibaan Maxamed Cabdi Naasir, buugga ayaa la soo bandhigi doonaa Khamiista soo aaddan, goobtuna waa Rootaana hotel, goortuna waa 3:30pm.
Qof waliba oo Akhrisqoraalka daneynaya ayeynu halkaas ku casuumeynaa.
Nabad ahaada.

01/03/2025

Naadiga Ogaal, guddoonkiisa iyo dhammaan xubnaha naadiga oo isku duuban waxay umadda soomaaliyeed iyo guud ahaanba Muslimiinta ugu hambalyeynayaan: bilashada bisha Soon-qaad.

Eebbe weyne kuwii ka faaideysta ha naga yeelo, ajarkeeda iyo barakadeedana ha na siiyo.

Soon-qaad wanaagsan .

12/01/2025

Gorfeynta buugga DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY.

Qoraaga buugga: waxaa lagu magacaaba Maxamed Daahir Afrax waxaa uu ku dhashay gobolka Mudug sanadka markuu ahaa 1952, waxaa uu dhintay 2021. Qoraaga waa nin rugcaddaa ah umadana inbadan qalinkiisa ugu adeegay, buugaag baddana qoray oo uu ka mid yihiin, maanafaay iyo buuganba, In uu qoraa ahaa waxaa udheereyd, in uu soo noqday gudoomiyihi Akaademiyad Goboleedka af-soomaliga( AGA).
Buugga: Buuggan waxaa uu ka koobanyahay 206 bog, cutubyadiisuna waxa ay ka koobanyihiin 5 cutub oo waaweyn midwaliba kan kale ka cajab badanyahay.
Cutubyada buugga
1. Dal dadkiisii gabay
2. Dibindaabyada Dibadda
3. Damqashada jabuuti
4. Tijaabadii Dowladdii KMG
5. Gunaanad : Soomaaliya Dib ma u dhalan kartaa?

Cutubka 1aad; Dal dadkiisi gabay, cutubkaan qoraaga waxaa uu uga hadlaaya, in dalkeenna illahay ku maneeystay kheyraadka dabiiciga ah, waabiyada, carradiisa, hawadiisa iyo
xeebta Afrika ugu dheer, intaas oo kheyraad ah dal heysto ayaa waayay dad ka faaideysto.
Da’ayarti intaas ka faaideysan laheydna waxaa ay u kala baxeen kuwa waddanki gudahiisa qori la isugu dhiibay oo isku laaya, kuwa u sacabba tumo iyo inkale oo naftooda ku halaagay tahriib iyo badaha calaaamka.

Wuxu qoraaga cutubkaan ku soo bandhigaaya in dalkeennu gablan yahay isagoo leh dhulka soomaliyeed ee intaas oo kheyraad ah leh waxaa uu ka gablan ka yahay dadka.
Ciwaan kale oo uu qoraaga soo qaadanaayo ayuu ku leeyahay " Magac Ba'ay" halkaan wuxu innagu weeydiinaaya cidda aad tahay ma sheegan kartaa? Yacni soomali ayaan ahay ma dhihi kartaa oo dunida maku oran kartaa? Halkaas isagaa isu jawaabaya oo waxa uu leyaahay "Maya"
Waxa uu sidoo kale leeyahay " Is duleeye isla quman" oo ah in soomalidu iyadu is duleyneyso islana qumantahay.

Magaceenna yaa bi'iyay?
Halkaan wuxuu kuso bandhigaaya saddex qolo oo bi'isay magaceenni;
1) Garwadeenka dhaqanka
2)Garwadeenka dhaqaalaha 3)Garwadeenka siyaasadda.

Cutubka 2aad; dibindaabyada dibadda waxaa lagusoo bandhigaaya
dhibaatada ay wadamada shisheeye u geeysanayaan soomaliya, halkaan qoraaga waxaa uu leeyahay soomaliya waxaa isugu tagay Dubbe shisheeye iyo Daab soomaliyeed.
Halkan waxaa uu qoraaga ku soo lifaaqaaya hagarta iyo jid gooyada ay Ethiopia la maagantahay soomaliya oo soomaliya oo midowdo ay uga dhigantahay Ethiopia oo burburta, waxa ay leeyihiin waji mu'min iyo miciyo beeso.

Sidokale cutubka waxaa uu ku soo qaadanaaya tartanka gobolka loogu jiro yacni goobta istaraatiiji ee ay dhacda(strategic position) oo ay soomaliya ku taallo xeebta ugu dheer Afrika,wadama badanna ay isku hardinayaan ayaa keeneyso dibindaabya siyaasadeed.

