Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari

Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari

Share

This is the official page of the ministry of finance North East State of Somalia.

01/06/2026

Wasiir ku xigeenada Maaliyadda iyo Waxbarashada ayaa ogaysiis wadajira u direy dhammaan macallimiinta ka mushahar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya inay waajib ku tahay bixinta Cashuurta Dakhliga Shaqsiga ah (Personal Income Tax).

27/05/2026

CIID WANAAGSAN.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay dhamaan Muslimiinta, Umadda Somaaliyeeda iyo Shacabka Waqooyi bai ugu hambalyeynaysa Munaasibadda Ciidul Adxaa.

17/05/2026

Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Jaamac Daahir Qodax ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu waddo dardargelinta iyo kor u qaadista Dakhliga Gudaha si loo xoojiyo adeegyada bulshada, loo daboolo kharashaadka hay’adaha dowladda, loona joogteeyo xuquuqda ciidamada.

Waxaa si rasmi ah loo bilaabay qorshe cusub oo lagu kordhinayo dakhliga dowladda, iyadoo qorshahan diiradda lagu saarayo

-balaadhinta goobaha cashuuraha iyo casriyeyntooda dijitaalka
-Gaadhista degmooyinka iyo kastamyada
-Wacyigelinta bulshada iyo muhiimada bixinta cashuurta

Ugu danbayn Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan cashuur bixiyaayashu in ay bixiyaan cashuuraha ku waajibay.

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari's post 12/05/2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari, mudane Jaamac Daahir Qodax, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababar ku saabsan kor u qaadista dakhliga dowladda, kaas oo loo qabanayo hawl-wadeennada Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan shaqaalaha waaxda dakhliga.

Wasiir ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ka hadlay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay horumarinta awoodda shaqaalaha iyo dardargelinta dadaallada lagu kobcinayo dakhliga dowladda. Waxa uu xusay in Dowladda Waqooyi Bari ay muddooyinkii u dambeeyay si joogto ah u wadday qorshayaal iyo ololeyaal lagu xoojinayo nidaamka dakhliga, kor loogu qaadayo ururinta cashuuraha, isla markaana lagu ballaarinayo ilaha dakhliga dowladda.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in tababarkani qeyb muhiim ah ka yahay qorshaha Wasaaradda ee lagu tayeynayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda shaqo, una taageeraan hirgelinta qorshayaasha dowladda ee kobcinta dakhliga gudaha.

Tababarka waxaa bixinaya la-taliye Jacfar Maxamed Axmed, oo ah xeeldheere khibrad dheer u leh arrimaha dakhliga iyo maamulka maaliyadda, kana soo shaqeeyay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa la qorsheeyay in tababarku socdo muddo 9 maalmood ah, iyadoo inta uu socdo lagu baran doono hababka casriga ah ee maamulka dakhliga, dardargelinta cashuuraha, xoojinta nidaamyada dakhliga, iyo kor u qaadista isla xisaabtanka maaliyadeed.

Ugu dambeyn, maamulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta tababarrada noocan oo kale ah, si loo helo shaqaale aqoon iyo xirfad sare leh oo door muuqda ka qaata horumarinta dakhliga dowladda iyo xoojinta adeegyada bulshada.

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari's post 07/05/2026

Wasiir ku-xigeenkeena Wasaradda Maaliyadda Mudane Jaamac Daahir Qodax ayaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey.

Mar labaad waxaanu wasiir ku-xigeenka ugu ducaynaynaa in alle la garab galo xilka cusub ee loo igmaday.

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari's post 05/05/2026

HAMBALYO IYO SOO DHAWAYN: WASIIR KU-XIGEENKA IYO AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA MAALIYADDA

Wasiirka, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo guud ahaan hawlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda waxay si diiran ugu hambalyeynayaan Wasiir Ku-xigeenka Mudane Jaamac Daahir Qodax iyo Agaasimaha Guud Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, oo Madaxweynuhu u magacaabay xilalkaas.

Waxaan u rajeynaynaa in Eebbe ku garab galo gudashada xilka, isla markaana ay hoggaamiyaan hufnaan, karti, iyo horumar.

14/04/2026

📢Ololaha Kor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari (13/15)

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqadir Maxamuud Ducaale ayaa ka qayb galey Ololaha Kor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari.

Wasiirka ayaa bulshada Waqooyi Bari ugu baaqey inay ka qayb qaataan Ololahani oo ah, laf-dhabarta Dawladda isagoo ku booriyey ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshadu inay si wadajira u bixiyaan Cashuurta.

"Muwaadin si dawladdu adeegyada bulshada u bixiso, ka qayb qaado inaysan cashuurtu kugu baaqan si nidaamka dawliga ahi adeeg bixiye u noqdo"

Sido kale Wasiirka ayaa sheegay inay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Waqooyi Bari si Wayn uga qayb qaadan doonto Kor u qaadista Dakhliga Dawladda.

13/04/2026

📢Ololaha Kor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari (12/15)

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Dib udhiska Dawladda Waqooyi Bari Mudane Jaamac Faarax Muuse ayaa ka qayb galey Ololaha Qor u qaadista Dakhliga Dawladda

Wasiirka ayaa Bulshada Waqooyi Bari ugu baaqey ka qayb qaadashada Ololahani oo muhiimad wayn u leh Dakhliga, laf-dhabarna u ah koboca dhaqaalaha.

"Dawlad waxay ku dhisantaa taageerada iyo garab istaaga, shacabkeedu garab istaagan, waxa ugu muhiimsan taageeradaasna waa Cashuuraha

Waxaynu u baahan nahay kaabayaal dhaqaale inaynu dhisano, waxaynu u baahan nahay garoomo, waxaynu u baahan nahay wadooyin, waxaynu u baahan nahay schoollo iyo weliba horumar kale"

Sido kale wasiirka ayaa kula dardaarmay Shirkadaha Gaadiidleyda iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada ee la xidhiidha Wasaaradda gaadiidka inay adeegyada kala duwan ka qaatan Xafiisyada Wasaaradda.

13/04/2026

📢Ololaha Kor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari (12/15)

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad oo ku Guda jira Ololaha Kor u qaadista Dakhliga ayaa ka qayb galey Maalintii 12aad Ee Ololahani oo si habsami leh usocda.

Wasiirka ayaa Door weyn ka qaatey Geedi-socodka Kor u qaadista Dakhliga Dawladda.

12/04/2026

📢 Ololaha Kor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi (11/15)

"Waxaan bulshada reer Waqooyi Bari ugu baaqayaa inay ka qayb qaatan Kor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari, si bulshadii loogu celiyo oo loogu shaqeeyo Cashuurtoodi"

Xildhibaan Axmed Siciid Madaale

Want your business to be the top-listed Government Service in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Grand Mosque Area
Laascaanood

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00