26/05/2026
Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowlada Jubaland, Munaasabada Ciida Carafo owgeed, dhamaan Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn la wadaagaysaa Fasax laga bilaabo maalinta Arbacada 27/5/2026 illaa Sabtida 30/5/2026.
Ciidan Wanaagsan.
๐๐๐๐๐๐๐๐
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: [email protected]
07/05/2026
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland Mudane Ibaraahim Qooshow, ayaa ka Qeyb Galay Shirka Khamiis-laha Oo uu Shir Gudoomiyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Shirkan ayaa looga dhagaystay Qaar kamid ah wasaaradaha Dowlada warbixino ku saabsan heerarka waxqabad howlaha socda iyo Halka ay marayaan.
04/05/2026
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa qabatay shirka billaha ah ee iskuduwidda hawlaha ilaalinta bulshada, kaas oo ay ka soo qeyb galeen heyโadaha kala shaqeeya wasaaradda mashaariicda ilaalinta Bulshada.
Shirka oo uu guddoomiyay Wasiir ku Xigeenka ahna kusimaha wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Ibrahim Qooshow, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta heyโadaha iyo wasaaradda, loona dardar-gelin lahaa mashaariicda ilaalinta bulshada ee ka socda deeganada jubaland.
Intii uu socday shirka, waxaa la soo bandhigay Warbixinno ku saabsan mashaariicda socda iyo heerarka ay marayaan, Caqabadaha jira ee hayโadaha iyo wasaaraddu kala kulmaan fulinta mashaariicda, Qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada.
Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha iyo Maaliyadda Mudane Cabdirixiin Ismaaciil Yuusuf, Oo goob-joog ahaa ayaa ku booriyay dhammaan heyโadaha ka qeybgalay Shirka in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo ilaalin bulsho oo hufan, cadaalad ah, isla markaana gaara dhammaan dadka u baahan.
Sidoo kale waxaa warbixin laga dhagaystay Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Bulshada Wasaaradda Maxamed Bishaar.
Gabo-gabadii Shirka ayaa la'isla qaatay in si joogto ah dabagal loogu sameeyo fulinta mashaariicda si loo hubiyo in qorshayaasha iyo ballanqaadyada la gaadhay ay si dhab ah u hirgalaan.
๐๐๐๐๐๐๐๐
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: [email protected]
30/04/2026
OGEYSIIS.
Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland waxay Ogaysiinaysaa Dhamaan Shaqaalaha Dowladda, Hay'adaha iyo kuwa aan Dowliga ahayn in maalinka sabtida oo ku beegan 2/5/2026 Fasaxyihiin Munaasabadda Maalinka Shaqaalaha Aduunka.
Maadaama Jimacaha tahay Kowda Bisha 5aad maalinka fasaxa waxaa laga dhigay labada bisha 5aad, sida uu qabo Xeerka Shaqaalaha Dowladda Jubbaland.
26/04/2026
Hey'adda Cilmi Baarista Task Bridge, ayaa Kismayo ku qabatay Tababar ku saabsan Kor u qaadista iyo Isku filnaashiyaha Nolosha Bulshada Danyarta ah Ee ku nool Qeybo kamid ah Deegaanada Jubbaland.
Agaasimaha Guud Ee wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane Cabdi Cabdulaahi Raabbi, Oo daahfuray Tababarkan ayaa ku booriyay Ka soo qayb galayaasha inay fahan buuxa ka qaataan Habka fulinta iyo Adeega Loo fidinayo Danyarta la rabo inay gaaraan isku filnaansho.
Tababarkan Oo ah wajigii 3aad Ee isagoo kale ah, ayaa loogu talagalay Sidii fahan buuxa looga qaadan lahaa Habka ugu fiican ee loogu adeegayo Danyarta ku dhaqan Degmada Kismayo.
"SEPOW" Oo ah mid kamid ah Mashruucyada ay gacanta ku hayso GIZ, kaas oo loogu talagalay 470 qoys inay ka faa'idaystaan, fulinteedana ay leedahay Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowlada Jubbaland.
