Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland, Government Official, Kismayo.

19/11/2024

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Jubaland.

Photos from Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland's post 19/11/2024

Gudigga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaaland ayaa shaaciyay liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiilada Jubaland.

Photos from Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland's post 19/11/2024
18/11/2024

SHAQADA GUDDIGA XUDDUUDAHA IYO DOORASHOOYINKA JUBBALAND OO SI HABSI LEH U SOCOTA

Shaqooyinka Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa maanta si habsami leh u socda, Salaadiinta dhaqanka Jubaland ayaa ka shaqeynaya soo gudbinta xubnaha ka mid noqon doona Golaha Wakiilada Saddexaad ee Jubbaland, iyadoo beel kasta loogu talogalay inay usoo xulato hal mudane oo matala kursigeeda.

Sida ku cad habraaca doorashada Odayaasha dhaqanku waxay si toos ah masuul oga yihiin soo xulista xubnaha Golaha Wakiilada, iyagoo la tashanaya nabadoonnada jifooyinka hoose ee leh qoondada kursiga.

Habkan wada-tashiga ku saleysan ayaa lagu wadaa inuu hubiyo matalaad dhab ah oo waafaqsan nidaamka dhaqanka iyo wada-jirka bulshada Jubbaland.

Tallaabadan ayaa u gogol xaaraysa in Golaha sharci-dajinta cusub uu noqdo mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka Jubbaland, islamarkaana diyaar u ah inuu ka shaqeeyo horumarinta Dowladnimada iyo adeegyada bulshada.

………………………….DHAMMAAAD………………………………

11/11/2024

Ogeysiis:

Dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka Jubaland, waxaan idin ogeysiinaynaa in bogga rasmiga ah ee aad kala socon kartaan wararka iyo xogta doorashooyinka uu yahay page kan hoose ( Guddiga xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.)

Fadlan la soco boggan si aad ula socotaan xogaha cusub ee doorashooyinkan Jubaland.

https://www.facebook.com/jibecjubaland?mibextid=LQQJ4d.

11/11/2024

Guddiga madaxa banan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa doorasho gacan taag ah ku doortay Gudoomiyaha Guddiga oo loo doortay Mursal Siyaad Maxamed sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Guddiga ayaa loo doortay Warfaa Maxamed Jaamac halka xog-hayaha Guddiga loo doortay Ahmed Xaaji Cabdi.

10/11/2024

Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.

Photos from Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland's post 10/11/2024

Ansixinta xubnaha Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.

09/11/2024

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magacaabay Guddiga Madaxa banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Kismayo