Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose

Call Directions Website Contact the organization

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Bogga rasmiga ah ee Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka socota Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose iyo xubno katirsan Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda J...
09/10/2026

Saraakiil ka socota Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose iyo xubno katirsan Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbland, oo ay weheliyaan maamulka Degmada Badhaadhe, ayaa magaalada Raaskaambooni iyo nawaaxigeeda ka sameeyay kormeer iyo sahan loogu kuur galaayo heerka adeegyada deg-degga ah, iyo goobaha u qaaska ah caawinta dadka la kulma tacaddiyada kala duwan.

Sidoo kale waxaa xoogga la saaray baahiyaha, fursadaha iyo caqabadaha ka jiro deegaannadaasi.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Kulan ku saabsan iskaashiga bulshada iyo Booliska ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Goobweyn ee waqooyiga magaalada Kism...
04/10/2026

Kulan ku saabsan iskaashiga bulshada iyo Booliska ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Goobweyn ee waqooyiga magaalada Kismaayo, waxaana si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayadoo ay goobjoog ahaayeen Taliye Ku-xigeenka Saldhigga Booliska Goobweyn, L/Xidigle Muxiyadiin Shuuriye Xasan, saraakiil Boolis iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Aqoon kororsigaan oo looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta bulshada iyo Ciidanka Booliska, ayaa waxaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay wada xeriirka tooska ah iyo iskaashiga joogtada ah ee dhexmara bulshada iyo hay'adaha amniga.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Waxaa magaalo xeebeed Raaskambooni oo hoos tagta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose lagu soo gabagabeeyey tababa...
04/10/2026

Waxaa magaalo xeebeed Raaskambooni oo hoos tagta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose lagu soo gabagabeeyey tababar iyo wadatashi lagu dhisayo Ururka Iskaashiga Booliska iyo Bulshada (LPB) ee deegaanka.

Tababarka waxaa ka qayb galay saraakiil ka socotay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose iyo hawlwadeennada Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, kuwaas oo bulshada deegaanka la wadaagay aqoon iyo talooyin ku saabsan xoojinta iskaashiga amniga.

Ururka Iskaashiga Booliska iyo Bulshada waxaa loogu talagalay in uu noqdo buundo isku xirta Booliska iyo bulshada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta, loo fududeeyo soo gudbinta xogaha la xiriira amniga, loogana hortago khataraha amni ka hor inta aysan dhicin.

Sidoo kale, barnaamijkan wuxuu muhiim u yahay kor u qaadista kalsoonida bulshada ay ku qabto hay’adaha amniga, iyadoo bulshada iyo Boolisku si wadajir ah uga shaqeynayaan nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbland ayaa magaalo xeebeed Raaskambooni oo hoos tagta degmada Badhaadhe ee gobolka ...
29/09/2026

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbland ayaa magaalo xeebeed Raaskambooni oo hoos tagta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ku qabatay tababar lagu dhisayay Ururka Iskaashiga Booliska iyo Bulshada ee deegaankaasi.

Aqoon kororsiga ayaa waxaa qayb ka ahaa saraakiil ka socotay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose iyo hawlwadeenada Wasaarada Amniga Gudaha Jubaland.

Ururka ayaa ah mid ay kuwada jiraan bulshada iyo Booliska, ayagoo iskakaashan doona sugidda amniga, soo gudbinta iyo ka hortagga khataraha amniga inta aysan dhicin, iyo kor u qaadidda kalsoonida ay bulshada ku qabto Booliska.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Hoggaanka Qorshaynta iyo Tababarada ee Ciidanka Booliska Jubaland, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, oo ay wehliyaan masuuli...
27/09/2026

Hoggaanka Qorshaynta iyo Tababarada ee Ciidanka Booliska Jubaland, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, ayaa soo xiray tababar ku saabsan Booliska Bulshada (Community Policing) oo muddo ka socday deegaanka Raas Kaambooni oo hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Intii uu socday tababarka, waxaa lagu xoojiyay fahamka Booliska Bulshada, wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga, iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka iyo kalsoonida ka dhexeysa bulshada iyo laamaha amniga.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa deegaanka Raaskambooni ku qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Bool...
22/09/2026

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa deegaanka Raaskambooni ku qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Booliseynta Bulshada iyo xoojinta iskaashiga Booliska iyo Bulshada.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa si rasmi ah u daah-furay Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe, Mudane Xassan Nuur Cabdi, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Raaskaambooni, saraakiisha Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda, Saraakiisha, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha ayaa xoogga saaray ahmiyadda ay leedahay iskaashiga Booliska iyo Bulshada.