๐๐๐๐๐๐๐๐
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: [email protected]
15/04/2026
Kormeer dowladeed oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MoLSA) Mudane Cabdi Candulaahi Raabi, isla markaana ay kala qeyb galeen daneeyayaal muhiim ah iyo wasaaradaha kala ah MOPIC, Waxbarashada, Ganacsiga, Haweenka, JUCRI, iyo maamulka Degmada, ayaa ka dhacay magaalada Kismayo.
Kormeerkan waxa uu diiradda saarayay laba goobood oo ay ka socoto tababarka Horumarinta Ganacsiga iyo Ka Qaybgalka Dhaqaalaha Ka hor inta aan la bilaabin tababarka ganacsiga.
kooxda la beegsanayo (ka-faaโiideystayaasha SEPOW) waxay ka qalinjabiyeen barnaamijka akhriska Farta Soomaaliga iyo xisaabta.
Barnaamijkan oo socday lix bilood waxaa hirgelisay Wasaaradda Waxbarashada, iyadoo ay kormeeraysay Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada (MoLSA).
Ka-faaโiideystayaasha ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya dhammeystirkooda barnaamijka akhriska iyo xisaabta.
Ujeeddada ugu weyn ee kormeerkan waxay ahayd in la qiimeeyo xaaladda hadda jirta ee ka-faaโiideystayaasha Mashruuca SEPOW, Taabba Galintiisana ay leedahay Hey'adda GIZ.
Intii uu socday booqashada kooxda howl wadeenada waxay tageen dugsiyada KPT iyo Horyaal, halkaas oo ay kula kulmeen ka-faaโiideystayaal badan isla markaana ay indha-indheeyeen horumarka barnaamijka.
SEPOW, Waa Mashruuc Danyarta Noloshooda hoosaysa oo tiro ahaan Gaaraya 470 Qoys loogu adeego illaa ay gaaraan nolol isku filnaan, waxaana Gacan libaaxle ka gaysanaysa GIZ.
๐๐๐๐๐๐๐๐
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: [email protected]
08/04/2026
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowlada Jubbalad ayaa ka qayb Galay Shir ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ku saabsabaa Mashruuca BAXNAANO.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan muhiim ah oo ku saabsan isku-dubaridka mashruuca BAXNAANO (BOOST-YOU), kaas oo diiradda saaraya horumarinta ilaalinta bulshada iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada Soomaaliyeed.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Salim Alio Ibrow, oo si rasmi ah u daah-furay shirka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah
si loo gaaro horumar waara.
Kulanka oo uu ka Qeyb Galay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland Mudane Cabdi Cabdulaahi Raabi iyo Xunbo ka Socday Dowladaha Xubnaha ka'aha Dowlada Federaalka, waxaana sidoo kale Goob joog ahaa Madaxa Mashruuca BAXNAANO, Fardowsa Ahmed Abdullahi.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xunbnaha ka'ah, si loo dardar geliyo hirgelinta mashruuca BAXNAANO, loona hubiyo in bulshada nugul ay helaan taageero joogto ah, isla markaana dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale.
Intii uu kulanku socday, waxaa la isla falanqeeyay hababka ugu habboon ee lagu gaarsiin karo adeegyada bulshada dadka u baahan, iyadoo sidoo kale la isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta hayโadaha kala duwan si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga goโan tahay horumarinta nidaamka ilaalinta bulshada iyo kor u qaadista shaqo-abuurka dhalinyarada, taas oo laf-dhabar u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo xasilloonida bulshada.
๐๐๐๐๐๐๐๐
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: [email protected]
26/03/2026
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa qabatay shirka billaha ah ee iskuduwidda hawlaha ilaalinta bulshada, kaas oo ay ka soo qeyb galeen heyโadaha kala shaqeeya wasaaradda mashaariicda ilaalinta Bulshada.
