26/05/2026
Hambalyo Dhammaan umadda Soomaliyeed,
Waxaan idinkugu Hambalyeyneenaa
Munaasabadda Ciidul-Adxa.
Ciid mubarak, farxad ku ciida.π
Ministry of Energy and Water Resources - JSS.
26/05/2026
Hambalyo Dhammaan umadda Soomaliyeed,
Waxaan idinkugu Hambalyeyneenaa
Munaasabadda Ciidul-Adxa.
Ciid mubarak, farxad ku ciida.π
17/05/2026
ππ±ππ, ππ πππ², ππππ: Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Hussein Baraki, ayaa shir-guddoomiyay shirka sanadlaha ah (Annual Meeting) oo maanta ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Shirkan oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadka Wasaaradda, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha Guud, Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha, Agaasima-waaxeedyada, iyo dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda.
Kulankan oo saacado badan qaatay, ayay Agaasima-waaxeedyadu kusoo bandhigeen waxqabadka sanadkii h**e, guulihii lagaaray iyo caqabadihii ay la kulmeen, iyo sida oo kale qorshayaasha lagu horumarinaayo howlaha Wasaaradda.
Wasiirka, ayaa dhankiisa shaqaalaha ku bogaadiyay dadaalka iyo howl-karnimada ay muujiyeen, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii laba-jibbaaridda adeegyada loo hayo bulshada iyo ilaalinta masuuliyadda shaqo.
Gabagabadii shirka, Wasiirka ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay qeybo kamid ah howl-wadeenada wasaaradda, kuwaasi oo noqday shaqsiyaadkii ugu waxqabadka fiicnaa sanadkii tagay, si loogu dhiirigeliyo dadaalkooda iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaateen horumarinta howlaha Wasaaradda.
Ugu dambeyntii, kulanka oo ahaa mid is-xogwaraysi, wada-tashi iyo waqti wadaqaadasho ah ayaa kusoo idlaaday guul.
13/05/2026
ππ¨π¨π§ππ¨π¨π², ππ πππ², ππππ: Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Hussein Baraki, oo ay wehliyaan masuuliyiin ka socotay Wasaaradda, iyo hayβadda IOM Somalia, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka Yoontooy, halkaasi oo uu ka socdo mashruuca weyn ee biyo-gelinta magaalada Kismaayo.
Mashruucan oo maraaya heer gabo-gabo ah ayaa hadda la dhammeystiray in ka badan ππ%, waxaana la filayaa in uu si weyn uga qeyb qaato daboolidda baahiyaha biyaha ee magaalada Kismaayo.
Madaxa Hayβadda IOM Somalia, Manuel Marques, oo qeyb ka ahaa booqashadan, ayaa kormeer ku sameeyay dhammaan xarumaha kala duwan ee ay ka socdaan howlaha mashruuca.
Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland.
Jubaland Water Agency.
Wasiir Ahmed Hussein Baraki, Ayaa ka warbixiyay shir ka qabsoomay wasaarada kaasi oo looga hadlaayay horumarinta adeegyada biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda, iyo sidii loo xoojin lahaa tayada adeegyada la gaarsiiyo bulshada.
11/05/2026
ππ’π¬π¦πππ²π¨, ππ πππ, ππππ: Waxaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland ka qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen Wasaaradda iyo hayβadaha ka shaqeeya arrimaha biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda (WASH).
Kulankan oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland, Mudane Ahmed Hussein Baraki, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda, iyo sidii loo xoojin lahaa tayada adeegyada la gaarsiiyo bulshada.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha la xiriira dabagalka, isla xisaabtanka iyo dardargelinta mashaariicda WASH-ka, iyadoo Wasaaraddu adkaysay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam hufan oo lagu xaqiijinaayo fulinta mashaariicda si waafaqsan baahiyaha bulshada.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta bah-wadaagta, loona dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada biyaha iyo fayadhowrka ee deegaanada Jubaland.
Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa soo xiray shirka, isaga oo uga mahadceliyay hayβadaha iyo bah-wadaagta ka qeyb galay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda ee Jubaland.
10/05/2026
Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland, Mudane Liban Mowlid, oo ay wehliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda, ayaa kormeer iyo qiimeyn ku tagay deegaanka Baarka, halkaas oo ay ku barakaceen dad fara badan oo ay saameeyeen fatahaadaha Webiga Jubba.
