Bederlivestock

Bederlivestock

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Bederlivestock, km5, Mogadish.

Maxaad katqaan Shirkadda Hilibka iyo Caanaha geela ee Beder 27/01/2019

Shirkadda hilibka & caanaha Geela ee Beder waxa ay soosaartaa 1668 Litar oo ah caano geel oo saafi ah, caanahaas waxa ay shirkaddu kasoosaartaa 5 xarumood oo lagu xannaaneeyo Geela.

Maxaad katqaan Shirkadda Hilibka iyo Caanaha geela ee Beder Daaqa Geela Beder waxa ay gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha hoose ku leedahay deegaan daaqsin ah oo geela loo bulsheeyo, waxaana deegaankaas Geela loogu di...

14/01/2019

Dhammaan macaamiisha kaladuwan ee Bederhotels kusoo Dhowaada adeeg hagaagsan iyo Jawi deggan

24/12/2018

Ku soo dhowow Shirkadda Hilibka & Caanaha Geela ee Beder
Cad & Caano Saafi ah

24/12/2018

Somali Sudanese Hospital

Photos from Bederlivestock's post 31/10/2018

Ku soo dhowaada Shirkadda hilibka iyo caanaha Geela ee Beder

21/10/2018

Shirkadda Horumarinta Hilibka iyo Caanaha Geela ee Beder waxa ay muddo 12 sano ah ku howllan tahay ka faa'iideysiga xoolaha iyo hagaajinta Cadka iyo caanaha Xoolaha.

19/10/2018

.so

Photos from Bederlivestock's post 13/10/2018

Ku soo dhowaada shirkadda Hilibka & Caanaha Geela ee Beder.

06/10/2018
29/09/2018

Bederlivestock waxa ay soosaartaa 8 fuusto oo caano Geel ah maalinkii!

Photos from Bederlivestock's post 25/09/2018

waxa ay soosaartaa 8 fuusto oo caano Geel ah maalinkii!

Shirkadda hilibka & Caanaha Geela ee Beder waa shirkad si gaar ah loo leeyahay, Waxaa aasaasay ganacsade Jaamac Cumar Cabdulle.
Shirkadda Beder waa shirkaddii ugu horeysay ee hirgelisay hab casri ah oo loo xannaaneyo loogana faa’iideysto xoolaha nool, kaas oo kaduwan hab-dhaqameedkii xoolaha loo dhaqan jiray.

Beder waxa ay hirgelisay dhismaha Beero lagu dhaqo xoolaha oo lagu daboolo dhammaan baahida xoolaha ee calafka iyo caafimaadkaba iyada oo cad iyo caano fiican laga soosaarayo.

Xeradii ugu horreysay ee xannaaneynta xoolaha waxa ay shirkaddu ka hirgelisay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya February-2006, xilligaas waxa lagu billaabay tijaabada in magaalooyinka lagu dhaqi karo xoolaha 4 neef oo Geel ah, kuwaas oo ay shirkaddu ku xareysay beer xannaada xoolaha ah oo ay u diyaarisay in lagu sameeyo tijaabo ku saabsan in Geelu la qabsan karo habka xannaanada xoolaha ee lagu sameeyo Magaalooyinka.

Tijaabadaasi waxa ay muujisay natiijo fiican, geelii laga billaabay 4taas neef waxa uu gaaray 1,230 neef oo isugu jira Lab iyo Dheddig, waxa uu noqday geelaasi mid ka caafimaad iyo muuqaal wanaagsna geelasha kale.
Waxsoosaarka Shirkadda hilibka & Caanaha Geela ee Beder ee dheefta xoolaha ayaa noqday mid aad loo xiiseeyey loona qaatay iyada oo dadkii iibsaday ay muujiyeen in ay aad uga heleen habkan xannaanada Geela, waxaana kor u kacay iibka shirkadda maalinba maalinka xiga.

Shirkadda Hilibka iyo caanaha geela ee Beder waxa ay 5 xarumood oo Geela lagu xannaaneeyo ka hirgelisay Muqdisho, Guriceel iyo Hargeysa, sidaas oo kalana waxa ay gobolada Bay, Bakool iyo Sh.hoose ka sameysay xarumo geela lagu bulsheeyo.

Geela kujira 5ta xarumood ee ku kala taal Muqdisho, Guriceel iyo Hargeysa waxa ay shirkaddu kasoosaartaa maalinkii 1, 668 Liter oo ah caano geel oo saafi ah kuwaas oo lagu cabo Hoteelada, Maqaayadaha iyo xaafadaha magaalooyinkaas

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadish?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Culinary Team

Attire

Telephone

Address


Km5
Mogadish