Naadiga Akhris-Qoraalka Iqra

Naadiga Akhris-Qoraalka Iqra

Share

Ujeedkeennu Waa Horumarinta Nafteenna Iyo Tan Ummaddeenna.

11/04/2026

Bandhigga Buugga Aragtida Dawladnimada iyo Berri Galab Axada Kulmis Hall.

"Buuggani waxa uu la hadlayaa damiirka ummadaha soo maray dagaal, saboolnimo, iyo dulmi gumeysi, balse helay rabitaan iyo geesinimo ay dib iskugu dhisaan. Taariikhdu waxay ina tusaysaa in dalal badan oo sidan oo kale ah aysan kaliya ka soo kaban, balse ay gaareen horumar iyo barwaaqo. Soo-kabasho dhab ah waxay bilaabataa marka ummad iyo hoggaankeeduba si daacad ah u go'aansadaan isbeddel in ay isku hallaystaan, ku dhaqmaan maamul daah-furan oo hufan, isla markaana hoggaamiyaan karti, aqoon, iyo daacadnimo".

📍 Goobta: Kulmis Hall, Kismaayo
đź•’ Waqtiga: 3:00 galabnimo
đź“… Taariikhda: 12 April 2026
Aan ka soo qaybgalno si wadajir ah, una muujinno qiimaha aynu siinayno aqoonta iyo horumarka dalka. Fursadahaan oo kale mar walba ma yimaadaan—ka faa’iidayso!
Mahadsanidiin.

25/03/2026

Noloshu waa kadeed meel ay u socoto aan la aqoon, waa wada qarracan.
Qorrax soo baxdaba dhibaato hor leh ayay wadataa. dhibtaas iyo dhibtoodkaas qof u gagsan kara, oo weji iyo wadna dhiirran kaga tallaabsan kara ayay u marti tahay.
Ee caqabadaha iyo culeysyada nolosha halla waajaha, hana laga gudbo.

Akhris Qoraalka Iqra

23/03/2026

Dhammaan xubnaha naadiga oo isku duuban waxa ay hambalyo diirran udirayaan guddoomiyaha cusub ee naadiga Cali Deeq Ibraahim,Waxa aan Eebbe uga baryeynaa in xilkaa loo igmaday uu ku asturo, lana garab galo Insha Allah.


Photos from Naadiga Akhris Qoraalka Iqra's post 23/03/2026

KULANKA GORFEYNTA BILLAHA:Shalay oo aheyd subaxnimo axad ah, taariikhduna ku beegneyd 22/03/2026, waxa uu naadiga yeeshay kulankiisii billaha ahaa, oo ay xubnaha naadiga qeyb ka mid ah isugu yimaadeen gorfeynta buugga 'Wehelka waddaniga' oo uu qoray Ustaad Cabdixakiin Maxamed Haaddi.

Buugga oo ahaa buug taariikheed, kana hadlaye taariikhda godobtii ingiriiska iyo geylankii nasrullaahi, iyo xorriyad u helidda dhulka soomaali galbeed. Xubno kooban ayaa buugga soo koobay, kadibna mucdii iyo miidda buuggana si dheellitiran isula wadaageen xubnaha.

Guntii Kulanka ayaa xubnaha Ku doortay guddoomiyaha cusub ee hoggaamin doonno naadiga Sanadka soo socdo.



20/03/2026

Guuleystaha Tartankii Shalay Ee Tijaabi Nasiibkaaga. Waxa Ku guuleystay oo nasiibkiisa Ku faa'iday Hussein Mohamed.

Hambalyo Hussein Naadiga Akhris Qoraalka Iqra waxay Ku gudoonsiin doontaa hadiyadaada insha Allah.

19/03/2026

Ciid Wanaagsan

Dhammaan xubnaha naadiga,waxay hambalyo iyo tahniyad u dirayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed munaasabadda Ciiddul fidriga.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo dhammaan camalkii wanaagsanaa ee bisha Ramadaan.

.

19/03/2026

CIID MUBAARAK.
Munaasabada ciida awgeeda waxay Naadiga Akhris Qoraalka Iqra idinku tala gashay barnaamijka tijaabi nasiibkaaga oo qofkii Ku guuleysta heli doono hadiyad isugu jirta Buuggaag iyo agab akhris.