Cutubka 3aad:
Wuxu ka waramaaya damqashada Jabuuti. Jabuuti ayaa ka damqaneyso xasiloonida darrada soomaliya iyo dibindaabyada lagu haayo, Jabuuti gacan ayay u fidineysaa soomaliya iyadoo iclaamineysa shirki Jabuuti lagu qabtay 2000 kaas oo looga hadlay ayaa katashi ugu dambeyna heshiis lagu gaaray laguna soo dhisay dowlad ku meel gaar ah oo cabdiqaasin uu madaxweyne ka
noqday.Oraah qiima badneyd ayay reer Jabuuti adeegsadeen waqtigaas oo aheyd
" Annagana gogasha adinkuna goaan ka"
Madaxweyne Ismacil Cumar Geelle ayaa kaalin laxaad leh shirkaas ka qaatay oo markaas xilka ku cusbaa, sidokale wuxu Qaramada midoobay ka jeediyay khudbad saameyn laheyd oo uu kaga dhaadhicinaaya in soomaliya laga taageero siday nidaam dawlad-dhis ah ku gaari laheyd.

Laba qaladba shirkaas waa ay ka dhaceen:
 Nidaamki iyo heshiishki halkaas lagu soo gaaray qayb k**a aynan aheyn Putland iyo Soomaliland oo iyaga markaas nidaam horay u sameystay.
 Iyo in awoodqeybsigii lagu saleeyay 4.5 oo dhabar jab ku noqday dowlad-dhiska Soomaliyeed ilaa Iminkaan.

Cutubka 4aad; wuxuu ka waramaaya: Tijaabadi dowladdii ku-meel-gaarka aheyd,
1) Maxay soo kordhisay? iyo
2) Maxay ku guuldarreysatay?
Waxay soo kordhisay:
 Inay nidaamki dimuqradiga ahaa meesha ka saartay oo la isticmaalay Nidaam-beeled si bulshada la isugu soo dhaweeyo.
 Dib u yagleelidda Ha'ayada qaran
 Waxaa la dhaliyay dareen dowlad-nimo.
Waxay ku guuldareysatay;
 Fidin-waagii maamul dowladeed
 Dhayalsigii dib u heshiisiinta
 Marin habowgii hub ka dhigista
 Ka faaideysigii dunida dibadda
 Soo celintii hantidii dowladda.

Cutubka 5aad: wuxu qoraaga leeyahay" Soomaliya dib ma u dhalan doontaa?" Waxuu uga jawabaaya "Ha" iyo " Maya" labaduba,
Haa: Haddii dadka fakarkooda iyo mabaadi'dooda dib loo dhaliyo.
Maya: Haddii aan intaas sare la sameynin.

Waxaa qoray: Abdikadir Aden Maadey

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka  Ee Ogaal's post 11/01/2025

Jimca, 10/1/2024, Naadiga Ogaal ayaa isugu iyid gorfeynta buugga Dal Dad Waayay Iyo Duni Damiir Beeshay, ee uu qoray, Qoraa Maxamed Daahir Afrax.

Kol dhaw ayaannu halkan idin kula wadaagi doonnaa gorfeynta buugga oo qoraal ah.

21/12/2024

Gudoomiyaha Naadiga Ogaal, mudane Axmed Bashiir Cabdi ayaa u magacaabay Gudoomiyaha qeybta Ingiriiska wax ku akhrida ee Ogaal, Cabdiqaadir Aadan Maadey.

Xubnaha naadiga dhammaan u hambalyeeyay Cadiqaadir, uguna duceeyay in uu Eebbe u fududeeyo mas'uuliyadda loo igmaday.

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka  Ee Ogaal's post 13/12/2024

Maanta oo ay taariikhdu aheyd 13/12/2024 jimca, Naadiga Ogaal ayaa kulan ku yeeshay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, kulanka ayaa isugu jiray gorfeynta buugga MATXAFKA CADAABTA iyo daahfurka qeyb cusb oo uu naadiga yeelanaya taa oo afka Ingiriiska wax ku akhrin doonto.

Gudoomiyaha Ogaal mudane Axmed Bashiir Cabdi, ayaa kulanka furay, kulanka ayaana ku billowday is isbarashada xubnaha cusub ee naadiga iyo kuwii h**e, kadibna buugga ayaa si qotodheer loo gorfeeyay.

Sawirrada hoos idinka muuqdaana waa kulankii galabta👇

07/10/2024

Guddoomiyaha Naadiga Ogaal mudane Axmed Bashiir Cabdi iyo dhammaan xubnaha naadiga waxa ay hambalyo ballaadhan u dirayaan guddoomiyaha cusub ee Midowga Naadiyada Akhris-qoraalka Magaalada Kismaayo mudane Maxamed Aadan Maxamed “Abwaan Jarmal”.

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka  Ee Ogaal's post 31/08/2024

Kuwani waa qeyb ka mid ah sawirradii laga qaaday kulankii uu shaley oo ay taariikhdu aheyd 30/8/2024, soo agaasimay Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Ogaal, kulankaa oo lagu soo dhaweynaayay Naadiga GARAAD-KOBAC.
Iyo soo jeedintii mawduucyo akhriska ku saabsanaa.

30/08/2024

Galabta iyo Kulan qiima badan leh.

17/08/2024

Dhammaan xubnaha Ogaal, waxay u Hambalyo u dirayaan Axmed Bashiir Cabdi, oo shaley oo ay taariikhdu aheyd 16/08/2024, loo doortay gudoomiyaha cusub ee Naadiga Ogaal.

16/08/2024

Akhrisku waa nolol macaan
Ogaal iyo waa iftiin.

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Kismayo