Wasaarada Warfaafinta Jubaland

Wasaarada Warfaafinta Jubaland

Share

Welcome to the official @Facebook account of the Ministry of Information, Culture & Tourism of Jubaland.

04/03/2026

WAR-SAXAAFADEED
KISMAAYO, 04 MAARSO 2026

02/03/2026

WAR-SAXAAFADEED TACSI
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

02 Maarso 2026 – Kismaayo

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Jubbaland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdifatax Maxamed Mukhtaar, Agaasimaha Guud Mudane Badal Jaamac iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda saxaafadda Jubbaland geerida naxdinta leh ee ku timid Wariye Abshir Khaliif Shide Omar oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo

Marxuumku wuxuu h**ey uga soo shaqeeya Jubbaland TV, Radio Wamo, sidoo kalena wuxuu cameraman ka ahaa Hornconnect – Kismaayo, isagoo ka mid ahaa suxufiyiinta firfircoon ee doorka weyn ka qaatay tebinta wararka iyo wacyigelinta bulshada.

Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Ciidanka Booliska Jubbaland falcelinta degdegga ah ee ay ka sameeyeen dhacdada, waxaana gacanta lagu hayaa eedaysanihii Dilka geestay, waxaana laga shaqaynayaa sidii caddaalad degdeg loogu horkeeni lahana eedeysanaha dhibka geestay.

Waxaan Alle uga baryeynaa marxuumka Jannatul Firdowsa, qoyska iyo bahda saxaafaddana samir iyo iimaan.

DHAMMAAD

01/03/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan wadatashi ah ku casuumay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland.

Photos from Jubaland State House's post 28/02/2026
Photos from Wasaarada Warfaafinta Jubaland's post 27/02/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, oo ay ka qeybgaleen tartamayaal ka kala yimid deegaanada kala duwan ee Jubaland, kuwaas oo ku tartamay xifdinta iyo aqoonta Quraanka Kariimka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo kartida dhalinyarada ka qeybgalay tartanka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan barashada, xifdinta iyo ku dhaqanka Quraanka Kariimka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda ay Dowladda Jubaland siinayso kobcinta diinta Islaamka iyo dhiirrigelinta tartamada noocan oo kale ah oo sare u qaadaya aqoonta, akhlaaqda iyo wacyiga bulshada.

Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweynaha ayaa abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay guuleystayaasha kaalmaha h**e ka galay tartanka 30ka Juz iyo 20ka Juz. Maxamed Cabdulwahaab Axmed oo kaalinta koowaad ka galay tartanka 30ka Juz ayuu Madaxweynuhu ku abaalmariyay gaari Surf ah, halka Maxamed Nuur Maxamed oo galay kaalinta labaad lagu gudoonsiiyay gaari Succeed. Cabdulkariim Cali Aadam oo kaalinta saddexaad galay ayaa lagu abaalmariyay lacag dhan $2500, kaalinta afraadna waxaa gashay Amran Axmed Yuusuf oo lagu abaalmariyay $1500, halka kaalinta shanaad ay gashay Ifraax Maxamed Abshir oo lagu abaalmariyay $1000.

Dhanka tartanka 20ka Juz, kaalinta koowaad waxaa galay Yaasiin Maxamuud Nuur oo lagu abaalmariyay gaari Premier, kaalinta labaadna waxaa galay Ibraahiim Cusmaan Cabdullaahi oo lagu abaalmariyay $2000. Sagal Yuusuf Maxamed oo kaalinta saddexaad gashay ayaa lagu abaalmariyay $1500, halka Cabdulmaalik Xasan Iimaan oo galay kaalinta afraad lagu gudoonsiiyay $1000, ugu dambeyntiina Cabduraxmaan Mukhtaar Maxamed oo galay kaalinta shanaad ayaa lagu abaalmariyay $700.

Qaar kamid ah guulaystayaasha oo aan goobjoog ahayn munaasabadan ayay waalidkoodu u gudoomeen abaalmarinta.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dadaalka ay ku bixisay qabsoomidda tartankan, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Mu’asasada Ummah iyo dhammaan culimada juhdiga ku bixisay hirgelinta iyo taabagelinta tartankan qiimaha leh.
DHAMMAAAD.

