08/03/2026
Fasaxa tobanka dambe ee bisha ramadaan
Boggaan waa bogga rasmiga ah ee Golaha Garsoorka Jubaland
08/03/2026
Fasaxa tobanka dambe ee bisha ramadaan
01/12/2025
Fasax sanadeedka Garsoorka jubaland
16/07/2025
Kismayo-Axad-16-july-2025
Shirka Hoggaanka Sare ee Bahda Caddaaladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose .
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland ahna Guddoomiyaha Guddiga adeega garsoorka jubaland Garyaqaan Sheekh Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid, agaasimaha guud ee hay'adda Garsoorka Jubaland Mudane Nor Shafi ayaa ka qaybgalay shirka.
Shirkan oo ah kii labaad ee saddexdii biloodba mar la isugu yimaado, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin:
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland , Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada, Taliska Nabad Sugidda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay guulihii ay bahda caddaaladdu gaartay muddadii la soo dhaafay, caqabadaha wali taagan, iyo sida loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha caddaaladda, si loo hormariyo adeegyada cadaaladeed ee shacabka loo hayo. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay istaraatijiyado lagu horumarinayo hannaanka caddaaladda, laguna xoojinayo daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo helitaanka caddaalad loo siman yahay.
Shirka noocan oo kale ah ayaa ah mid lagu xoojiyo is-dhexgalka iyo iskaashiga hay’adaha caddaaladda iyo kuwa amniga, si loo xaqiijiyo adeegyo cadaaladeed oo hufan, isla markaana ku saleysan danta guud ee bulshada.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________
04/06/2025
Fasaxa Ciidul Udxiyada
Munaasabada Ciidul adxaha darteed waxaa mudo laba maalin ah la fasaxay dhammaan shaqaalaha hay'adda Garsoorka Jubaland
18/03/2025
SHAACIN SHAQOOYIN KA BANNAAN GARSOORKA JUBALAND
Kismayo- Talaado-18-March -225
Garsoorka Jubaland wuxuu shaacinayaa jagooyin Garsoorayaal iyo xeer-ilaaliyayaal ah oo ka bannaan Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo.
Hadaba cidii danaynayso oo buuxisa shuruudaha laga rabo xubnaha laqaadanayo waxay macluumaadka shaqooyinka oo dhamaystiran ka helayaan Webside ka Garsoorka.
Fadlan booqo link ga oo akhri shuruudaha hadii aad buuxiso oo aad danaynaysana iimeelada ku xusan xayaysiinta kusoo dirso codsiga iyo dokumiintiyada kalaba Mahadsanidiin.
Wixii su'aal ah nagala soo xirii telefoonadaan:
0618523856/0618274609/0612052187
SHAACIN JAGOOYIN XEER-ILAALIYEYAAL AH OO KA BANAAN GARSOORKA JUBALAND – Garsoorka Jubaland Home Jobs SHAACIN JAGOOYIN XEER-ILAALIYEYAAL AH OO KA BANAAN GARSOORKA JUBALAND March 18, 2025 Written by admin in Supreme Ujeedo: Baahin Shaqo Nooca Shaqada: Garsoorayaal iyo Xeer-ilaaliyeyaal Goobta Shaqada: Degmada Ceelwaaq Taariikhda qabashada codsiyadu Billaabanayaan: 18/03/2025 Taariikhda qa...
17/03/2025
Fasaxa Tobanka dambe ee bisha Ramadaan
Ramadaan Mubaarak
05/03/2025
Kismayo- Arbaco -5 March-2025
Madaxwaynaha Dowladda jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa digreeto ku soo saaray magacaabista Garsoorka Degmada Badhaadhe ee Gobalka Jubbada hoose.
Magacaabistaan ayaa qayb ka ah Daadajinta adeega caddaaladda si shacabka soomaaliyeed ee ku nool deegaamada jubaland looga haqabtiro adeegyada caddaaladeed ee ay baahida u qabaan.
Hay'adda Garsoorka Jubaland waxay u taagantahay bixinta adeeg caddaaladeed oo hufan, ilaalinta saraynta sharciga iyo ku dhaqankiisa.
02/03/2025
Kismayo Axad 02- March 2025
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland ayaa maanta ka qayb galay shirka billaha ah ee bahda caddaaladda Jubbaland, shirkaan waxaa looga hadlaa caqabadaha,fursadaha iyo yoolasha Bahda caddaaladda Jubbaland, shirkaan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland waxaana kasoo qayb galay dhammaan bahda caddaaladda Jubbaland.
loo dhanyahay
Ramadaan Mubarak
04/02/2025
Garsoorka Jubaland wuxuu shaacinayaa jagooyin Garsoorayaal iyo xeer-ilaaliyayaal ah oo ka bannaan Degmada Badhaadhe ee Gobalka Jubbada hoose.
Hadaba cidii danaynayso oo buuxisa shuruudaha laga rabo xubnaha laqaadanayo waxay macluumaadka shaqooyinka oo dhamaystiran ka helayaan Webside ka Garsoorka.
Fadlan booqo link ga oo akhri shuruudaha hadii aad buuxiso oo aad danaynaysana iimeelada ku xusan xayaysiinta kusoo dirso codsiga iyo dokumiintiyada kalab Mahadsanidiin.
Wixii su'aal ah nagala soo xirii telefoonadaan:
0612167089/0618274609
Jagooyin ka bannaan garsoorka Degmada Badhaadhe – Garsoorka Jubaland Home Jobs Jagooyin ka bannaan garsoorka Degmada Badhaadhe February 4, 2025 Written by admin in Supreme Jagooyin ka bannaan garsoorka Degmada Badhaadhe Ujeedo: Baahin Shaqo Nooca Shaqada: Garsoorayaal iyo Xeerilaaliyayaal Goobta Shaqada: Degmada Badhaadhe Taariikhda qabashada codsiyadu Billaabanayaa...
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland ayaa xilka u kala wareejiyay ku-simaha Agaasimaha guud ee hay'adda Garsoorka Jubbaland iyo Agaasimihii h**e ee Garsoorka Jubbaland.
28/11/2024
Fasax sanadeedka Garsoorka Jubaland 2024
20/11/2024
Socdaalka Booqashada Garsoorka Gobalka Gedo
Kismayo Arbaco 20 November 2024
Garsoorka Gobalka Gedo oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Gedo Garyaqaan Maxamed Cabdi Maxamed ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Maxkamadda sare ee Jubaland iyada oo ay garsooryaashu iyo xeerilaaliyayaashuba ay booqdeen Maxkamadda Sare Ee Jubbaland, Maxkamadda Racfaanka Gobalka Jubada Hoose, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Maxkamadda Darajada koobaad ee degmada Kismayo qaybta arimaha dhulka iyo xafiisyada Kaaliyayaasha Maxkamadaha.
Booqashada ayaa ahayd is barasho iyo indha indhayn ku qotonta aqoon kororsi.
--------------------------------Dhammaad-‐--------------------------