Bulshadan barakacayaasha ah ayaa kasoo hayaamay deegaannada kala ah:
San Guuni
Jiibey
Reeneero
Janaala Jey.
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland ayaa si deg-deg ah uga jawaabeysa baahiyaha baniβaadamnimo ee kasoo cusboonaaday deegaannadan, waxaana socda qorsheyaal lagu diyaarinayo gurmad iyo jawaab celin deg-deg ah si loo taageero bulshada ay dhibaatadu saameysay.
07/05/2026
Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland, Mudane Liban Mowlid Hussein, ayaa kormeer iyo qiimeyn ku sameeyay xeryaha barakacayaasha ee deegaanka Dalxiiska. Qiimeyntan ayaa waxaa qeyb ka ahaa iskuduwaha WASH-ka ee heer Gobol iyo Howl-wadeenada sheybaarka biyaha, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda ceelasha biyaha, tayada biyaha, fayadhowrka iyo heerka nadaafadeed ee bulshada barakacayaasha.
Intii lagu guda jiray qiimeynta, waxaa la baaray ceelasha biyaha si loo hubiyo badqabka iyo tayada biyaha ay isticmaalaan bulshada, waxaana sidoo kale la qiimeeyay xaaladaha fayadhowrka iyo nadaafadda si loo yareeyo khataraha cudurrada ka dhasha biyaha wasakhaysan iyo deegaanka aan nadaafadda lahayn.
Sidoo kale, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo kaashaneysa Haayada ACF ayaa deegaanka Bulagaduud ka fulisay qeybinta baaldiyo 20 liter ah oo ay ku rakiban yihiin filtarrada sifeynta biyaha. Qalabkan ayaa loogu talagalay in lagu sifeeyo biyaha wabiga si bulshada barakacayaasha ah ay u helaan biyo nadiif ah oo ammaan u ah isticmaalka maalinlaha ah.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo helitaanka biyo nadiif ah, kor u qaadidda caafimaadka bulshada, iyo yareynta cudurrada ka dhasha isticmaalka biyaha aan la sifeyn.
Muxuu yahay nidaamka lahaanshaha wadajirka ah ee dowladda iyo dadweynaha (Public-Private Partnership - PPP), kaas oo loogu talagalay horumarinta iyo maareynta adeegyada biyaha?
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Hussein Baraki, ayaa faahfaahin ka bixinaaya muhiimadda nidaamkan iyo doorka uu ka qaadanaayo horumarinta adeegyada biyaha.
Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland.
Jubaland Water Agency.
05/05/2026
ππ’π¬π¦ππ²π¨, ππ πππ², ππππ: Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, ayaa maanta qabatay kulan looga hadlayey nidaamka lahaanshaha wadajirka ah ee dawladda iyo dadweynaha (Public Private Partnership β PPP) iyo horumarinta adeegyada biyaha, si loo helo hannaan mideysan oo lagu maareeyo bixinta adeegyada biyaha.
Shirka, oo uu daadihinaayay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, ayaa waxaa ugu h**eyn si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Ahmed Hussein Baraki.
Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay hirgelinta nidaam hufan oo lagu xoojinaayo maamulka adeegyada biyaha, si bulshada ay u helaan biyo nadiif ah oo si joogto ah loo gaarsiiyo.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dejinta hannaan mideysan oo lagu hagaayo shirkadaha bixiya adeegyada biyaha, xoojinta nidaamka isla xisaabtanka, iyo hagaajinta habraacyada shaqo ee u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha, si loo kordhiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo maamulka adeegyada biyaha iyo hubinta in bulshada Jubaland ay helaan adeeg biyo, isla markaana si wanaagsan loo maareeyo.
Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland.
Jubaland Water Agency
30/04/2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Jubbaland, Mudane Ahmed Baraki (Zubeir), oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Ahmed Osman Siyah, iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday hay'adda ICRC (Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga wax ka qabashada baahiyaha biyaha, iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya labada dhinac, si loo horumariyo adeegyada biyaha ee bulshada.
Ugu dambeyn, waxaa la isla qaatay in la dardargaliyo dadaallada iyo mashaariicda biyaha si loo daboolo baahiyaha bulshada.