26/02/2026
Khamiis,26/02/2026
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Jubaland Cabdullahi Dubad Shiil ayaa Abdirahman Abshir Hirsi u magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.
Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa Maareeyaha Cusub in xilka Alle ku asturo.
27/12/2025
Kismayo: 27/December/2025
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah saxiixa ugu duugay Xeerka Nabadgalyada Guud ee Waddooyinka Dowlada Jubaland.
Wasiir Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Jubaland Mudane Abdullahi Dubad Shill ayaa xusay in xeerkani gacan ka gaysan doono tayeynta adeeg bixinta gaadiidka, abuurista ila dakhli iyo isu socod aamin ah.
Xeerkan ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta badqabka isticmaaleyaasha waddooyinka, ilaalinta hantida dadwaynaha, nidaaminta gaadiidka, yaraynta shilalka, iyo ilaalinta deegaanka.
19/11/2025
Kismaayo 19 November 2025
Ansixinta Xeerka Nabad-galyada Guud Ee Wadooyinka Dowlada Jubaland-Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Abdullahi Dubad Shill ayaa maanta horgeeyey Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowlada Jubaland "Xeerka Nabad-galyada Guud ee Wadooyinka Dowlada Jubaland.
Gudiga Joogtada ah ee Golaha wakiilada dowlada Jubaland ayaa meel mariyey xeerka nabadgalyada guud ee wadooyinka dowlada jubaland. Ansixinta xeerkan ayaa la filayaa inay wax wayn ka tari doonto habsami u socodka iyo isticmaalka wadooyinka, badqabka dad waynaha, hantidooda, badqabka wadooyinka, abuurista ila dakhli oo cusub iyo kor u qaadista ilihii dakhli ee h**e.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu waxay bogaadinaysaa gudiga joogtada ah ee golaha wakiilada oo maanta ansixiyey xeerkan, sharci yaqaanadii qoray xeerka, masuuliyiinta Wasaaradda iyo cid kasta oo si uun kaalin ugu lahayd marxaladihii kala duwanaa ee xeerku soo maray.
Dhammaad
28/10/2025
Kismayo,27 October 2025
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Jubaland, Soomaaliya ayaa soo saartay go'aamo lagu mamnuucayo gaadiidka duqoobey ee rarka ka qaada dekada Kismayo kuna dejiya Magaalada Kismayo. Gaadiidkan ayaa khatar ku ah badqabka dad waynaha, hantidooda, habsami u socodka wadooyinka iyo badqabka deegaanka.
Dhanka kale Wasaaraddu waxay muddo kooban u qabatay gaadiidka loo yaqaano BL-ka gaar ahaan nooca albaab boojaha loo garan ogyahay in laga guuro islamarkaan aan la ogolaan doonin inay kashaqeeyaan wadooyinka Magaalada Kismayo, kuwaas oo albaabka ku leh dhanka bidix kuna dajiya rakaabka laamiga dhexdiisa.
Wasaaraddu waxay ku adkaynaysaa laamaha ay arintabi khusayso inay si dhab ah uga howl galaan sidii go'aamadan meelmar looga dhigi lahaa.
26/09/2025
26/September/2025, Kismaayo
Hirgelinta Tallaabooyin Muhiim ah oo Lagu Xoojinayo Amniga Madaarka Sayid Mohamed Abdulle Hassan ee Magaalada Kismaayo.
Muddo 3 isbuuc ah xeel-dheerayaal ka socotay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Waaxda Amniga iyo Fududeynta (AVSEC & Facilitation Department) ay howlo ballaaran ka wadeen Garoonka Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo.
Hawshan waxay qayb ka tahay hirgelinta National Civil Aviation Security Programme (NCASP), oo lagu xoojinayo heerarka amniga duulista rayidka Soomaaliyeed, si waafaqsan tilmaamaha iyo qawaaniinta dalka iyo kuwa caalamiga ah ee ICAO.
Intii ay socotay hawshan, waxaa si rasmi ah loo qabtay:
1. Dhismaha Guddiga Amniga Garoonka (Airport Security Committee), kaas oo masuul ka ah hagidda iyo kormeerka dhammaan arrimaha amniga madaarka.
2. Sameynta Barnaamijka Amniga Madaarka (Airport Security Programme – ASP) si loo helo habraacyo iyo siyaasado mideysan oo lagu sugo amniga.
3. Tababarida Shaqaalaha Waaxda Amniga (AVSEC staff training), si kor loogu qaado xirfadaha baarista rakaabka, alaabta, iyo ilaalinta goobaha xasaasiga ah.
4. Ansixinta iyo Shahaado-siinta Shaqaalaha Baarista (Screeners Certification), taas oo xaqiijinaysa in shaqaaluhu buuxiyeen heerarka iyo shuruudaha dalka iyo kuwa caalamiga ah ee amniga.
5. Tababarida Guddiga Amniga Madaarka (Training of Airport Security Committee) si loo dhiso awood hoggaan iyo faham mideysan oo ku aaddan fulinta siyaasadaha amniga.
6. Hirgelinta Kaarka Aqoonsiga Garoonka (Airport ID Permit System), kaas oo lagu xaqiijinayo in kaliya shaqaalaha la oggolaaday ay geli karaan aagagga xiran iyo meelaha xasaasiga ah ee madaarka.
