Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta & Isbedelka Cimilada ayaa Go'aamo ka soo saartay Deegaamaysiga Dhul Dhaaqsimeedka.
Mohamed Galaydh
Kala soco Warar Sugan- Warbixino Iyo Barnaamijyo Kala duwan
Abwaan Cali Food ayaa bulshada Waqooyi Bari ugu baaqey ilaalinta nabada
02/06/2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Waqooyi-bari, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ฑ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ข ๐๐๐ค๐ก๐ฅ๐, ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay ๐๐, ๐๐๐๐ ๐๐๐๐, si rasmi ah u magacaabay Maamulka cusub ee Degmada Dhahar.
Magacaabistan ayaa lagu saleeyey baahida loo qabo Xoojinta Maamulka degmada, dardargelinta adeegyada bulshada, adkaynta amniga, iyo kor u Qaadidda horumarinta Degmadda,
Wasiirku wuxuu maamulka cusub u rajaynayaa guul, hoggaan hufan, iyo inay si daacadnimo, hufnaan iyo masโuuliyad leh ugu adeegaan bulshada Degmada Dhahar.
Sidoo kale, waxaa la farayaa dhammaan laamaha kala duwan ee Dowladda Waqooyi-bari inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka cusub, si loo xaqiijiyo adeeg-bixin tayo leh, Amni waara, iyo horumar loo dhan yahay.
01/06/2026
Dowladda Waqooyi Bari oo la jaan qaaday Waddamada Yurub Nidaamka Cashuuraha Shaqaalaha.
Waddamada Midowga Yurub (EU) waxay leeyihiin nidaam cashuureed oo si wanaagsan loo habeeyey, kaas oo shaqaalaha looga qaado cashuur ku salaysan dakhliga ay helaan. Qof kasta oo shaqaale ah wuxuu bixiyaa qayb ka mid ah mushaharkiisa, taas oo loo adeegsado adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, amniga bulshada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Tusaale ahaan, dalal badan oo Yurub ah ayaa shaqaalaha ka qaada cashuur u dhaxaysa 15% ilaa 45%, iyadoo ku xiran heerka dakhliga qofka. Dadka dakhligoodu sareeyo waxay bixiyaan cashuur ka badan kuwa dakhligoodu hooseeyo, si loo xaqiijiyo sinnaanta bulshada iyo adeegyo tayo leh.
Dhanka kale, Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa samaysay Nidaam cashuureed casri ah oo la jaan qaadaya heerarka caalamiga ah. Hirgelinta cashuur shaqaale oo caddaalad ah waxay kordhinaysaa dakhliga dowladda, waxayna gacan ka geysanaysaa maalgelinta adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, waddooyinka, iyo amniga.
Nidaamka Cashuuraha Shaqaalaha Dowladda Waqooyi Bari waa Nidaam hufan, caddaalad leh, isla markaana shacabka loo tuso faaโiidada ay ka helayaan lacagta ay bixiyaan. Tani waxay kor u qaadaysaa kalsoonida bulshada iyo horumarka dhaqaalaha guud ahaan.
Ugu danbayn, nidaamka cashuuraha shaqaalaha ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya wuxuu tusaale wanaagsan u yahay sida dakhliga shacabka loogu beddeli karo adeegyo tayo leh. Nidaamkan Casriga ah ee ay samaysay Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya Waxaa ka faaโiidaysan kara Dowlad gobolleedyadda Soomaaliya khibraddaas si ay u dhisaan nidaam casri ah oo taageera horumar waara iyo adeeg bulsho oo tayo leh.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Waqooyi Bari ayaa si wadajira usoo saarey warbixin dakhli kordhina
Iyagoo ogaysiis u direy dhammaan macallimiinta ka mushahar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya inay waajib ku tahay bixinta Cashuurta Dakhliga Shaqsiga ah (Personal Income Tax).
Wasiir Ku-xigeenada Maaliyadda iyo waxbarashada ayaa faray dhamaan hayโadaha iyo shaqsiyaadka ay arrintani khusayso kuna adkayey inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda la xiriira hirgelinta wareegtadan, taas oo dhaqan-galaysa laga bilaabo 1da bisha lixaad 2026.
Mohamed Galaydh
01/06/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dowladda Woqooyi Bari, Mudane Salmaan Cabdiraxmaan Jaamac (Oogo), ayaa daah-furay tababar ku saabsan Isgaarsiinta Waxtarka Leh ee Goobta Shaqada (How to Communicate Effectively at Work), kaas oo loo qabtay hawlwadeennada Wasaaradda.
Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda IT-ga ee Wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-xiriirka shaqada, kobcinta wada-shaqeynta kooxaha, iyo adeegsiga qalabka casriga ah ee tiknoolajiyadda si loo horumariyo hufnaanta iyo waxqabadka shaqaalaha.
Intii uu socday tababarku, waxaa hawl wadeenada lagu baray hababka saxda ah ee wadaagista dukumentiyada, qorsheynta kulamada, maaraynta hawlaha shaqo iyo kordhinta hufnaanta wada-shaqeynta.
Agaasimaha Waaxda IT-ga ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Eng. Ibraahim Cismaan Cabdi-Nuur, ayaa bixiyey casharrada iyo hagista tababarka, isaga oo si qoto dheer u dul istaagay muhiimadda ay tiknoolajiyaddu u leedahay fududeynta shaqada iyo horumarinta adeegyada hayโadaha dowladda.
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha Shaqaalaha, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah si loo xoojiyo hufnaanta, hal-abuurka iyo tayada adeegyada dowladda.
- Dhamaad-
Guuldarrada damacii Mahad Salaad iyo doollarka Liibaan
LOOLANKA DEKEDAHA: Maxay Imaaraadka Carabtu ugu arkaan dekadaha Soomaaliya halis dhaqaale oo dhaawici karta mustaqbalka Dekadda Dubai ee Jabel Cali?
28/05/2026
Buuhoodle: Ciidamada Birmadka Xasilinta ayaa saaka gacanta ku soo dhigay dambiile dil geystay, kaas oo muddo dheer ay ciidamadu ku raad joogeen.
Taliyaha Ciidanka Birmadka, Jama Farey, ayaa ku guulaystay inuu gacanta ku soo dhigo kadib habeenno badan oo uu dabagal ku hayay.
"Waxaan hambalyo u diraayaa guud ahaan Muslimiinta gaar ahaana umadda somaliyed" Xamse gurey
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the business
Website
Address
Laascaanood
LA
