12/12/2025
Waxaan maanta hadima sharafeed u sameeyay odayaasha dhaqanka, taas oo ahayd munaasabad si heer sare ah loo agaasimay, laguna maamuusay kaalintooda muhiimka ah ee ay bulshada kaga jiraan.
Kulanku wuxuu ku salaysnaa ixtiraam, qaddarin iyo wada-tashi miro dhal ah oo ku saabsan arrimaha horumarinta, nabadda, midnimada bulshada, iyo xoojinta xiirka wada-shaqeynta dowladda Jubaland.
Waxaan si gaar ah ugu mahdinayaa dhammaan odayaasha sida sharafka leh ee ay uga soo qayb galeen iyo talooyinka dhaxal-galka ah ee ay ila wadaageen
28/06/2025
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, asxaabtii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada reer Jubbaland, geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Dowlada Jubbaland, Mudane Cabdikhaadir Xaaji Maxamuud , oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu na siiyo samir iyo iimaan, isaga naxariistiisa janno ha ka waraabiyo.
28/02/2025
Asalaamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakaatuhu walaalaha Muslimiinta,
Waxay iitahay farxad aan la soo koobikarin in aan la wadaago dhammaan ummada Muslimiinta ah, iyo umada soomaliyeed gaar ahaan Reer jubaland, hambalyada dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan ee Sanadkan, Sabti, 1-da Maarso 2025-da.
Bisha barakeysan ee Ramadaan oo caawa dhalatay waxaa waajib nagu wada ah inaan ku faraxno oo aan si kal iyo laab ah u soo dhoweyno.
Allah sw waxa uu ku yiri suuratul baqara Aayada 183aad
Kuwa iimaanka laga helayoow waxa la idinku waajibiyay afxirashada Ramadaanka sida loogu waajibiyay dadyowgii idinka horeeyay, waxaa xaqiiqo ah inaad dhowrsanaan doontaan”.
يا أَيُّهَا الَّذينَ آمَنوا كُتِبَ عَلَيكُمُ الصِّيامُ كَما كُتِبَ عَلَى"
" الَّذينَ مِن قَبلِكُم لَعَلَّكُم تَتَّقونَ
Xaddiis uu wariyay (Abuu Hureyra) Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) ayayiri Hadii ay soo gasho Bisha Ramadaan, waxaa la furaya dhamaan albaabada Jannada, waxana la xirayaa dhamaan albaabada Naarta, sidoo kale waxaa la xiraa shayaadiinta.
Al. Bukhaari, 1898
سَمِعَ أَبَا هُرَيْرَةَ ـ رضى الله عنه ـ يَقُولُ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم " إِذَا دَخَلَ شَهْرُ رَمَضَانَ فُتِّحَتْ أَبْوَابُ السَّمَاءِ، وَغُلِّقَتْ أَبْوَابُ جَهَنَّمَ، وَسُلْسِلَتِ الشَّيَاطِينُ
Haddaba. Bisha sidaas uqeymaha iyo kheyrka badan waxaa wanagsan in aan ku da'daalno sidii aan oga faa iideysan lahayn kheyraatkeeda iyo wanaageeda inshaa allah.
Waxaa nalaga rabaa in aan bishaan kheyrka badan aan ku qaabilno towbad badan, qur’aan aqris badan, salaad badan, baari-falka iyo sama-falka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xiriirka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Alle (swt) raalliga ka yahay.
Alle (swt) ha inaga Aqbalo Soonka iyo Acmaashiisaba.
Aamiin
Waxaan idinleeyahay markale Ramadaan Kariim, Ramadaan Mubaarak.
07/07/2024
Waxaan halkaan hambalyo ugu dirayaa, dhamaan, shucuubta Islaamka, gaar ahaan umada Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan curashada sannadka cusub ee 1446H.
ALLE waxan ka baryaynaa in uu sannadka dhammaaday kheyrkiisa ina siiyo, kan bilaamayna barakadiisa ina siiyo, noqdana mid badhaadhe iyo barwaaqo horseeda idamka ALLE.
Sannad Wanaagsa
29/06/2024
Bulaxaaji: 29_june_ 2024.
Waxaan booqasho ku tagnay deegaanka BuuloXaaji ee Gobolka Jubada Hoose halkaas oo ay Ciidamada naftooda hurayaasha ah dhawaan ka xoreeyeen argagixisada, boqashada, waxaan igu wehlinayay. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta, Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada degmada Kismaayo, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.
Ujeedka boqashadeena ayaa ahayd in aan u kuura galno xaaladda deegaanka iyo sidii adeegyada muhiimka ah loo gaarsiin lahaa Degaanka Buulo-Xaaji oo dadka degaanka, ay hadda dareemayaan qiimaha Dowladnimada ay leedahay sidokale waxaan kulamo kala duwan la qaadanay qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee gacanta kuhaya amniga deegaanka Buulo-Xaaji iyo tuulooyinka hoos yimada, sido kale waxaan lakulanay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka b/xaaji.
Deegaanka bulaxaaji ayaan kusoo aragnay dadweyne udiyaar ah Dowladnimada iyadoo ay ka go,an tahay lashaqeynta iyo garab istaaga Cidamada, Dowlada Jubaland.