Photos from Wasaarada Warfaafinta Jubaland's post 22/02/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta ka qeybgalay Kulanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

15/02/2026

WAR-SAXAAFADEED.

Photos from Wasaarada Warfaafinta Jubaland's post 09/02/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Mohamed Islam, ayaa si rasmi ah u saxiixay Siyaasadda Dalxiiska Jubaland, oo ay diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Siyaasaddan waxay diiradda saaraysaa shaqo-abuur, dhiirrigelinta dhalinyarada, iyo in bulshada Jubaland lagu abuuro dhaqan dalxiis oo horseeda koboc dhaqaale, is-dhexgal bulsho iyo horumar waara.

Dalxiisku wuxuu Jubaland ka dhigayaa fursad horumarineed oo u adeegta mustaqbalka dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada.

07/02/2026

WAR-SAXAAFADEED

Photos from Wasaarada Warfaafinta Jubaland's post 06/02/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan dhiirigelin ah la qaatay Sarakiisha howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ee Dowlada Maraykanka ee ka howlgala Jubaland.

Wuxuu Madaxweynahu Sarakiisha uga mahadceliyay iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo howlgalka la dagaallanka Khawaariijta, iyo kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahaayeen howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Khawaariijta, kuwaas oo ka dhacay deegaano kala duwan oo Jubaland ka tirsan.

Madaxweynaha ayaa sarakiisha Ciidamada howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah AFRICOM ku ammaanay geesinimada iyo wada shaqeynta ay muujiyeen, wuxuuna si rasmi ah u guddoonsiiyay Bilad Sharaf iyo Shahaado Mahadcelin, isagoo uga mahadceliyay doorkooda muhiimka ah ee taageerada dhinacyada badan ee amniga Jubaland.

Photos from Wasaarada Warfaafinta Jubaland's post 31/01/2026

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu dhagax-dhigayay dhismaha cusub ee xarunta dhexe iyo taawarka Raadiyaha, ayaa maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, taas oo muujinaysa horumarka ballaaran ee ay Wasaarada Warfaafinta Jubaland ka waddo horumarinta warbaahinta Dowlada.

Munaasabadda waxaa si rasmi ah u dhagax-dhigay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Mudane Abdifatah Mohamed Mukhtar, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Gargaarka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Raadiyaha, masuuliyiin kale iyo marti sharaf kala duwan.

Dhismaha cusub ee xarunta Raadiyaha, ayaa loo dhisi doonaa qaab casri ah oo waafaqsan halbeegyada warbaahinta modern-ka ah, waxaana lagu qalabeyn doonaa agab iyo tiknoolajiyad tayo sare leh oo sare u qaadi doonta hufnaanta shaqada, tayada baahinta iyo adeegga bulshada.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo Radio Kismaayo, waxaana sidoo kale ku jira dhismaha taawar cusub oo si weyn u kordhin doona tayada iyo baaxadda baahinta idaacadda, taas oo la filayo inay gaarto illaa 130KM, una sahlaysa in wararka iyo barnaamijyada idaacaddu gaaraan bulshooyin aad u ballaaran oo ku kala nool deegaannada Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Mudane Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in dhismaha xarunta iyo taawarka Radio Kismaayo ay yihiin tiir muhiim u ah istiraatiijiyadda wasaaradda ee horumarinta warbaahinta qaranka, isla markaana uu carrabka ku adkeeyay in Radio Kismaayo mustaqbalka dhow ka mid noqon doonto idaacadaha ugu waaweyn dalka Soomaaliya marka la eego baaxadda iyo tayada baahinteeda.

Waxaa sidoo kale laga rajeynayaa in dhismahan cusub uu mustaqbalka dhow noqdo xarunta guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, taas oo sii xoojin doonta isku xirka hay’adaha warbaahinta iyo doorka hoggaamineed ee wasaaraddu ku leedahay warbaahinta Jubbaland.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀D
__________________________________________
Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
𝐄𝐦𝐚𝐢𝐥: [email protected]

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Kismaayo
Kismayo