15/12/2022
.
Kusoo dhawaada Page-ka Rasmiga ah ee Hay'adda Jaangoynta & Tayodhowrka dowladda Jubaland.
15/12/2022
.
26/11/2022
26-11-2022 Kismayo Jubalad Somali
Agaasimaha guud ee hay'ada tayodhowrka Dowladda Jubaland mudane ibrahim abukar mohamed ayaa maanta ka qayb galay shir uu so qaban qaabiyay wakiilka jubaland ee SUN Movement shirka oo looga hadlayay beerista cunooyinka kala duwan si loo helo cuno isku dheelitiranm.
Inti uu shirka socday ayaa agaasimaha wuxuu ka hadlay faidada ay leedahay in ganacsatada somaliyeed lagu dhiiri galiyo beeraha, si loo yareeyo cunooyinka banaanka ka imaanaya ee waqtiga badan kaydka ahayd taas oo tayo ahaan ka hoosaysa midda fireeshka ah ee dalka ka baxda.
27/09/2022
Agaasimaha Guud ee Hay'adda Tayo-dhawrka Jubbaland ayaa ka warbixiyay sida dar darta leh ee ay usocoto shaqada Hay'adda
04/05/2022
Agaasimaha Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland md Ibrahim Abukar Mohamed ayaa maanta waxa uu kulan soo dhawayn iyo isxog waraysi ah layeeshay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Jubaland md Abdishukri Arab oo ay mardhow Gudiga shaqada iyo shaqaalaha Jubaland usoo badaleen wasaaradda ganacsiga.
Waxaa xusid mudan in Dowladda Jubaland hormuud unoqotay sidii shacabka soomaaliyeed looga bad baadin lahaa wax walbo oo tayadooda hoosayso isla markaana dhibaato ugaysan kara shacab waynaha Jubaland waxayna Jubaland noqotay dowlad goboleedki ugu horeeyay ee hirgilaya hay'ad tayodhowr oo shaqadeeda tahay hubinta tayada wax walba oo jubaland sogalaya ama kabaxaya iyo hormarinta tayada wax walba oo lagu sameeyo jubaland gudaheeda.
01/04/2022
Ramadaan kareem
Agaasimaha guud ee Hay'adda Tayodhowrka Dowladda Jubaland md Ibrahim Abukar Mohamed oo kuhadlaya magaca dhammaan howl wadeenada Hay'adda tayodhowrka Dowladda Jubaland waxa uu ugu Hambalyaynayaa dhamaan umadda Muslimiinta Gaar ahaan Umadda Somaliyeed iyo Shacabka Jubaland Munaasabadda Ramadaanka ee barito ay noqonayso maalinti ugu horeyse.
Mudadi ay jirtay hay'adda tayodhowrka jubaland waxaa wax lagu faano ah in dowladda Jubaland ay dadaal badan kubixisay sidii shacabka jubaland waxay cunayan cabayan ama isticmaalayaan unoqon lahayd wax ay dowladooda ka hubisay la iskuna halayn karo.
Agaasimaha guud ee Hay'adda oo faah faahin kooban kabixiyay shaqada ay hay'adda uhayso shacabka Dowladda Jubaland.
Hay'adda tayodhowrka ee dowladda Jubaland waxay ku bogaadinaysaa Shirkada JQCS sida hufnaanta iyo howlkarnimada leh ee ay ugu adeegayaan shacabka dowladda Jubaland ayadoo maanta magalada Kismayo lagu gubay badeeco ka hoosayso halbeegi loogu talo galay in lagu cabiro badeecadaha soo gala dhamaan dowladda Jubaland.
Agaasimaha guud ee Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland Mudane Ibrahim Abukar Mohamed ayaa maanta lakulmay Gudoomiyaha Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo Mudane Cumar Cabdullahi Faraweyne.
E-mail: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jubaland.Quality.control
16/01/2022
AGAASIMAHA OO LAKULMAY GUDOOMIYAHA DEGMADA KISMAAYO.
Kismayo, 16-Jannaayo-2022- Agaasimaha guud ee Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland Mudane Ibrahim Abukar Mohamed ayaa maanta lakulmay Gudoomiyaha Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo Mudane Cumar Cabdullahi Faraweyne.
Agaasimaha oo ay weheliyeen qaar kamid ah Musuuliyiinta Hay'adda ayaa waxa uu Gudoomiyaha la wadaagay shaqada ay Hay'adda uheyso Shacabka Jubaland khaasatan Degmada Kismayo.
Ugu dambayn Gudoomiyaha ayaa balanqaaday inay xoojin doonaan wada shaqaynta Hay'adda Tayp-dhowrka iyo Degmada Kismaayo kuna amaanay shaqa ay Hay'addu ay u hayso Shacabka Dowladda Jubaland
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah Fadlan kala xiriir;
Yahye Hussein Hassan
Xafiiska Warfaafinta Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland.
E-mail: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jubaland.Quality.control
Kulan ay yeesheen masuuliyiinta ururka saxafiyiinta Dowladda Jubaland iyo hay'adda Tayodhowrka Jubaland ayuu Agaasimaha guud ee Hay'adda Tayodhowrka Dowladda Jubaland md Ibrahim Abukar Mohamed kaga hadlay shaqada ay hay'adda Tayodhowrka Qabato iyo sida loo dar dargalin lahaa wada shaqaynta hay'adda iyo saxafiyiinta Jubaland.
10/01/2022
Kismayo Jubaland Somalia 10_01_2022
Agaasimaha guud ee hay'ada Tayodhowrka Dowladda Jubaland mudane Ibrahim Abukar Mohamed oo uu wehelinayo Agaasimaha waaxda baaritaanada (inspection) ee hay'adda Tayodhowrka mudane Ahmed ibrahim ali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin kasocotay ururka suxufiyiinta Jubaland oo u hor kacayay gudoomiyaha ururka md Khadar Iimaan Dhaqane .
Kulanka oo isbarasho ahaa ayaa waxa uu Agaasimaha kala hadlay masuulyiinta sidi ay labada dhinac uwada shaqayn lahaayeen isagoona ku booriyay in ay shaqadooda laba jibaaraan maadama uu gudiga cusubyahay mardhowna la aas aasay.