Garbaweyn Post

Garbaweyn Post

Share

��Thank you for joining us.�� We will always provide you with programs that interest you and

warar warbixino Barnaamijyo idin xiisa galiya kala soco halkaan ahaaw marwaliba mid ku xiran muuqaaladeena iyo Tabinadeena guud ahaaan

22/01/2026

GARBAWEYN POST

24/04/2025

Taliye Axmed ayaa kamid ah dhalinyaro aqoonta ciidan ee saraysa leh wuxuuna deegaan ahaan kasoo Jeedaa Bariga gobolka Galgaduud wuxuna ku sugnaa Furimaha h**e tan iyo Bilawgii dagaalka Dalka AS looga xoreynayo.

11/03/2025

Barakacayaal BEESHA DUDUBLE ah oo xaalado durufeed ku wajahaya kaamam ku yaalla duleedka muqdisho, waxa ayna bulshada ka codsanayaan in la garab istaago.

11/11/2024

Dhaxal sugaha Suldaanka Guud ee Beesha Maxamuud Hiraab ee Duduble Suldaan Mohamed Suldaan Cabdiqawi Qaasim Shirwac ayaa dalka Ingariiska kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C.sheekh (BEENE BEENE).

Kulanka dhaxal sugaha suldaanka iyo wasiir Beene Beene ayaa daarnaa iska xog wareysi ku aaddan xaalka dalka iyo doorka dhalinyarada kaga aaddan ka qeybgalka dib udhiska dalka iyo dowladnimada.

Garbaweyn Post

03/11/2023

Mirada geediga Midnima AWRADEEN taageero buu mudanyahay .

Sii faafi

03/11/2023

“Ciidanka waan la tegay Ceel-lahelay, hub iyo xoolo waan la garab taagnaa, halkaas waxaa nooga dhimatay 100 nin oo Duduble ah, 50 Shabaab ah iyo 50 raggeena dowladda ah,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban.

03/11/2023

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Senatar Farxaan Cali Maxamud “waxaan diyaar u nahay ka beel ahaan in aan Khawaarijta ka xoreysano deeganadeena .”

03/11/2023

BEESHA AWRADEEN EE DUDUBLE ayaa maanta Muqdisho ku yeelatau Kulan ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo wadajirka Beesha waxaana kulanka kasoo qeybgalay Senetarka beesha awradeen ku matala aqalka sare ahna wasiirka Maaliyadda Dowlad goboleedka Galmudug mudanw Farxaan Cali Maxamuud xildhibaan H**e Mudane Maxamed Cabdulle Faarax Geesey Generalo Odayasha Dhaqanka Aqoonyahano Haween iyo Dhalinyaro.

Kulanka waxa uu xoojin u ahaa Shir dhawaan beeshu ku yeelatay dhuusamareeb Oo ah Xarunta maamulka Galmudug waxaana la isla qaato in la taageero Wasiirka Ahan Senetarka Iyadoo laga duulayo in horumar iyo isbadal dhab ah oo loo dhanyahay hanaanka siyaasadeed ee beesha Loo jideeyo.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale taageero loogu muujiyay Garab goaanka Madaxweynaha dalka Dr Hassan Sheikh Mohamud ee ahaa in meel looga soo wada jeesto AS isla markaana beeshu waxa ay garwaaqsatay in ay soo bandhigto awoodda Cudud iyo Ciidan ee ay kaga Qeyb galayso dagaalka xoreynta dalka kaas oo muhiim ugu ah beesha in deegaanadeeda laga dul qaado Alshabaab si loo gaarsiiyo Harka dowladnimada oo ay bulshadaasi ka Caaganaayeen.

Awradeen waxa uu isla qaatay in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo caqabad ku ah horumarka midnimada iyo wadajirka beesha taas oo muujinaysa in ay meesha ka baxeen wixii khilaaf siyaasadeed ka dhex jiray beesha.

03/11/2023

Shiweynaha Xoojinta Midnimada iyo wadajirka beesha Awradeen ee Duduble ayaa ka socda Muqdisho waxaana sidoo kale shirkan taageero loogu muujiyay Senator ka beesha ku matala Aqalka sare ee dowladda Somalila ahna Wasiirka Maaliyadda Dowlad goboleedka Galmudug Farxaan Cali Maxamuud.

03/11/2023

Shirweynaha BEESHA AWRADEEN ee Muqdisho waxaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobo Miro dhal ah isla markaana muujinaya in AWRADEEN isku aragti iyo dhaba galinta horumaro iyo heshiisyo bulshada wax utar leh in ay kasoo baxaan

03/11/2023

Garbaweyn Post kala soco shirka BEESHA AWRADEEN Muqdisho maanta ay ku yeelanayaan

02/11/2023

MADAXWEYNE CALI GUUDLAAWE XUSEEN OO MAGACAABAY LATALIYAHA SARE ARRIMAHA BADDA IYO DHAQAALAHA BULUUGA EE DOWLADDA HIRSHABEELLE.

Jowhar: 02, Nofeembar, 2023: Madaxweynaha Dowadda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay Qodobada 51aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Markuu arkay: Muhiimada ay leedahay Istiraatiijiyada kobaca dhaqaalaha ee Dowladda.

Markuu arkay: In hab nololeedka bulshada iyo horumarka dhaqaalahooda uu qeyb ahaan ku tiirsan yahay Kheyraadka Badda iyo Dhaqaalaha Buluuga ah.

Markuu tixgaliyay: Taariikh nololeedka, Aqoonta iyo Khibradda Ing. Cabdi Jiinow Calasow.

Madaxweynahu waxa uu Mudane Ing. Cabdi Jiinow Calasow u magacaabay xilka Lataliye Sare Arrimaha Kheyraadka Badda iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dowladda Hirshabeelle.

-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu