01/07/2023
Madaxa waxbarshada ahna Ustaad Hon Haaji Waameey oo kahmbalyeeyay munaasabadda Sanadguurada 63aad ee 1da Luulyo
Hambalyo Hambalyo Hambalyo .
Waxaa halkan Hambalyo farxadeed uga diraa dhamaan Umada Soomaaliyeed Munaasabada Xuska Awgeeda, waxaan leeyahay sanad guuro wacan.
26/06/2023
Guud ahaan Bahda Dugsiga kalmas oo idin leh hambalyo maalinka Xuriyadda 26ka june.
23/06/2023
Ustaad waamey Guud ahaan Bahda Dugsiga ee kalmas waxay kuleeyihiin Hambalyo iyo Horay usii ambaqaadis wacan Guushaada ayaa Noo Gobannimo iyo gabbaad ah ee Guuleyso Widaaygeen Ustaad waameey .
29/05/2023
Xafladda Xeritaanka dugsiga Zoom primary and secondary school iyo Maamulka ekedemiyadda Kalmas Ee Ustaad Shujaac Bulshaawi
20/04/2023
Guddoomiyaha ahna milkiilaha guud ee machadka sare ee kalmas oo ka hambalyeeyay
Munaasabadda ciidul Fitriga
Bismillaahi raxmaani raxiim
Waxaan guud ahaan muslimiinta ku nool daafaha caalamka ah, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda ciidul-Fidriga. Waxaanna Allah ka baryeynaa inuu naga wada aqbalo camalkii samaa iyo cibaadadii aan soo gudanay bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Bulsho weynta Soomaaliyeed waxaan kula dar-daarmayaa in munaasabadda Ciidda awgeed ay ka qeyb qaataan farxad-gelinta iyo kaalmeynta danyarta Soomaaliyeed ee duruufaha nolosha ay ku heystaan daafaha dalka, ayna fuliyaan dardaarankii Nabiga NNKH.
Sidoo kale waxaan qof walba ku boorinayaa inuu fidiyo farxadda ciidda, uuna salaan iyo bariido farxadeed gaarsiiyo qoyska, dariska, saaxiibadda dhow iyo qaraabadda.
Ciid Mubaarak, kulu caam wa antum bilkheyr. Waxaana Eebe weyne ka rajeynayaa in dhammaanteen uu ciiddan ciiddeeda kale nagu gaarsiiyo horumar iyo barwaaaqo.
Ciid wanaagsan
Hambalyo hambalyo hambalyo
22/03/2023
Guddoomiyaha Dugsiga KEDA ahna maamulka sare ee dugsiga Ustaad Shujaac Bulshaawi oo kahamblyeeyay munaasabadda Bilashada bisha ramadaan oo caawa inok bilatay
Bismillaahi Raxmaani raxiim
Waxaan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeynayaa dhalashada bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Bishan caawa inoo bilaabatay ee Ramadaan waa bishii Qur’aanka, waana bishii cibaadada,waa Bishii Sadaqaadka ,Waa bishii Naxariista ,iyo waliba Bishii Dambi dhaafka .
Sidaa darteed Bisha Ramadaan waxay kusoo beegantay xilli ay dadkeennu danta yar ku jiraan duruufo kala duwan ayna ugu weyny tahay Barakacayaasha Kuwaasoo kasoo hayaamay Goobaha Abaaruhu habsadeen .
Waxaan Bulshada ku boorinayaa anigoo kuhadlaya magaca dhallinta Da'da yar inay isu naxariistaan isna caawiyaan midba midkale .
Sigaar ah Ganacsatada iyo dadka kale ee hantida heysta waxaan si naxariis leh aaga codsanayaa in dadka saboolka ah u fidiyaan Gurmad iyo garab istaag .
Gunaanudkii
Waxaan Eebe ka rajeynayaa in bishan uu noogu dhammeeyo cibaado iyo camal Suuban naguna darro Kuwii Haleelay Fadliga Kafaa'ideysiga mudan oo ay Xambaarsantahay Bishani Barakeysan ee Ramadaan .
Wabillaahi Towfiiq
iyo Tacliin
iyo Tallaabsi
12/03/2023
Maamul Heegan ahoo
"Miisaankiisu sarreeyo
"Mowlo uu nasiiyay
"Muuqiisa Udgoon
"Mowcidkiisu yahay
"Miirashada miraha Aqoontoo
"Macalin shujaac Inuu yahay
"Marag baynu kanahay
with open hand's
lagu Tanaadaa
+252 61 7388217
10/03/2023
Isdiwaangelinta way socotaa
course
Lecture :Dr Abshir Abdullahi shuute
24/02/2023
BISHA RAMADAN ALLAH CAAFIMAAD SAN NAGU GAARSIIYO "AAMIIN AAMIIN
05/01/2023
Maamulka sare Ee Ekeedemiyadda Kalmas ahna Ustaad استاذ شجاع فنح (Ustaad Shujaac Fanax) oo Kaqeyb Munaasabadda Todobaadka dhaqanka Ee Jaamacdda SomaVilla university Kaasoo si heersara ah Loo Qabtay .