Ministry of Transport And Civil Aviation Somalia

Ministry of Transport And Civil Aviation Somalia

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ministry of Transport And Civil Aviation Somalia, Government Organization, shangaani, Mogadishu.

This is the Official Page of the Ministry of Transport & Civil Aviation of the Federal Republic of Somalia,
Kani waa Page ka rasmiga ah ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jamahuuriyada Federalka Soomaliya;

26/05/2026

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo Hambalyada Ciidul Adxa u Diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Ummadda Islaamka

Muqdisho- 26-5-2026 :Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax (Nuux )ayaa hambalyo kal iyo laab ah u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxa darteed.

Wasiirka Nuux ayaa u rajaynaya dadka Soomaaliyeed in ay munaasabaddan ku ciidaan nabad, fayoobi, iyo barwaaqo. Waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la is caawiyo, la isna cafiyo maalmahan barakaysan.

Sido kale Wasiirka ayaa u rajeeyey Muslimiinta Hanuunin iyo in la weyneeyo qiyamka naxariista iyo midnimada iyo In Alle ka aqblo ducada iyo acmaasha suubban sanadkan kiisa kale lagu gaaro nabad iyo isbeddel wanaagsan

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay xaqiijinaysaa inay sii ambaqaadi doonto dedaalada kor loogu qaadayo adeegyada gaadiidka dalka, si loo fududeeyo isu-socodka bulshada xilliyada ciidaha iyo ciidaha ka dib.

– DHAMAAD –

Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
𝐌𝐨𝐑𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐒 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 π…πšπ«πšππ‘πžπžπ«πž Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
[email protected]
[email protected]
[email protected]
https://www.facebook
twitter.com/MotcaSomali
tiktok.com/
instagram.com/motcaSomalia
threads.net/
youtube.com/

Photos from Ministry of Transport And Civil Aviation Somalia's post 18/05/2026

Muqdisho, Maajo 18, 2026: Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka Mudane Cumar Afrax ayaa maanta soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo maanta kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Kormeerkan oo uu hoggaaminayey Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta warbixinta waxqabadka rubuca koowaad ee sannadka (Janaayo–Maarso), iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay heerka fulinta waajibaadka Wasaaradda, guulihii la gaaray, caqabadihii jiray iyo xalalka lagu wajahayo.

Intii uu socday kulanka, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa soo bandhigtay doorka muhiimka ah ee ay kaga jirto horumarinta isku socodka dalka, maamulka iyo tayeynta adeegyada duulista hawada, horumarinta gaadiidka, iyo xoojinta isku xirnaanta dhaqaalaha iyo bulshada. Sidoo kale waxaa lagu falanqeeyay guulaha la xiriira horumarinta adeegyada duulista, dardargelinta qorshayaasha dib-u-habaynta hay’adda, iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta hay’adaha kale ee dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Dhanka kale, waxaa si wadajir ah looga hadlay caqabadaha jira, oo ay kamid yihiin baahiyaha dhinaca tayeynta kaabeyaasha, xaddidaadaha farsamo iyo dhaqaale, iyo baahida loo qabo xoojinta awoodda shaqaalaha iyo nidaamyada maamulka. Kulanku wuxuu sidoo kale xoogga saaray dejinta xalal wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo fulinta qorshayaasha Wasaaradda, iyadoo dib-u-habayn lagu sameynayo qorshaha rubuca labaad (Abriil–Juun) iyo mudnaanta istiraatiijiga ah ee hawlaha soo socda.

DHAMAAD ---

Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
𝐌𝐨𝐑𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐒 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 π…πšπ«πšππ‘πžπžπ«πž Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
[email protected]
[email protected]
[email protected]
https://www.facebook
twitter.com/MotcaSomali
tiktok.com/
instagram.com/motcaSomalia
threads.net/
youtube.com/

17/05/2026

Muqdisho, Maajo 17, 2026: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Farah Nuh, oo uu weheliyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda, Mudane Abdikarim Abdow Haydar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qaybaha kala duwan ee Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Abdulle.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u-kuurgalida hawlaha shaqo iyo isbeddellada cusub ee la xiriira barnaamijka ballaaran ee horumarinta iyo qurxinta garoonka. Mas'uuliyiinta ayaa mid mid u kormeeray qaybaha ay maraan rakaabka, adeegyada amniga, iyo bilicda guud ee garoonka, iyagoo warbixinno ka dhageystay maamulka iyo injineerada gacanta ku haya fulinta isbeddelladan cusub.

Wasiir Mohamed Farah Nuh ayaa caddeeyey in xukuumaddu ay ka go'an tahay casriyeynta dalka, iyadoo garoonku yahay muraayadda koowaad ee laga arko horumarka caasimadda. Kormeerka ka dib, madaxdu waxay ku baaqeen in la dardargeliyo shaqada si adeeg hufan oo caalami ah loogu qabto muwaadiniinta iyo martida dalka timaada.

DHAMAAD ---

Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
𝐌𝐨𝐑𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐒 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 π…πšπ«πšππ‘πžπžπ«πž Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
[email protected]
[email protected]
[email protected]
https://www.facebook
twitter.com/MotcaSomali
tiktok.com/
instagram.com/motcaSomalia
threads.net/
youtube.com/

12/05/2026

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS Xil Maxamed Faarax Nuux, ayaa raalligelin ka bixiyey adeeg xumada Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna shirkadda Favori u qabtay 7 maalmood inay ku xalliso fashilka maamul ee ay qiratay. Haddii ay waxba isbeddeli waayaan, dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa tallaabooyin sharci ah oo degdeg ah, iyadoo shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa nadaafaddana lagu amray inay dhowraan xuquuqda socotada iyo bilicda garoonka.