Shirka oo uu guddoomiyay Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha iyo Maaliyadda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta heyโadaha iyo wasaaradda, loona dardar-gelin lahaa mashaariicda ilaalinta bulshada ee ka socda deeganada jubaland.
Intii uu socday shirka, waxaa la soo bandhigay Warbixinno ku saabsan mashaariicda socda iyo heerarka ay marayaan.
Caqabadaha jira ee hayโadaha iyo wasaaraddu kala kulmaan fulinta mashaariicda.
Qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada.
Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha iyo Maaliyadda Mudane Candirixiin Ismaaciil Yuusuf, ayaa ku booriyay dhammaan heyโadaha ka qeybgalay Shirka in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo ilaalin bulsho oo hufan, cadaalad ah, isla markaana gaara dhammaan dadka u baahan.
Gabo-gabadii Shirka ayaa la'isla qaatay in si joogto ah dabagal loogu sameeyo fulinta mashaariicda si loo hubiyo in qorshayaasha iyo ballanqaadyada la gaadhay ay si dhab ah u hirgalaan.
๐๐๐๐๐๐๐๐
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: [email protected]
18/03/2026
Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland, Waxay Ogaysiinaysaa Dhamaan Shaqaalada Dowliga ah iyo kuwa aan Dowliga ahayn Munaasabada Ciidul Fitriga Awgeed inay fasax yihiin maalmaha inagu soo aadan Ee Sabtida iyo Axadda.
Nabad iyo Caafimaad ku Ciida.
22/02/2026
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa qabatay shirka billaha ah ee iskuduwidda hawlaha ilaalinta bulshada, kaas oo ay ka soo qeyb galeen heyโadaha kala shaqeeya wasaaradda mashaariicda ilaalinta Bulshada.
Shirka oo uu guddoomiyay Agaaismaha Waaxda Ilaalinta Bulshada Mudane Mohamed Bishar Mo'alim, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta heyโadaha iyo wasaaradda, loona dardar-gelin lahaa mashaariicda ilaalinta bulshada ee ka socda deeganada jubaland.
Intii uu socday shirka, waxaa la soo bandhigay Warbixinno ku saabsan mashaariicda socda iyo heerarka ay marayaan.
Caqabadaha jira ee hayโadaha iyo wasaaraddu kala kulmaan fulinta mashaariicda.
Qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada.
Agaasimaha Waaxda ilaalinta Bulshada, ayaa ku booriyay dhammaan heyโadaha ka qeyb galay Shirka in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo ilaalin bulsho oo hufan, cadaalad ah, isla markaana gaara dhammaan dadka u baahan.
Gabo-gabadii Shirka ayaa la'isla qaatay in si joogto ah dabagal loogu sameeyo fulinta mashaariicda si loo hubiyo in qorshayaasha iyo ballanqaadyada la gaadhay ay si dhab ah u hirgalaan.
๐๐๐๐๐๐๐๐
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: [email protected]
07/02/2026
Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Bulshada, Mudane Maxamed Bishaar, ahna kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha Farsamada ee GIZ iyo Mashruuca (SEPOW), Marwo Janne, iyo kooxdeeda oo Maalmahan ku sugnaa Kismaayo.
SEPOW waa Mashruuc Hormarin Bulsho looguna talagalay inay ka faa'idaystaan 470 Qoys oo ku dhaqan Jubbaland kaas oo la qorshaynayo sanadaha soo socda inuu wax ka badali karo Nolosha danyarta.
Intii uu socday kulanka, Mudane Maxamed Bishaar, waxa uu soo bandhigay horumarka mashruuca, caqabadaha jira, iyo meelaha weli ka bannaan sidii looga haqabtiri-lahaa.
Marwo Janne, Madaxa Farsamada GIZ wakiilka uga ah Mashruuca Adeega Danyarta Ee SEPOW, ayaa Bogaadisay Howsha Culus Ee wasaaradda ay u hayso Bulshada.