04/07/2026
Xafiiska Guddoomiyaha Degmada Marka wuxuu si cad oo aan mugdi ku jirin u beeninayaa qoraal lagu faafiyey baraha bulshada oo si sharci-darro ah loogu adeegsaday magaca Guddoomiyaha Degmada Marka Caddaani Ahmed Diiqoow
Xafiisku wuxuu caddeynayaa in qoraalkaasi uusan ka soo bixin Guddoomiyaha Degmada Marka, isla markaana uusan sinaba u matalin mowqifka rasmiga ah ee Guddoomiyaha ama Xafiiskiisa.
Waa qoraal been abuur ah oo loogu talagalay marin-habaabinta bulshada.
Sidaas darteed, shacabka waxaa looga digayaa inay ka feejignaadaan bogagga iyo akoonnada been abuurka ah ee ku hadla magaca Guddoomiyaha, isla markaana ay ku kalsoonaadaan oo keliya wararka iyo qoraallada ka soo baxa ilaha rasmiga ah ee Xafiiska Guddoomiyaha Degmada Marka.
Ugu dambeyn, Xafiiska Guddoomiyaha Degmada Marka wuxuu xaqiijinayaa in cid kasta oo ku lug yeelata sameynta, maamulka ama faafinta bogag been abuur ah iyo ku takri-falka magaca Guddoomiyaha laga qaadi doono tallaabooyin waafaqsan sharciga.