12/05/2022
"Isbeddel-doonka socda ee aan hoggaaminayo waxaa uu ka soo horjeedaa nidaamka isbeddel-doonka fadhiidka ah ee curyaamiyey dalkeenna, kaas oo hadiifkiisu yahay “Qof lagu beddelo qof kale”." Madaxweyne Farmaajo
Entertainment
12/05/2022
"Isbeddel-doonka socda ee aan hoggaaminayo waxaa uu ka soo horjeedaa nidaamka isbeddel-doonka fadhiidka ah ee curyaamiyey dalkeenna, kaas oo hadiifkiisu yahay “Qof lagu beddelo qof kale”." Madaxweyne Farmaajo
11/05/2022
BUUGGA ISBEDDEL DOONKA SOCDA PDF: 👇
https://markalefarmaajo.org/wp-content/uploads/2022/05/isbeddelka-Socda-Final-RGB.pdf?fbclid=IwAR2ZSDHxENalMCbWRefCnNSGOk53_3HrVbSnEwFqw9UCglQDgwb_Ou6YJCs
Quluubta shacabka
Halyay qaran Farmaajo
Halyeyga dadkiisa, dalkiisa daacadda ugu adeega waa midka dulqaata, dhabarka u rita murugada, dhexda u xirta himillada, sacabada u dhigta weynaha.
Dhallinyarada Soomaaliya waa ogsoon yihiin Hoggaanka u roon.
Markale Xabiibu Malaayiin Markale
09/05/2022
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa galabta qaatay shahaadada murashaxnimo ee xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo Guddiga Isku-dhafka ee Baarlamaanka JFS u gudbiyey barnaamijkiisa siyaasadeed ee ku wajahan sii ambaqaadidda isbeddelka socda ee dalka iyo qorsheyaashii horumarineed ee miro-dhalay.
Madaxweynaha oo xalay ku dhawaaqay inuu u taagan yahay mar labaad hoggaaminta dalka, ayaa tilmaamay sida ay uga go'an tahay sii ambaqaadidda isbeddelka socda dalka ee miro-dhalay iyo taabbo-gelinta qorsheyaashii horumarineed ee dalka ka hirgalay tan iyo 2017-kii.
Ololaha Dib-u-doorashada Madaxweynaha JFS
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Kala Soco:
Twitter:
Facebook:
Website: MarkaleFarmaajo.Com
Telegram:
Instegram: iyo Mohamed_farmaajo
Tiktok:
kala Xiriir:
Email: [email protected],
[email protected],
Tel: +252 61 1033339
MD Farmaajo:"Mar kale i doorta si aan u sii wado isbeddelkii aan bilaabay 8-dii Febraayo.
Geeddiga ujeedkiisa iyo yoolkiisu waa dadka iyo dalka oo horumara, qabyaalada iyo musuqa oo laga koro.
06/05/2022
ISBEDDEL DOONKA SOCDA ee uu Hoggaaminayo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu dalka u horseedayaa adkaynta hay’adaha Dawladda, xoojinta amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, taabbogelinta siyaasadaha arrimaha dibadda iyo gudaha, iyo horumarinta arrimaha bulshada iyo adeegyada dadweynaha. 4-ta sano ee soo socota ISBEDDEL DOONKA SOCDA wuxuu dalka gaarsiinayaa horumar ballaaran oo dalka oo dhan ka hirgala.
Haddii Isbaddalku noqdo qof in lagu baddalo qof iyadoo aan tixgelin la siinin waxqabadka uu la iman karo, waxaa ka dhalanaysa inay habacsanaan ku timaaddo dadaalkii joogtada ahaa ee la galiyay 5tii sano ee lasoo dhaafay dhismaha qaran Soomaaliyeed oo cagabiisa isku taaga.
Abdirashiid. M. Hashi .
Afhayeenka Madaxtooyada JFS