Mohamed A. Cujub

Mohamed A. Cujub

Share

ASC kusoo dhawaaw page-ka Rasmiga ah ee Agaasimaha Horumarinta Adeegyada
Waxbarashada Gobalka Banaadir.

Photos from Mohamed A. Cujub's post 08/07/2023

Waxaan dareenka xanuunka leh la qaybsanayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku hantida beelay dabkii xalay ka kacay suuqa weyn ee Taiwaanka ee magaalada Jigjiga.

Waxa muhiim ah in hoos loo eego, xalalka looga gaashaaman karana la iska wareysto. dababka ka kaco suuqyada Waaweyn ee dhulka Soomaalida kaas oo aan ognahay in sannadkii h**e uu Magaaloyinka Muqdishu iyo Hargeisa suuqyadooda waxyeelo xoogan gaarsiiyay.

Waa in sare loo qaado howlwadeenada dab-damiska, rugaha iyo gaadiidka, suuqyadana loo helo marino ku haboon oo looga gurman karo, lana qabo feejignaan dheeri ah goor kasta.

Waxaan ugu docaynayaa shacabka ku hanti beelay dabka in Allah SWT uu siiyo beddel khayr qaba, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan inay u gurmadaan oo garab istaagaan walaalahood sidii caadada u ahayd dadkeenna oo ay diinteenna na fartay.

.

06/07/2023

Waa arrin ammaan iyo bogaadin mudan howsha la dagaallanka Musuq-maasuqa ee aay gacanta ku hayaan hay'addaha Xeer-ilaalinta iyo Cadaaladda Dalka.

Xatooyada Xoolaha Dadweynaha waa wax Diinteenu reebtay, dhaqankena iyo hay'addaha Dowladdana ku ah jid gooyo iyo wax laga yaqiiqsado iyadoo gaartay heer la iskugu faano heerka xatooyo iyo tuugnimo ee ina adeerka ama Mas'uulka ku matalaahi gaarsiisanyahay, sido kalane Xafiisyada lacagta oo kaliya lagu tartamo ka shaqeyntooda.

Waa in aaynu ku garab istaagnaa Dowladda dadaaladeeda ku aadan arintan, sido kalane xasuusnaana in awoodda Hay'adaheenu hooseyso, sharciyadeenu duug yihiin, qibrada howlwadeenadenu hooseyso sido kalane hanaanka hufnaanta Maaliyadda Dalku liidato uuna imaan karo humaag iyo tuhumo arrimahaan ka dhalan karo.

Dal ka hufan Musuq.
Howlwadeen Ammano leh.

.

30/06/2023

Hambalyo Shacabka Soomaliyeed Munaasabada 1-da Luulyo oo ku asteysan Gobanimadii Gobalada Koofureed ee Dalka iyo Israacii Gobalada Woqooyi iyo Koofureed ee ku middoobay Jamhuuriyadii Soomaaliya ee Gobanimada heshay caawa oo kale 63-sanno kahor.

Waxa aaynu caawa xuseynaa iyadoo midnamaddi dhantaalantahay walina kala qeybsanan, gaajo iyo colaado dhaxdeena ah daris lanahay.

63-kaas sanno qeyb kamid ah waxa aan kujirnaa colaado sokeeye iyo burbur hay'adaheeni Dowladnimo iyadoo wali aaysan muuqan baraarug bulsho iyo Madax leh damiir togan oo Dalka dan u ah.

.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Waberi
Mogadishu
252