Jubaland Water Agency

Jubaland Water Agency

Share

Wakaaladda Biyaha Dowlada Jubaland,๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Photos from Jubaland Water Agency's post 05/05/2026

๐Š๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ฒ๐จ, ๐ŸŽ๐Ÿ“ ๐Œ๐š๐ฒ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, ayaa maanta qabatay kulan looga hadlayey nidaamka lahaanshaha wadajirka ah ee dawladda iyo dadweynaha (Public Private Partnership โ€“ PPP) iyo horumarinta adeegyada biyaha, si loo helo hannaan mideysan oo lagu maareeyo bixinta adeegyada biyaha.

Shirka, oo uu daadihinaayay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, ayaa waxaa ugu horeyn si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Ahmed Hussein Baraki.
Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay hirgelinta nidaam hufan oo lagu xoojinaayo maamulka adeegyada biyaha, si bulshada ay u helaan biyo nadiif ah oo si joogto ah loo gaarsiiyo.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dejinta hannaan mideysan oo lagu hagaayo shirkadaha bixiya adeegyada biyaha, xoojinta nidaamka isla xisaabtanka, iyo hagaajinta habraacyada shaqo ee u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha, si loo kordhiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo maamulka adeegyada biyaha iyo hubinta in bulshada Jubaland ay helaan adeeg biyo, isla markaana si wanaagsan loo maareeyo.

Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland.
Jubaland Water Agency

Photos from Jubaland Water Agency's post 30/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Jubbaland, Mudane Ahmed Baraki (Zubeir), oo ay wehliyaan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Ahmed Osman Siyah, ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday hay'adda ICRC (Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga wax ka qabashada baahiyaha biyaha, iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya labada dhinac, si loo horumariyo adeegyada biyaha ee bulshada.

Ugu dambeyn, waxaa la isla qaatay in la dardargaliyo dadaallada iyo mashaariicda biyaha si loo daboolo baahiyaha bulshada.

Photos from Jubaland Water Agency's post 30/04/2026

๐Š๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ฒ๐จ, ๐Ÿ‘๐ŸŽ ๐€๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, ayaa maanta soo xiray tababar socday muddo shan maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saaray xirfadeynta bixiyeyaasha adeegga biyaha (WSPs) ee Degmada Kismaayo.

Tababarkan oo ay iska kaashanaayeen Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland, Wakaaladda Biyaha Jubaland iyo hayโ€™adda Mercy Corps, ayaa lagu baranaayay: Maamul-wanaagga, Maareynta maaliyadda, Yareynta biyaha khasaaraya, iyo qorsheyntooda.

Waxaa tababarkan ka faaโ€™iidaystay shaqaalaha Wasaaradda, Wakaaladda, iyo shirkadda Biyaha ee Jubba Water Supply.

Ujeedka tababarkan ayaa ah kor u qaadista awoodda bixiyeyaasha biyaha, si loo helo adeeg biyo oo hufan, tayo leh, isla markaana si joogto ah u daboola baahiyaha bulshada.

Photos from Jubaland Water Agency's post 10/04/2026

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Osman Siyah, Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Fayadhowrka ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, injineero ka socda Wasaaradda, Iskuduwaha Gobolka Gedo iyo Iskuduwaha Degmada Doolow, ayaa kormeer ku sameeyay shaqooyinka ay wasaaradu ka fulinayso degmada Dooloow ee Gobolka Gedo.

Kormeerkan waxaa masuuliyiinta ku wehlinaayay madax ka socotay hay'adda UNICEF Somalia, oo wasaarada ka taageerayso mashaariicda halkaasi ka socota.

Intii lagu guda jiray kormeerka, Wafdiga ayaa indha-indheyn ku sameeyay xarumo muhiim ah oo ay kamid tahay xarunta ceelasha mashruuca R-WASH ee Qansaxley, iyo sidoo kale goobo kale oo qorshuhu yahay in laga hirgeliyo xafiisyo kor loogu qaadayo adeegyada biyaha ee degmada Doolow.

Wakaalada biyaha jubaland oo kaashanaysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland ayaa dadaal joogto ah ku bixinaysa xoojinta iyo horumarinta adeegyada biyaha ee Degmada Doolow iyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

Photos from Jubaland Water Agency's post 09/04/2026

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Osman Siyah, iyo masuuliyiin ka socotay wasaarada Biyaha ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Degmada Doolow.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada biyaha, xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta, iyo sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee biyaha ee ka socda degmada Doolow.

Photos from Jubaland Water Agency's post 08/04/2026

๐ƒ๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฐ, ๐ŸŽ๐Ÿ– ๐€๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Osman Siyah, Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Fayadhowrka ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, injineero ka socda Wasaaradda, Iskuduwaha Gobolka Gedo iyo Iskuduwaha Degmada Doolow, ayaa maanta kulan la yeeshay bah-wadaagta kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha biyaha, oo ay ka mid yihiin hayโ€™adaha iyo shirkadaha bixiya adeegyada biyaha.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargalinta hab-maamulka cusub ee biyaha (Public Private Partnership - ๐๐๐), iyo sidii loo mideyn lahaa shirkadaha biyaha, si loo helo adeeg biyo oo hufan, tayo leh, isla markaana Wasaaraddu ay korjoogtayso.
Sidoo kale, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday hayโ€™adda UNICEF, iyadoo mashruucan uu qeyb ka yahay R-WASH Programme, oo ah barnaamij ka socda saddex waddan (Somalia, Ethiopia iyo Sudan), si loo yareeyo saameynta abaaraha.

