Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland

Share

Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dowladda Jubbaland

19/03/2026

Munaasabaddan farxadda leh ee Ciidul Fitri Awgeed waxaan shacabka Reer Jubbaland iyo guud ahaan Ummadda Muslimiinta u rajeynayaa farxad iyo caafimaad.

Ciiddaan ciiddeeda kale Alle Nabad, Minimo, Xasilooni iyo Barwaaqo Hanagu gaarsiyo.


Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland's post 06/03/2026

Jubaland State has taken a significant step toward advancing Somalia’s blue economy by introducing locally manufactured fishing boats. The initiative was showcased in Kismayo, where modern vessels built under the “Made in Jubaland, Somalia” project were officially presented.

The boats were manufactured by Sommarin Limited, a major boat-building company specializing in the production of modern fishing vessels. The initiative is expected to strengthen the fisheries sector by improving fishing capacity, increasing safety for fishermen, and creating new employment opportunities for local communities. It will also allow other federal member states to access locally built boats rather than relying on imported vessels.

The exhibition was attended by the President of Jubaland State, Ahmed Mohamed Islam, along with several senior government officials, including the Minister of Fisheries and Blue Economy of Jubaland, Ahmed Hassan Omar. Officials were briefed on the technical features of the boats and their expected contribution to the growth of the fisheries industry and the development of the coastal economy.

This development marks an important milestone in promoting sustainable maritime development, strengthening local production, and advancing Somalia’s growing blue economy.


01/03/2026

Mudane Qeys oo ah Aasaasaha Shirkadda Sommarin Limited ayaa Madaxweynaha si faahfaahsan uga warbixiyey doonta casriga ah ee Dalmar, oo ay shirkaddu soo saartay.

Mudane Qeys wuxuu Madaxweynaha u sharxay tayada iyo tiknoolajiyadda lagu farsameeyey doonta, awooddeeda shaqo, iyo doorka ay ka qaadan doonto horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee Jubaland. Doonta Dalmar ayaa loogu talagalay jillaabasho iyo soo saar kalluun oo heer sare ah, iyadoo la jaanqaadaysa nidaamyada casriga ah ee badaha.

Tallaabadan ayaa muujinaysa horumarka warshadaha badda iyo dadaalka lagu xoojinayo wax-soo-saarka gudaha, si loo abuuro shaqooyin cusub loona kobciyo dhaqaalaha deegaanka.


Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland's post 28/02/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu daahfurayay doon casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Sommarine Limited, taas oo ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya qalabka iyo farsamada badda.

Doontan oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee gudaha dalka lagu sameeyo, ayaa la filayaa inay si rasmi ah uga howlgasho xeebaha Jubaland, iyadoo door muuqda ka qaadan doonta horumarinta kalluumeysiga, casriyeynta jilaabashada iyo doofinta kalluunka, iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ee deegaannada xeebaha leh.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland Mudane Ahmedsaid Omar , kaas oo ka codsaday Madaxweynaha inuu si rasmi ah xarigga uga jaro doontan cusub. Wasiirka ayaa xusay in shirkaddu horey u farsamaysay doomaha yaryar oo la tijaabiyey, kuwaas oo wax weyn ka taray adeegyada kalluumeysiga.

Mulkiilaha shirkadda, Mudane Qeys, ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaallada iyo juhdiga ay geliyeen sameynta doontan iyo qorshayaasha mustaqbalka ee shirkadda, isagoo tilmaamay in Sommarine Limited ay ka shaqeyn doonto kordhinta wax-soo-saarka kalluumeysiga, isla markaana fududeyn doonto doofinta kalluunka loo dhoofinayo suuqyada dibadda.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka shirkadda ee horumarinta wax-soo-saarka gudaha, wuxuuna ku dhiirrigeliyay ganacsatada kale inay maalgashi ku sameeyaan kheyraadka badda Jubaland. Sidoo kale, wuxuu maamulka shirkadda ku adkeeyay inay xoogga saaraan shaqo-abuurka dhalinyarada reer Jubaland, lana siiyo tababarro ku saabsan farsamada sameynta doomaha casriga ah iyo kuwa yaryar, si loo helo aqoon iyo xirfad waarta oo gudaha ah.

Daahfurkan ayaa muujinaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka isku-filnaanshaha wax-soo-saarka badda iyo xoojinta dhaqaalaha Jubaland.


28/02/2026

Hadal Jeedinta Madaxweynaha Dowlada Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam EE Munaasabada Xariga jarka Doomaha Casriga ah EE ay soo saartay Shirkada Sommarin Limited oo ah shirkad Warshadeysa soona saartay Doomaha Casriga ah.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland Mudane. Ahmedsaid Omar ayaa Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale EE Labada Aqal EE Dowlada Jubaland Ku soo daaweeyey Munaasabada iyo Bandhiga ay Shirkada Sommarin Limited Maanta sameeysay


28/02/2026

Hadal Jeedintii Maanta EE Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland Mudane Axmed Xasan Cumar EE uu Ka jeediyey Munaasabada Xarig jarka Doonta Casriga ah EE ay soo saartay Shirkada Sommarin Limited oo Ah shirkad Soo saartay Qeybaha Kala duwan EE doomaha


19/02/2026

Muwaadin, inta Lagu Guda Jiro Bisha Barakeysan EE Ramadaan, Labo Jibaar Cunista Kalluunka, Caafimaad ayaa kujira EE Cunna Kalluunka.


