26/05/2026
Guddoomiyaha Degmada Marka ahna Duqa Magaalada Mudane Caddaani Axmed Diiqoow ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciida Carafo u diraya guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Alle ha inaga yeelo kuwii ku ciida nabad, caafimaad, barwaaqo iyo iimaan sugan. Ciiddaan ciideeda kale Alle ha nagu gaarsiiyo bashbash, kheyr iyo wadajir.
๐๐ถ๐ถ๐ฑ ๐ ๐๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ธ
23/05/2026
Baaqa Duqa Magaalada Marka, Caddaani Axmed Diiqoow.
Marka waa magaalo taariikhi ah, xarunta ganacsiga Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana leh muhiimad gaar ah oo ku aaddan isku socodka bulshada, ganacsiga iyo horumarka gobolka.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka degmada inay ilaaliyaan nabadda, wadajirka iyo xasilloonida magaalada. Tabasho kasta ama aragti kasta waxaa lagu gaari karaa xal ku dhisan wada hadal, is-afgarad iyo wadatashi, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo qalalaase.
Waxaan shacabka u xaqiijinayaa in aysan jirin wax hakad ah oo ku yimid adeegyada dowladda, ganacsiga, isku socodka bulshada iyo howlaha maalinlaha ah ee magaalada.
Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa ciidamada amniga iyo hay'adaha dowladda ee xaqiijiyay amniga xarumaha dowladda iyo xasilloonida guud ee magaalada.
DHAMMAAD:
20/05/2026
Kulanka Guddoomiyaha Degmada Marka ahna Duqa Magaalada, Caddaani Ahmed Diiqoow uu la yeeshay maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka Guud ee Gobolka oo looga hadlay dardar-gelinta adeegyada caafimaadka bulshada.
Sidoo kale waxaa si diirran loogu soo dhoweeyay Dr Cabdi Faqi oo dib ugu soo laabtay shaqadiisa Isbitaalka, si uu qeyb uga noqdo horumarinta adeegyada qalliinnada iyo daryeelka caafimaadka bulshada.