Jubbaland Commission for Refugees and IDPs

Jubbaland Commission for Refugees and IDPs

Share

JUCRI is an independent Commission, established on 6th January 2015. It's main office is in kismayu.

Photos from Jubbaland Commission for Refugees and IDPs's post 14/02/2026

Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Jubaland xafiiskeeda Dolow oo gacanta kuhaya 249 qoys oo qoxooti ah ayaa maanta gaarsiisay warqadaha manafeska ee dal kujooga ah.

Masuuliyiinta JUCRI ee ka howlgala degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa dardargalinta howshan baaxadda leh waqti badan ku bixiyay.

Photos from Jubbaland Commission for Refugees and IDPs's post 11/02/2026

Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga iyo Barakakacyaaasha Jubbaland ayaa kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiin ka socotay Hay'adda SIF.

Shirka ayaa looga hadlay sidii looga qayb qaadan lahaa gargaarka bini'aadanimo ee ay u baahanyihiin dadka Barakakacyaaasha ah ee ku nool Jubbaland, iyadoo ay masuuliyiintu isla qireen in xaaladda abaaraha ee lagu jiro ay tahay in mudnaan la siiyo waxyaabaha hortbainta u leh gargaarka danyrta deegaanadoodii kasoo barkakacay

09/09/2025

Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa kalmad ka jeediyay kulan lagu daah furayay dhaqan galinta Xeerka ka xortagga naafaynta xubnaha Haweenka

Photos from Jubbaland Commission for Refugees and IDPs's post 31/08/2025

Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland oo uu weheliyo Agaasimaha guud ayaa Hay'adda UNHCR kala wareegay xaruntii ay ku shaqaynaysay ee degmada Dhoobley.

Munaasabadan oo ku qabsoontay xarunta ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulka degmada Dhoobley, iyadoo ay Hay'adda JUCRI si rasmi ah xaruntan ugala wareegtay masuuliyiinta Hay'adda u qaabilsanaa degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

Hay'adda JUCRI ayaa xaruntan cusub ugu adeegi doonta Barakacayaasha ku nool degmadaasi oo ay Hy'adda h**e ugu shaqayn jirtay, xaruntan cusub ayaana noqon doonta mid wax wayn ka tarta shaqooyiinka muhiimka ah ee ay qabanayso Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland.

Photos from Jubbaland Commission for Refugees and IDPs's post 22/08/2025

Guddoomiyaha HayHay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland mudane Cali Aadan Cali ayaa magaalada Muqdisho uga qayb galay shir laba maalmood socday kaas oo diiradda lagu saaray faafinta iyo wacyigelinta kaararka aqoonsiga cusub ee loo sameeyay qaxootiga iyo magangelyo-doonka Soomaaliya.

Shirkan waxaa lagu soo uruuriyay hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Inta uu shirku socday waxaa lagu lafa guray horumarka ka socda bixinta iyo aqoonsiga kaararkan.

Photos from Jubbaland Commission for Refugees and IDPs's post 07/08/2025

Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ku qabatay tababar ku saabsan ka hortagga musuqmaasuqidda mucaawinada dadka Barakacayaasha ah, iyadoo kulanka si wayn lisugu weydaarsaday habka looga hortagi karo in gargaarka loogu talagalay dadka danyarta ah la leexsado ama si qaldan looga faa'iideysto.

Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Mamulka degmada Dhoobley, Bahda Cadaaladda, laamaha Amniga, Hay'adaha samafalka, Guddiga Barakacayaasha iyo Wasaarada Hawenka iyo xuququl insanka Jubbaland.

Hay'adda JUCRI ayaa muddo dheer ku howlanayd sidii dadka looga wacyigalin lahaa in si aan haboonayn loogu takrifalo deeqaha ay bixiyaan hay'adaha caalamiga ah, iyadoo muddo dheer waday wacyigalino howshaasi la xiriira.

Photos from Jubbaland Commission for Refugees and IDPs's post 10/07/2025

Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland mudane Maxamed Sheekh Khadar ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug uga qayb galay shir socday muddo afar cisho ah kaas oo diiradda lagu saarayay xalka waara.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa aragtidiisa ku biiriyay shirka isagoona ka hadlay muhiimadda xalka waara uu u leeyahay danyarta Barakacayaasha ah.

Hay'adda JUCRI ayaa waayihii u dambeeyay dadaal badan ku bixinaysay sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha Jubbaland oo ay saamayn Taban kuu yeesheen abaaro iyo fatahaado is xig-xigay.

18/06/2025

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Jubbaland oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay munaasabad xarig jar ah oo ay soo agaasimtay Hay'adda JUCRI.

28/05/2025

Agaasimaha Guud ee Hay'adda JUCRI ayaa kalmad ka jeediyay goob kumanaan qoys lagu guddoonsiinayay deeq gargaar ah.

28/05/2025

Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa qayb wayn ka qaadatay deeq la guddoonsiinayay kumanaan qoys oo barakacayaal ah

26/04/2025

Gudoomiyaha Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa dhiira galin iyo bogaadin ugu tagay haweenka barakacayaal ah oo fikir ganacdi abuurtay

Photos from Jubbaland Commission for Refugees and IDPs's post 11/03/2025

Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubbaland ayaa deeq raashin ah guddoonsiisay dadka barakacayaasha ah ee ku nool qaar kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo.

Deeqdan oo loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska tabaaleysan ayaa waxaa ka faa’iideystay 800 oo qoys oo si gaar ah ugu baahnaa kaalmo, maadaama aysan awoodin inay helaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaana goobta lagu qeybinayey goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, Mudane Abdirahman Mohamed Dhiriq iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland, Cali Aadan Cali.

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Sea Port Road
Kismayo