Muuqaalka Guud Kormeerka Deegaanadda Gambadhe Higladda iyo Tukaraq .
Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari
Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Boolisku Waa Badbaadiyaha Bulshadda waana Saaxiibka Bulshadda
Warbixinta Kormeerka Masuuliyiinta dowladda Waqooyi Bari ee Deegaanadda Gambadhe,Higladda iyo Tukaraq.
Wasiirka amniga dowlada Waqooyi bari Mudane Cabdirisaaq Jaamac warsame iyo Taliyaha Ciidanka Booliska G-Sare Siciid Xasan faarax ayaa Kormeer shaqo ku gaadhay Deegaanka Tukaraq Waxayna Kormeereen Saldhiga Booliska tukaraq.
26/03/2026
Ciidanka Booliska Waqooyi Bari Taliskiisa Qaybta Booliska ee Gobolka Sool ayaa Gacanta kusoo dhigay eedaysane C/risaaq Maxamed warsame Ina canab carab maxamed 36jiir kaasi oo Been abuur,aflagaado,kicin dadweyne iyo Sumcad dil ciidan ku kacay.
Ciidanka booliska qaybtiisa Gobolka Sool ee uu hogaaminayo Taliyaha qaybta G-dhexe
Khadar Maxamed faarax oo 24kii saac ee lasoo dhaafay ku raad joogay eedaysanahay ayaa gacanta kusoo dhigay waxaana la hor gayn doona laamaha garsoorka ee Dowladda Waqooyi bari
26/03/2026
Laascaanood, 26 March 2026
Shirka Khamiislaha ah ee Taliska Booliiska Dawladda Woqooyi Bari Soomaaliya
Taliyaha Ciidanka Booliiska Dawladda Woqooyi Bari, G/Sare Siciid Xasan Faarax, ayaa shir guddoomiyay shirka khamiislaha ah ee Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Woqooyi Bari, isaga oo ay weheliyaan Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska, Cismaan Ibraahim Ducaale (Gadhle), iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dawladda Woqooyi Bari, Mudane Jaamac Cabdisalaam Nuur.
Shirka waxaa ka qayb galay taliyeyaasha saldhigyada booliiska iyo saraakiisha laamaha amniga ee kala duwan, waxaana diiradda lagu saaray adkaynta amniga, la-dagaalanka mukhaadaraadka, xakamaynta hubka, iyo xoojinta adeegga bulshada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga ayaa uga mahadceliyey saraakiisha ka soo qayb gashay shirka shaqada adag ee ay u hayaan dawladda iyo shacabka, isaga oo ku booriyey taliyeyaasha laamaha amniga inay laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan bulshada.
G-Sare Faxdi Cabdikariin Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer ayaa kormeeray suuqyadda Kala duwan ee Buuhoodle,wuxuuna ciidanka booliska degmadda Buuhoodle kula dardaarmay inay si habsami leh ula shaqeeyaan Bulshadooda xili guud ahaan Goboladda Dowlada Waqooyi Bari looga diyaar garoobayo munaasabadda ciidul Fitriga.
19/03/2026
C I I D W A N A A G S A N
Taliyaha ciidanka Booliska Waqooyi Bari G/Sare Siciid Xasan Faarax wuxuu hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed,shacabka reer waqooyi bari iyo guud ahaan ciidanka booliska waqooyi bari . Ilaahay ha inaga aqbalo Acmaashii wanaagsanayd ee bisha barakaysan ciidkan ciidkiisana barwaaqo caafimaad iyo Nabad ha inagu gaadhsiiyo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari G/Sare Siciid Xasan Faarax ayaa Shacabka Caasimadda ku boggaadiyey Sida wadaniyadda leh ee ay mar walba booliska ula shaqeeyaan.
14/03/2026
Taliyaha Ciidanka Booliska G/Sare Siciid Xasan Faarax oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Amniga Hogaano iyo Saraakiil ka tirsan Booliska Waqooyi Bari iyo Masuuliyiinta Caasimadda ayaa kormeeray suuqyadda Magaaladda Laascaanood ee Caasimadda Dowladda Waqooyi Bari.
Suuqyadda Magaaladda Laascaanood ayaa wakhtigan ku jira mashquul aad u weyn waxaana bulshadda Caasimaddu isu diyaarinayaa Munaasabadda Ciida.
LAASCAANOOD:CIIDANKA OO AMAR MAXKAMADEEE KU BURBURIYEY MAANDOORIYE AY SOO QABTEEN.
Eedaysanayaal iyo Khamri ay wateen ayaa Ciidanka Booliska Dowlada Waqooyi Bari kusoo qabtay degmooyin ka kala tirsan Goboladda Sool iyo Sanaag,waxaana maanta maxkamadda Gobolku ku riday xukuno kala duwan.
Eedaysanayaasha lasoo qabtay waxaa Booliska Gacan ka siiyey ciidanka Daraawiishta Qaybta 12aad ee Gobolka Sanaag.
KHAMIIS:Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa shir gudoomiyey shirka Khamiislaha ee Ciidanka,waxaana shirkan lagu falanqeeyey shaqooyiinkii ciidanka u qabsoomay iyo qorshayaasha hor tabinta u leh shaqooyinka Ciidanka.
🚫 D I G N I I N 🚫
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Waqooyi Bari
Laascaanood