Shuruudaha Barnaamijka.
1. Follow dheh Bogga Naadiga Iqra.
2. Like Saarto post-ga
3. Share dheh post-ga
4. Qabso hal lambar oo udhaxeysa 15 ilaa 150.

F.G: qofkii aan buuxinin shuruudaha, markaasna qabsada lambarka saxda ah ma heli doono abaalmarinta. Shuruudaha si fiican ubuuxi dhamman Insha Allah.

Khamiis 19/03/2026
Nasiib Wacan

18/03/2026

BARNAAMIJKA TIJAABI NASIIBKAAGA đź‘€

09/03/2026

Shaacin 🎤

Tartankeennii (Bil Iyo Buug) ee bishaan, laguna tartamayay buugga " Wehelka Waddaniga" waxaa ku guuleystay Maxamed cabdalle dayuur Hambalyo, Akhris wacan.🙋‍♂️

"Ujeedkeennu waa badinta akhristayaasha iyo fudaydinta buugaagta."đź“–

Naadiga Akhris Qoraalka Iqra

08/03/2026

RAMADAAN MUBAARAK
'BIL IYO BUUG'!.
Bishan Waxaa Lagu Tartarmayaa Buugga WEHELKA WADDANIGA ee uu qoray Ustaad Cabdixakiin Maxamed Haaddi.

Buuggan Wehelka Waddaniga waa buug ay ku kaydsan yihiin dhacdooyin iyo taariikho qalin-ma-koobaan ah, balse, qoraaga buuggan uu si raandhiis leh u raacdeeyey qoriddooda, jiilalka is dabajoogga ah ee qaddiyaddan si ay u noqdaan kuwo ku hubaysan aqoon ilays u ahaata iyo taariikh hufan oo halbeeg leh.

Shuruudaha Tartanka:-
1. Bogga Naadiga Waa In aad Follow dhahdaa haddii aadan h**e ooga mid aheyn.
2. Waa in aad Like Saarto,share-na dheh.
3. Faalladaadu( Comment-gaagu ) Waa In Ay oogu Reaction ( Falcelin) Badataa.
4. Hab-qoraalkaaga waa Inuu wanaagsan yahay.
5. Waa Inaa H**e Ugu Guuleysanin Barnaamijka.

Naadiga Akhris Qoraalka Iqra
Bishii 9aad.
Axad 08/03/2026
Nasiib Wacan
F.G:Waa bisha udambeysay Barnaamijkeenna Bil iyo Buug.

10/02/2026

11 Sababood oo Muujinaya Muhiimadda Akhriska Maalinlaha ah

Akhrisku ma aha kaliya hiwaayad ama wax lagu mashquulo; waa aalad awood leh oo beddeli karta maskaxda, nolosha, iyo mustaqbalka qofka. Dadka guuleysta, hoggaamiyeyaasha, iyo ganacsatada waaweyn badankood waxay wadaagaan hal caado oo mideysa: akhris joogto ah. Qormadan waxa ay si qoto dheer u sharraxaysaa 11 sababood oo caddeynaya sababta ay lama huraan u tahay in aad wax akhrido maalin kasta.

1. Akhrisku wuxuu kordhiyaa aqoonta

Cilmibaadhisyo badan ayaa muujinaya in inta badan dadka guuleysta ee maalqabeennada ah ay akhriyaan ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta, iyagoo diiradda saaraya is-barid iyo horumar shakhsiyeed. Akhrisku wuxuu ku siinayaa aqoon ku saabsan maskax-dhis, ganacsi, hoggaan, iyo is-hagaajin. Aqoon la’aantu waa xayiraad, aqoontuna waa furaha xorriyadda.

2. Akhrisku wuxuu hagaajiyaa xasuusta

Markaad akhrido, maskaxdaadu waxay si joogto ah u shaqaynaysaa. Waxaad xasuusataa magacyo, fikrado, dhacdooyin, iyo xidhiidho macluumaad. Tani waxay abuurtaa waddooyin cusub oo maskaxeed, waxayna xoojisaa kuwa h**e u jiray. Sidaas darteed, akhrisku waa tababar toos ah oo lagu xoojinayo xasuusta.

