Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland

Share

The Ministry of Interior, Federalism & Reconciliation of Jubbaland State of Somalia

Photos from Jubbaland TV's post 31/05/2026
Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland's post 31/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland gaar ahaan Waaxda Xasillinta ee Wasaaradda ayaa deegaanka Buulla Xaaji ka hirgelisay mashaariic horumarineed oo muhiim ah.

Mashaariicda la hirgeliyey waxaa ka mid ah leerar ku shaqeeya tamarta cadceedda iyo saldhig booliis oo uu dhismihiisu socdo kuwaas oo bulshada deegaanka ay baahi weyn u qabeen muddo dheer.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Buulla Xaaji ayaa si weyn u soo dhaweeyey mashaariicdan, iyagoo muujiyey sida ay uga qayb qaadanayaan horumarinta adeegyada bulshada, amniga iyo bilicda deegaanka.

Bulshada deegaanka ayaa sidoo kale u mahadcelisay Dowladda Jubbaland dadaallada ay ku hirgelisay mashaariicdan horumarineed ee wax ku oolka ah, kuwaas oo wax weyn ka tari doona nolosha iyo adeegyada ay helaan shacabka Buulla Xaaji.

26/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland– Farriinta Ciidul Adhxa

Waxaan farxadda munaasabadda Ciidul Adhxa u dirayaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubaland & dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka.

Waa maalmo farxad leh oo qoysaska iyo bulshada dhexdeeda laga dareemo is-xiriirin, isu-naxariisasho iyo walaalnimo. Waa in xamaasadda iyo farxadda maalmahaas barakeysan ay noo horseedaan in si daacadnimmo ah ugu adeegno horumarinta dalka iyo dadka.

Dhammaan Ciid Wanaagsan.

26/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmaha kheyrka iyo farxadda leh ee Ciidda Carafo, isagoo Alle uga baryay in uu ku gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo.

Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland's post 18/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay shir lagu soo bandhigayay siyaasadda maamul-daadejinta Dowladda Jubbaland, waxaana ka qeyb galay Agaasimaha waaxda dowladaha hoose ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland Masuuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Dowladda Jubbaland iyo hay’adaha ka howlgala deegaannada Dowladda Jubbaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo sidii si mideysan looga wada shaqeyn lahaa hirgelinta siyaasadda maamul-daadejinta, si adeegyada dowladeed loo gaarsiiyo bulshada heer degmo iyo deegaanba.

Agaasimaha Waaxda Dowladaha hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Cadow Axmed ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa ka shaqeeya horumarinta bulshada, si loo dardargeliyo howlaha maamul-daadejinta ee Dowladda Jubbaland.

Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland's post 14/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan muhiim ah oo lagu xoojinayay isku-duwidda Wasaaradaha Dowladda Jubbaland.

Shirkan oo qabsooma saddexdii biloodba mar ayaa diiradda lagu saaray guulihii la gaaray, caqabadihii jiray iyo qorshayaasha horumarineed ee la hiigsanayo muddada soo socota.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Jubbaland iyo maamulka qaar kamid ah degmooyinka Jubbaland.

Axmed Maxamed Cabdullaahi Agaasimaha Waaxda maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland oo madasha ka hadlay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo horumarinta maamulka. Waxa uu sheegay in kulamadan joogtada ahi ay door weyn ka qaataan isku xirka Wasaaradaha, isla markaana lagu qiimeeyo waxqabadka iyo caqabadaha jira si xal waara loogu helo

Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland's post 12/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulan lagu ansixinayay qiimeynta hanaanka adeeg-daadejinta qaybaha waxbarashada iyo caafimaadka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka, iyo sidoo kale maamulka degmada Kismaayo.

Shirka ayaa inta badan diiradda lagu saaray horumarinta adeeg-daadejinta, tayeynta adeegyada bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer dowlad-goboleed iyo degmo.

Cabdiwahaid Maxamed Dhaqane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, ayaa madasha ka hadlay isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay adeeg-daadejintu si bulshada loo gaarsiiyo adeegyo hufan oo tayo leh, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland's post 09/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ka daah-furtay aqoon-is-weydaarsi socon doona muddo saddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta awoodda hoggaaminta iyo la-talinta bulshada.

Tababarkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka degmada, saraakiisha laamaha amniga, dhalinyaro, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha dowladda.

Bulshada ku nool degmada Ceelwaaq ayaa si weyn u soo dhaweeyay tababarada iyo barnaamijyada wacyigelinta ah ee ay wasaaraddu ka waddo degmada maalmihii la soo dhaafay.

Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland's post 04/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay shirka Guddiga Farsamada ee Adeeg Daadejinta Dowladaha Hoose ee degmada Kismaayo.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Jubbaland, iyo maamulka degmada Kismaayo. Kulanka ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada loo fidiyo bulshada.

Kulankan muhiimka ah ayaa si gaar ah diiradda u saaray dardargelinta geeddi-socodka adeeg daadejinta, kor u qaadidda tayada adeegyada dowladaha hoose, iyo hubinta in adeegyada aas-aasiga ah ay si hufan ku gaaraan shacabka. Sidoo kale, waxaa laga dooday caqabadaha jira iyo xalalka suurtagalka ah ee lagu horumarin karo nidaamka dowladaha hoose.

Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland's post 03/05/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa degmada Doolow ee gobolka Gedo ku qabatay Madasha Dadweynaha iyo Dowladda, oo ah kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa bulshada iyo hay’adaha dowladda.

Kulankan ayaa ahaa mid ay si wadajir ah uga soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Doolow, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, iyo sidoo kale maamulka degmada. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la helo madal furan oo lagu falanqeeyo arrimaha mudnaanta u leh bulshada, isla markaana lagu dhageysto aragtiyadooda.

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda la saaray baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada, sida adeegyada bulshada, amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo daryeelka bulshada. Sidoo kale, waxaa laga dooday sida loo kala hormarin karo baahiyahaas si loo gaaro horumar waara.

Ka qaybgalayaashu waxay sidoo kale iftiimiyeen caqabadaha jira, oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka adeegyada bulshada iyo baahida loo qabo iskaashi dheeraad ah oo u dhexeeya bulshada iyo dowladda. Ugu dambeyn, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wadatashiga joogtada ah si xal waara loogu helo arrimaha taagan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Jidka Hotel Kismayo Calanley
Kismayo

Opening Hours

Monday 08:00 - 02:00
Tuesday 08:00 - 02:00
Wednesday 08:00 - 02:00
Thursday 08:00 - 13:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00