17/02/2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland Mudane Ahmedsaid Omar wuxuu ummadda Soomaaliyeed La Wadaagayaa hambalada munaasabadda Curashada Bisha Ramadaan. Allaha naga aqbalo soonka, salaadda, iyo camalka suuban, Caafimaad Qabna Ha inoogu Dhameeyo.

Xusuusin: Cunna Kalluunka, Waa Caafimaade.


Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland's post 14/02/2026

Kooxda Kasima FC ayaa si rasmi ah ugu ciyaari doonta magaca Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Jubaland, kaddib munaasabad uu Wasiirku ku wareejiyay agabka ciyaaraha Guddoomiyaha naadiga, iyadoo uu goob-joog ku ahaayeen Wasiirka Wasarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubaland, Guddoomiyaha Ururka Kubadaa Cagta Jubaland Mudane Axmed Cabdullahi Axmed iyo Gudoomiyaha Naadiga Kisiima Mudane Saciid

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga Jubaland, Mudane Axmed Xasan Cumar (Ahmedsaid Omar ) ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu dhiirrigelinayo naadiyada, isla markaana lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga.

Magaca Wasaaradda oo ay ku ciyaarayso naadiga Kisiima ayaa ah farriin cad oo kor loogu qaadayo cunista kalluunka, ka faa’iideysiga khayraadka badda, iyo kobcinta dhaqaalaha Jubaland, iyadoo isboortiga uu Wasiirka u arkay madal Lagu xoojini Karo Wacyigelinta iyo hormarinta ay Wasaaradu waday.



Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland's post 10/02/2026

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland ayaa si rasmi ah u soo gebagabeysay tababar muhiim ah oo kor loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha wasaaradda, kaas oo la xiriiray maareynta kalluunka, farsamayntiisa, tayada, iyo ilaalinta deegaanka badda.
Tababarkan oo ahaa Tababar la siinayey Tababarayaal loo diyaarinaayey in ay Tababarayaal Noqdaan (ToT) Tababarka ayaa Socday muddo afar maalmood ah, waxaana ka faa’iideystay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Jubaland. Ujeeddadiisu waxay ahayd in la xoojiyo aqoonta ku saabsan sida saxda ah ee kalluunka loo sii Qabto, loo keydiyo loo hubiyo tayadiisa, isla markaana loo ilaaliyo deegaanka badda si loo horumariyo dhaqaalaha buluugga. Tababarka waxaa hirgeliyay KAAD–Fishtech Joint Venture, waxaana taageeray mashruuca Somalia Horn of Africa Integrated Infrastructure Project (SHIIP) oo ay maalgeliso Bangiga Adduunka (World Bank), iyadoo ay hoggaaminaysay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.
Xafladda xiritaanka tababarka oo ka dhacay Maamuus Garden Hotel, Kismaayo, ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare. Tababarka waxaa si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Jubaland, Mudane Axmed Cumar Xasan Ahmedsaid Omar , oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdi Axmed. Wasiirka ayaa bogaadiyey ka-qeybgalayaasha tababarka, isagoo sheegay in horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ay laf-dhabar u tahay kobaca dhaqaale ee Jubaland. Waxa uu sidoo kale adkeeyay in aqoonta ay heleen ka-qeybgalayaashu ay gaarsiin doonaan shaqaalaha kale iyo bulshada kalluumeysiga si loo helo wax-soo-saar tayo leh oo suuqyada gudaha iyo dibadda la gaarsiin karo. Ugu dambeyn, Tababarkaan ayaa ah mid door weyn ka qaadanaya horumarinta kalluumeysiga, shaqo-abuurka, iyo ilaalinta kheyraadka baddaha Jubaland.


01/01/2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland , Mudane Ahmed Hassan Omar, ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubaland, u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Sanadka Cusub, isaga oo u rajeeynaya Nabad, barwaaqo iyo horumar waara.
Wasiirku wuxuu Alle uga baryay in sanadka cusub noqdo mid guul, midnimo iyo xasillooni u ah guud ahaan dalka.


07/12/2025

Deeqaha caalamiga ah ee la siyaasadeeyo waxay ka mid yihiin arrimaha dib u dhigaya horumarka dalka. Dowlad Jubaland marnaba ma oggolaan doonto in la siyaasadeeyo deeqaha loogu talagalay kaluumaysatada Jubaland. Jubaland waxaa ka go’an in deeq kasta loo isticmaalo si hufan, cadaalad ah, kana madax bannaan dan gaar ah, si loo horumariyo bulshada xeebaha iyo dhaqaalaha badda.





Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Kismayo
0000