Kulamada isdaba jooga ah ee ay Wasaaraddu la yeelanayso hayโ€™adaha iyo shirkadaha ka shaqeeya WASH-ka ayaa ujeedkoodu yahay xoojinta wada-shaqeynta dowladda, hayโ€™adaha iyo kambaniyada gaarka loo leeyahay, si loo horumariyo adeegyada biyaha ee Jubaland.

Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland,
Jubaland Water Agency
.

Photos from Jubaland Water Agency's post 08/04/2026

Maareeyaha Guud ee Wakaalada Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, ayaa qeyb ka ahaa Wafdi uu hoggaaminaayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Osman Siyah, oo magaalada doolow ku qabtay munaasabad looga hadlaayay nidaamka iskaashi ee dowladda iyo xarumaha gaarka loo leeyahay (Public Private Partnership), si loo maareeyo maamulka adeegga biyaha ee deegaanka Gedweyne, Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Munaasabaddan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta nidaam habmaamul oo cusub kaasi oo lagu xoojinayo adeegyada biyaha, si loo horumariyo kaabeyaasha biyaha loona dardargeliyo adeeg bixinta.

Kulanka Agaasimaha waxaa ku wehlinaayay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Fayadhowrka ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, injineerro ka socday Wasaaradda, Iskuduwaha Gobolka Gedo, Iskuduwaha Degmada Doolow, iyo masuuliyiin ka socday hayโ€™adaha UNICEF.

Mashruucan oo qayb ka ah FCDO Programme, ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato xoojinta maamulka iyo joogtaynta adeegyada biyaha ee deegaanada gobolka Gedo.

Photos from Jubaland Water Agency's post 05/04/2026

๐ƒ๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฐ, ๐ŸŽ๐Ÿ“ ๐€๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Maareeyaha Guud ee Wakaalada Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, ayaa qeyb ka ahaa Wafdi uu hoggaaminaayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Osman Siyah, kuwaasi oo booqday xarunta ay ku shaqeeso ๐ƒ๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฐ ๐–๐š๐ญ๐ž๐ซ ๐‚๐จ๐ฆ๐ฉ๐š๐ง๐ฒ, oo ah shirkad bixisa adeegyada biyaha ee degmada Doolow.

Intii ay booqashadu socotay, wafdiga ayaa kulan la yeeshay maamulka shirkadda, iyagoo ka wada hadlay howlaha shirkaddu qabato.

Kulanka kadib, masuuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay goobaha kala duwan ee ay ku shaqayso shirkada.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa injineero ka socday Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland, Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Fayadhowrka ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Iskuduwaha Gobolka Gedo, Iskuduwaha Degmada Doolow, iyo masuuliyiin ka socday hayโ€™adda UNICEF.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo horumarinta adeegyada biyaha ee deegaanada Jubaland.

Photos from Jubaland Water Agency's post 30/03/2026

Waxaa deegaanka goobweyn ka qabsoontay munaasabadda wareejinta howlaha qodista iyo rakibidda Tuubooyinka biyaha ee mashruuca Biya-galinta magaalda Kismayo, laga bilaabo deegaanka Gobweyn ilaa haanta kaydinta biyaha ee magaalada Kismaayo, cabir ahaanna ah (9.3KM).

Hawsha ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay kambaniga ๐…๐š๐ซ๐๐จ๐ฐ๐ฌ ๐‹๐จ๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐œ๐ฌ ๐š๐ง๐ ๐‚๐จ๐ง๐ฌ๐ญ๐ซ๐ฎ๐œ๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐‚๐จ๐ฆ๐ฉ๐š๐ง๐ฒ, iyadoo ay goob-joog ahaayeen masuuliyiin ka socotay Wakaalda, Wasaaradda Biyaha, hayโ€™adda IOM, iyo wakiillo ka socday kambaniga.

19/03/2026

Ciid wanaagsan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Rer Jubaland, waxaan idinkugu hambalyaynaynaa munaasabadda Ciidul-fidriga.
Alle ha inaga aqbalo acmaashii iyo cibaadadii bishii barakeesan ee Ramadaan, Rabbi nabad iyo caafimaad ha innagu gaarsiiyo ciidaan ciideeda kale.
๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž, ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž๐ŸŽŠโœจ

17/02/2026

๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง ๐Œ๐ฎ๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ค๐ŸŒ™ Hambalyo dhammaan ummadda soomaaliyeed, gaar ahaan ummadda reer Jubaland, munaasabadda barakaysan ee curashada bisha Ramadaan awgeed.

Alle ha inaga yeelo kuwa ka faaโ€™iidaysta khayrkeeda, bishan barakaysan ku sooma nabad, caafimaad iyo cibaado suuban,โœจโœจ

.

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Kismayo