Tallaabooyinkan waxay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Waaxda Amniga iyo Fududeynta, kuwaas oo lagu xaqiijinayo in dhammaan madaarrada dalka ay la jaanqaadaan heerarka amniga dalka iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo la xoojinayo fulinta National Civil Aviation Security Programme (NCASP).
Sidaa darteed, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland waxay mar kasta dadaal ku bixinaysaa horumarinta adeegyada Garoomada iyo xaqiijinta buuxinta habraacyada iyo shuruudaha qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee ICAO, si loo hubiyo badqabka iyo amniga duulimaadyada rayidka.
------------------------Dhammaad-----------------------------
25/09/2025
Sagootinta Xeel-dheerayaal ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed
Munaasabad lagu sagootinayay khubaro ka socotay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Garoonka Caalamiga Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismayo.
Xafladan waxaa ka qaybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, iyo masuuliyiin kale.
Intii ay munaasabadu socotay, waxaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay saraakiisha tababarka siinaysay shaqaalaha garoonka.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah Shahaado Sharaf loogu guddoonsiiyay Taliyaha Amniga Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, iyadoo lagu bogaadiyay doorkiisa muhiimka ah ee sugidda amniga iyo horumarinta howlaha garoonka.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu waxay bogaadinaysaa guud ahaan masuuliyiinta garoonka dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen.
04/07/2025
04 July 2025
Safar Shaqo:
Ujeedo: Baahinta Adeegyada Gaadiidka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland , Agaasimaha Guud ee wasaaradda iyo qaar kamida ah Howl-wadeenada Wasaaradda ayaa maalmahan howlo shaqo u jooga degmada Dhoobley ee gobalka Jubada-hoose.
Safarkan ayaa looga goleeyahay furista xafiiska gaadiidka dhulka ee degmada iyo u kuur galidda xaalada garoonka diyaaradaha ee degmada Dhoobley. Waftiga ayaa kormeer shaqo shalay ku tagay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley.
Intii uu socday kormeerkan shaqo, waxay warbixin ka dhageysteen Maareeyaha garoonka, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay howlaha ka socda garoonka, xaaladda amniga ee garoonka, adeegyada duulimaad iyo baahiyaha jira ee horutabinta u leh maamulka garoonka.
Safarkan shaqo ayaa qeyb ka ah dadaallada wasaaraddu ugu jirto daadajinta iyo koru qaadista adeegyada Wasaaraddu bixiso.
29/06/2025
Tacsi Tiiraanyo Leh.إنا لله وإنا إليه راجعون
Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Ee Dowlada Jubaland oo uu ugu h**eeyo wasiir waxay tacsi ka dirayaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha'u raxmee Madaxwayne kuxigeenkii labaad ee Jubaland .
Waxaan guud ahaan shacabka Jubaland uga tacsiyeynaynaa geerida Madaxwayne Lugadheere sidoo kale waxaan murugada la wadaagaynaa qoyska uu ka baxay Suldaan Cabdiqaadir Lugadheere. Eebbe Wayne naxariis waasac ah hasiiyo.
29/05/2025
SAWIRO: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Ee Dawladda Jubbaland mundane:Maxamed Cabdi Salaad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Saacid Cabdullhaahi oo ay weheliyaan howl-wadeenada Wasaarada ayaa kormeer shoqo iyo indha-indheyn ku sameeyey garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee Magaalada kismaayo.
Kormeerkan ayaa daaraa u kuur galidda habsami u socodka howlaha garoonka iyo hubinta adeeg bixinta xafiisyada kala duwan ee Garoonka, Kormeerka kadib wasiirku waxa uu kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Howl-wadeenada ka howlgala Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
25/03/2025
Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu qabtay aqoon-isweydaarsi iyo wadatashi ku saabsan hindise sharciyeedka gaadiidka dhulka ee Jubbaland, Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay gaadiidleyda Magaalada Kismaayo, xubno ka tirsan Iskaashatada gaadiidleyda Tawfiiq, iyo qaybo ka mid ah Bulshada Rayidka ee Jubbaland.
Xeerkan oo ay diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland, ayaa ujeedkiisu yahay in latashiyo laga sameeyo bulshada iyo gaadiidleyda Jubbaland si uu uga turjumo baahiyaha dhabta ah ee bulshada.
Waxaa daah-furay kulanka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, waxaa kale oo ka hadlay Taliyaha Hoggaanka Nabadgelyada Wadooyinka Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdishakuur Sheekh Axmed, ayaa bogaadiyay hindise sharciyeedkan, isagoo xusay muhiimadda uu u leeyahay horumarinta amniga iyo nidaamka gaadiidka ee Jubbaland.
Maxamuud Ciise Xarbi, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland, ayaa gabagabadii kulanka faahfaahin ka bixiyay sharciyeyntan iyo doorka ay ku leedahay fududaynta adeegyadii gaadiidka ee Jubbaland.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo ay soo jeediyeen ka qaybgalayaasha, kuwaas oo loogu talagalay in lagu daro sharciyeynta si loo helo nidaam hufan oo wax ku ool ah.