3. Akhrisku wuxuu kiciyaa maskaxda

Maskaxda aan la adeegsan way daciiftaa. Akhrisku waa mid ka mid ah siyaabaha ugu wax-ku-oolka ah ee lagu kiciyo maskaxda, laguna yareeyo halista cudurrada sida Alzheimers iyo waallida. Akhrinta buugaagta taariikhda, fikirka, iyo horumarintu waxay maskaxda ka dhigtaa mid firfircoon oo nool.

4. Akhrisku wuxuu hagaajiyaa tayada hurdada

Akhrinta buug, gaar ahaan kahor hurdada, waxay caawisaa nasashada maskaxda. Waxay yareysaa walbahaarka, waxayna jidhka u dirtaa farriin ah in waqtigii nasashada la gaadhay. Akhrisku waa dawo dabiici ah oo hurdo leh, kana caafimaad badan isticmaalka taleefannada iyo shaashadaha kale.

5. Akhrisku wuxuu kordhiyaa xirfadaha qorista

Qofka wax badan akhriya si dabiici ah ayuu u bartaa hababka qoraalka, qaab-dhismeedka jumladaha, iyo isticmaalka erayada saxda ah. Tani waxay ka dhigtaa qoraalkaaga mid cad, miisaan leh, oo saameyn leh. Qoraal wanaagsan wuxuu dhisaa ixtiraam, kalsooni, iyo hoggaan.

6. Akhrisku wuxuu kobciyaa eray-bixinta

Eray-bixin ballaadhan waa astaan aqoon iyo faham qoto dheer. Marka aad akhrido, waxaad si joogto ah ula kulantaa erayo cusub iyo habab hadal oo kala duwan. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad si hufan u hadasho, u qorto, una saameyso dadka kale, gaar ahaan goobaha shaqada iyo hoggaaminta.

7. Akhrisku wuxuu yareeyaa walbahaarka

Daraasado ayaa muujiyay in akhrinta buug muddo gaaban ay si weyn u dhinto walbahaarka. Akhrisku wuxuu maskaxda ka leexiyaa culeyska nolosha, wuxuuna kuu oggolaanayaa inaad ku dhex milanto adduun kale oo deggan. Waa nasasho maskaxeed oo qiimo leh.

8. Akhrisku wuxuu hagaajiyaa wadahadallada

Qofka wax akhriya wuxuu leeyahay mowduucyo badan oo uu ka hadli karo: taariikh, ganacsi, nolol, hoggaan, iyo arrimaha dunida. Tani waxay ka dhigtaa qof xiiso leh, wada-hadal wanaagsanna ka caawisaa dhisidda xidhiidho iyo ballaadhinta shabakadda bulshada.

9. Akhrisku wuxuu kordhiyaa fikirka falanqaynta

Akhrisku wuxuu kugu tababaraa inaad falanqayso xogta, su’aalo iska weydiiso fikradaha, oo aad kala saarto xaqiiqda iyo mala-awaalka. Tani waa xirfad lama huraan u ah go’aan-qaadasho, hoggaan, iyo guul nololeed.

10. Akhrisku wuxuu kordhiyaa diiradda

Xilligan casriga ah, dadka badankood diiraddoodu way yaraatay sababo la xidhiidha hawlo badan oo isku mar la qabto. Akhrisku wuxuu ku barayaa dulqaad, feejignaan, iyo hal shay oo diiradda la saaro. Tani waxay si toos ah u kordhisaa waxsoosaarkaaga.

11. Akhrisku waa jimicsiga maskaxda

Maskaxdu waa sida murqaha jidhka; haddii aan la tababarin, way daciiftaa. Akhrisku wuxuu maskaxda siinayaa jimicsi joogto ah oo ka ilaaliya hoos u dhac maskaxeed, kana dhiga mid firfircoon oo wax soo saar leh ilaa da’da dambe.

Akhrisku ma aha wax dheeri ah, waa baahi. Waa aalad qofka ka dhista aqoon ahaan, anshax, hoggaan, iyo mustaqbal ifaya. Haddii aad rabto guul, horumar, iyo nolol macno leh, ka dhig akhriska caado maalinle ah. Buug kastaa waa tallaabo kuu dhoweynaysa qofka aad rabto inaad noqoto.

Guuleyso!

INC.

16/01/2026

Jumca wanaagsan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Kismayo