17/02/2026
. Hambalyada Ramadaanka
Bisha Ramadaan ee Barakaysan waa Bil Cafis iyo Naxariis leh.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan curashada bisha barakaysan ee Ramadaan halkan uga dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Waqooyi Bari.
Alle ha inaga dhigo kuwii ka faa'iidaysta fadliga bishan, oo laga aqbalo Soonka, Salaadda iyo camalka suuban. Aan is cafino, isna caawino inta lagu guda jiro maalmaha iyo habeenada barakaysan.
Ramadaan Kariim.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Waqooyi Bari
Sheikh Abdinasir Hajji Maxamed Faraaid
16/02/2026
Maxkamadda Sare oo Laashay Dacwad u Dhaxaysay Wasaaradda Caddaaladda W.Bari iyo Labada Garyaqaan oo Dadwad ka Gudbiyey.
=====================
Maxkamadda Sare ee Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa 16-kii Febraayo 2026 soo saartay go’aan rasmi ah oo ku saabsan dacwad maamul oo u dhaxaysay laba Garyaqaan, Maxamed Aadan Cumar iyo Maxamed Axmed Olol, iyo Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka D.W.B.
Dacwaddan ayaa salka ku haysay arrimo la xiriira ruqsad-siinta iyo diiwaangelinta qareennada, iyadoo maxkamaddu tixraacday qodobo ka mid ah Dastuurka Dawlad-Goboleedka, gaar ahaan qodobada 65-aad, 86-aad, 87-aad iyo 126-aad.
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo uu guddoominayay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mud.Sh. Cabdinaasir X. Maxamed Cali (Faraa’id) ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aanka, kaddib marka ay qiimeeyeen cabashada, jawaabaha wasaaradda iyo dhammaan dukumentiyada la xiriira kiiska.
Maxkamadda Sare ee Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diidday dacwaddii ay soo gudbiyeen labada garyaqaan, iyadoo ku caddeysay in go’aanka lagu gaaray ku saleysan yahay qodobbada dastuurka iyo habraacyada sharci ee jira.