Kulanka ayaa inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa xoojinta wada-shaqeynta Booliska iyo Bulshada, iyo sidii loo horumarin lahaa kalsoonida ay bulshada ku qabto Booliska.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal, oo uu wehliyo Taliyaha...
02/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal, oo uu wehliyo Taliyaha Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Kornayl Sadik Mohamud Dhogor, ayaa maanta furay tababar tababar ku saabsan awood-siinta haweenka, hoggaaminta iyo ka qaybgalka haweenka ee arrimaha amniga iyo nabadeynta.

Aqoon kororsigaan oo loogu talagalay gabdhaha ka tirsan ciidamada kala duwan ee Dowladda Jubbaland iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka haayeen Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aadan (Qaanuuni), iyo wafdi ka socday UNSOM oo uu hoggaaminayey Taliyaha Booliska ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UN Police Commissioner), Ralf Schroeder.

Tababarka oo uu soo qabanqaabiyay Taliyaha Booliska Jubbaland, waxaa bixinayay macallimiin ka socday Ciidanka Booliska Sierra Leone ee qaybta ka ah UNPOL, waxaana uu ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha Gabdhaha ciidamada, si loo xoojiyo kaalintooda sugidda amniga iyo nabadda.

Kadib furitaanka tababarka, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, ayaa bilad sharaf guddoonsiisay gabar ka tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Jubbaland, taas oo ka mid ahayd ardaydii sanadkan ku baasay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogga...
20/07/2026

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminaayey ee gaaray Degamada Afmadow ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagu xaqiijinayo xoreynta, furnaanshaha, iyo amniga waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Afmadow iyo Kismaayo.

Kulanka oo ka dhacay deegaanka Miido, ayaa waxaa Gudoomiyaha ku wehliyay qaar kamid ah Gollayaasha Dowlada Jubaland iyo saraakiil amni oo heer sare ah.

Saraakiisha howlgalka ayaa Ku-simaha siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha laga gaaray wejiyada h**e ee howlgalka, istaraatiijiyadaha la adeegsaday, iyo qorsheyaasha socda ee ku wajahan wajiga xiga oo la filayo inuu ka bilowdo deegaanada kale ee Jubaland.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku bogaadiyay ciidamada Jubaland iyo Ciidanka Danab Kommandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed geesinimada iyo adkeysiga ay ku wajahaan kooxaha argagixisada, isagoo si gaar ah u ammaanay wada shaqeynta saraakiisha kala duwan ee ciidamada Jubaland.

Safarka Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa la xiriiray sidii loo dardargalin lahaa howlgalada ay wadaan ciidamada Jubbaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah dhowaan ka soo hooyey dagaalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka dhacay maalmahii lasoo dhaafay.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

18/07/2026

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee hay'adaha amniga.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo safar shaqo ku joogo degmada Afmadoow ayaa m...
18/07/2026

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo safar shaqo ku joogo degmada Afmadoow ayaa maanta la kulmay saraakiisha Ciidanka Amniga.

Kulanka ayaa waxaa Gudoomiyaha ku weheliyey Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Wasiirka Cadaalada Jubbaland, Mudane Cabdiwali Xuseen Jaamac, Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ee ka howlgala Afmadoow, Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiishii hoggaaminaysay howlgallada furista, banaynta iyo sugidda amniga waddada dheer ee isku xirta degmada Afmadow iyo deegaannada Janaay Cabdalle, Biibi Harboole iyo Miido, si loo fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose:

Shortcuts

Share