Wasaaradda Maaliyadda Jubaland

Wasaaradda Maaliyadda Jubaland

Share

Ministry of Finance-Jubbaland

30/04/2026
30/04/2026

Muwaadin bixi Cashuurta si loo horumariyo kaaba yaasha dhaqaale ee Deegaankaaga.

30/04/2026

Ogayssis Ogaysiis.

Dhamaan mulkiilayaasha gaadiidka iyo darawalada waxaa lagu wargalinyaa in labilaabayo cashuurta wada marista laba bilaabo 01 may 2026.

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Jubaland's post 28/04/2026

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Jubbaland ayaa maanta waxaa kormeer shaqo ku yimid Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, kaas oo ujeedkiisu ahaa qiimeynta habsami u socodka shaqada iyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dowladda.

Intii uu kormeerku socday, masuuliyiinta Wasaaradda ayaa Madaxweynaha siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlaha socda iyo horumarka laga gaaray maamulka maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa xustay in ay ka go’an tahay xoojinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kor u qaadidda hawlaha shaqo, si loo gaaro horumar maaliyadeed oo waara oo u adeega bulshada Jubbaland.

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Jubaland's post 22/04/2026

Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku wada qabtay shir muhiim ah oo ku saabsan dib-u-habeynta nidaamka mushaar bixinta shaqaalaha dowladda.

Shirka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socday hay’adaha Dowladda Jubbaland, iyadoo Wasaaradda Maaliyadda ay uga qeyb galeen Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha kala ah Shaqada iyo Shaqaalaha, mashaariicda dibada iyo dakhliga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mideynta habraaca mushaar bixinta si loo xaqiijiyo hufnaan, caddaalad, iyo joogteynta mushaaraadka shaqaalaha dowladda.

Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland waxay ogsoon tahay muhiimadda ay leedahay horumarinta nidaamka maaliyadeed iyo maamulka shaqaalaha, si loo xoojiyo tayada adeegyada dowladda.

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Jubaland's post 30/03/2026

‎Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Nuur Cumar Shaale, ayaa maanta magaalada Kismaayo ku soo xiray aqoon-is-weydaarsi looga hadlayay xoojinta iyo isku-dubaridka habraacyada miisaaniyadda dalka.

‎Aqoon-is-weydaarsigan oo u dhexeeyay waaxaha miisaaniyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ayaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta joogtada ah ee u dhaxeysa labada dhinac, si loo mideeyo habraacyada miisaaniyadda dalka.

‎Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, Mudane Nuur Cumar Shaale, ayaa si rasmi ah u soo xiray aqoon-is-weydaarsiga, isagoo ku bogaadiyay ka qeybgalayaasha dadaalkooda iyo doorkooda ku aaddan horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Facebook: https://www.facebook.com/mofjubaland

Twitter: https://twitter.com/mofjubaland

http://Jubbalandmof.so

29/03/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Nuur Omar Shale, ayaa khudbad ka jeediyay madasha aqoon-is-weydaarsiga, isagoo si diirran u soo dhoweeyay ka qaybgalayaasha.

Agaasimuhu wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay aqoon-is-weydaarsigan oo socday, kaas oo lagu xoojinayay iskaashiga iyo isku-dubbaridka DFS iyo DXDFS ee dhinaca miisaaniyadda.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la mideeyo habraacyada miisaaniyadda dalka, si loo gaaro hufnaan iyo isku waafaqsan heer qaran, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida ay uga go’an tahay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Facebook: https://www.facebook.com/mofjubaland
Twitter: https://twitter.com/mofjubaland
http://Jubbalandmof.so

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Jubaland's post 29/03/2026

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland ayaa qabatay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo u dhexeeya waaxaha miisaaniyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DXDFS), kaas oo ay soo qabanqaabisay hay’adda FCDO, gaar ahaan mashruuca PFRC.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka joogtada ah ee u dhexeeya DFS iyo DXDFS, si loo mideeyo habraacyada miisaaniyadda dalka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo in la helo hannaan miisaaniyadeed oo isku waafaqsan heer qaran.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo gaari lahaa is-waafajin buuxda oo ku saabsan diyaarinta miisaaniyadda dalka, iyadoo la hubinayo in dowlad-goboleedyadu ay si firfircoon uga qayb qaataan qorsheynta iyo fulinta miisaaniyadda guud ee qaranka.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Agaasime Guud Nuur Shale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi iyo wada-shaqeyn joogto ah oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Facebook: https://www.facebook.com/mofjubaland
Twitter: https://twitter.com/mofjubaland
http://Jubbalandmof.so

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Kismayo
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00