25/10/2025
Hon.Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji
MP, Former Minister of Education, Culture & Higher Education of Somalia.
Goobtan waxay gaar u tahay Wasiirkii hore ee Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee Soomaaliya, Xildhibaan Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji.
25/10/2025
23/10/2025
Allaha u naxariisto Adeer Cabdullahi Daahir Bare -Xeer Ilaaliyihii h**e ee Qaranka -oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdishu
Waxaan alle oga baryayaa inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo kitaabkiisa midigta ka siiyo qaraabada ,asxaabta iyo anagoo dhana sabar iyo iimaan naga siiyo.
انالله وانا اليه راجعون
اللهم اغفرله وارحمه وعافه واعفو عنه وأكرم نزله
ووسع نزله ونفيه منّ الخطايا والدنوب بالماء والثلج وارزق أهله بالصبر والسلوان
10/10/2025
Isku day Parallel process oo Jubaland ah waxa ka dhalanaya Parallel Process DFS ,taas oo sababi karta burburka Jamhuriyada 3aad ,waxaana mas,uuliyadeeda qaadaya cid walba oo ka shaqeysa
06/10/2025
Tacsi
Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo magaca reer Xaaji C/laahi Fiiqow waxaan tacsi u dirayaa reer Shiil, geeridii ku timid allaha u naxariistee Marxuum Maxamud Maxamed Shiil oo ku geeriyooday magaalada Muqdishu
Waxaan alle uga baryayaa inuu janadii firdowsa ka waraabiyo ehelkiisa qaraabadiisa iyo asxaabtiisaba sabar iyo iimaan ka siiyo
انالله وانا اليه راجعون
اللهم اغفرله وارحمه وعافه واعفو عنه وأكرم نزله ووسع مدخله
رجع بخفي حنين
Waxaan cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ay ku qaaday xarunta NISA ee gobolka Banaadir (Jilicoow) waxaan weerarkaa u arkaa mid lagu carqaladeynayo nabadgalyada shacabka degan Magaalada Muqdisho.
Waxaan ka tacsiyeynayaa dadka ku geeriyooday inta dhaawaca ahna allaha caafiyo
Ugu dambayn waxaan boggaadinayaa geesiyaasha ciidamada kala duwan ee dalka waxaana u baaqayaa shacabka in ay garab istaagaan ciidanka si loo ciribtiro argagixisada.
02/10/2025
Waxaa si deg deg ah loo dhisi doonaa Golaha Mustaqbal Soomaliyeed oo ay ku midoobayaan Golaha Samatabixinta, Jubaland iyo Puntland ,shir deg deg ahna waa la isugu iman doonaa si looga arrinsado go,aana looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda dalka
Doorasho Qof iyo Cod , Dhameystir Dastuur iyo Todaba bilood ee mudo xileedka ka harsan=Mudo Kororsi
Hortaa jiraa waayay
Waxaan maanta ka qeybgalay Salaada jinaasada Allaha u naxariistee Liibaan Xaashi Ciise oo shalay ciidammada dowladdu ku dileen weerarkii ay nagu soo qaadeen xilli Madaxda Madasha ay booqanayeen dad ku xirnaa saldhigga degmada Wardhiigley.
Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii wasaan si gaar ah ugu tacsiyeyneynaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu la shaqeynayay.
22/09/2025
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka baxday xayndaabka waajibaadkii dastuuriga ahaa iyo u hogaansanaantii xeerarka xuquuqul insaanka ee sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, isla markaana waxay ay ku tumatay qiyamka diinta islaamka ee ilaalinta xuquuqda Aadanaha
20/09/2025
Waxaa nasiibdaro ah in furitaanka Baarlamaanka ee qorsheysnaa 22/8 in weli ay hortaagan tahay Villa Soomaaliya, gudoonkana ku shaqeynayo rabitaanka Villada, oo go,aankii ay gaareen labada gudoomiye in la furo 20/9 ay fulin waayeen
Golaha Samatabixinta Barlamaanka waxay bulshada la wadaagayaan in barlamaanka u xiran yahay Vila Soomaliya
Waxaa la sheegay in 29/9 la furayo.
كل آت قريب
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Villa Hargiesa
Mogadishu
252