Photos from Ministry of Transport And Civil Aviation Somalia's post 12/05/2026

Wasaaradda Gaadiidka oo War-saxaafadeed ka soo saartay Caqabadaha ka Jira Garoonka diyaaradaha Aden Cabdule Airport

Muqdisho, Soomaaliya 12-ka May, 2026 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xilidhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta si rasmi ah raalligelin ugu bixiyey shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo ka jawaabaya ciladaha joogtada ee ku yimid adeegyadii garoonka.

Wasiirka ayaa u sheegay in shirkadda Favori ay ku Guul daraysatay dhamaystir ka mas'uuliyaddii maamul ee garoonka, taasna ay tahay arin Soo noq noqtay oo aan waafaq sanayn heshiiskii caalamiga ahaa ee ay la gashay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobbada muhiimka ah ee uu Wasiirku taabtay:

Xuquuqda Socotada: Wasiirka ayaa uga digay shirkadaha diyaaradaha inay ku tacaddiyaan muwaadiniinta ay u adeegayaan. Waxa uu ballan-qaaday in lala xisaabtami doono shirkad kasta oo ku xad-gudubta xuquuqda iyo adeegga ay u baahan yihiin musaafuriinta.

Wasiirka: Waxa uu amar ku bixiyey in dhammaan shirkadaha ka shaqeeya gudaha Airport-ka, gaar ahaan kuwa nadaafadda, inay ilaaliyaan bilicda iyo sharafta Muraayada Dalka, iyadoo aan loo dulqaadan doonin dayacaad kasta oo saameynaysa sumcadda Garoonka .

Muddada: Wasiirka ayaa xusay in kulamo dhacay 5-tii ilaa 6-dii bishan May ay shirkadda Favori ku qiratay fashilka jira, loona qabtay muddo ay wax kaga qabato. Waxaa hadda ka dhiman 7 maalmood oo kaliya.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa caddeeyey haddii aanay waxba isbeddelin muddadaas yar ee u hartay, inay Dawladda Soomaaliya qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo degdeg ah si loo badbaadiyo adeegga Garoonka Aadan Cadde.

DHAMAAD ---

Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
𝐌𝐨𝐑𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐒 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 π…πšπ«πšππ‘πžπžπ«πž Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
[email protected]
[email protected]
[email protected]
https://www.facebook
twitter.com/MotcaSomali
tiktok.com/
instagram.com/motcaSomalia
threads.net/
youtube.com/

Photos from Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed's post 10/05/2026
Photos from Ministry of Transport And Civil Aviation Somalia's post 10/05/2026

*Somalia Participates for the First Time in the International Transport Forum (ITF) Summit*

*Leipzig, Germany* – The Annual Summit of the International Transport Forum (ITF), held from 6–8 May in the city of Leipzig, Germany, concluded successfully with Somalia participating for the first time since the establishment of this prominent global platform.

Somalia was represented at the summit by the Director General of the Ministry of Transport and Civil Aviation, *Mr. Omar Afrah*, who took part in high-level discussions focused on the advancement and cooperation of various modes of transportation, including air, land, and maritime transport.

The ITF serves as a distinguished international forum that convenes nearly 100 member states, alongside international organizations, multinational corporations, and global investors, with a strategic emphasis on enhancing mobility, connectivity, and investment in transportation infrastructure worldwide.

Throughout the course of the summit, the Director General held a series of meetings with the Minister of Transport of the Republic of TΓΌrkiye, the Deputy Minister of Transport of Azerbaijan β€” which chaired this year’s forum β€” the Deputy Minister of Transport of China, the Secretary-General of the ITF, as well as representatives from international companies and investment groups.

These engagements centered on strengthening cooperation in the transport sector, advancing infrastructure development, and exploring investment opportunities in Somalia.

The forum warmly welcomed Somalia’s participation this year and formally invited the country to become a full member of the International Transport Forum next year. This represents a significant opportunity for Somalia and reflects the growing international confidence in the nation’s progress, recovery, and ongoing reconstruction efforts.

--- END ---For any further details, please contact: Mohamed Abdi Osman Faradheere Director of the Information and Public Relations Department Ministry of Transport and Civil Aviation Email:[email protected]@[email protected] Media:Facebook: facebook.comTwitter: twitter.com/MotcaSomaliTikTok: tiktok.com/: instagram.com/motcaSomaliaThreads: threads.net/: youtube.com/

Photos from Ministry of Transport And Civil Aviation Somalia's post 10/05/2026

*Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha madasha Caalamiga ah ee Arrimaha Gaadiidka (ITF)*

*Leipzig, Jarmalka* – Waxaa magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka lagu soo gabagabeeyay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka (International Transport Forum – ITF) 6-8 May, kaas oo ay markii ugu horreysay ka qeybgashay Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay madashan caalamiga ah.

Soomaaliya waxaa shirkan ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada *Mudane Cumar Afrax*, oo ka qeyb galay doodaha iyo kulamada looga hadlayay horumarinta iyo iskaashiga noocyada kala duwan ee gaadiidka cirka, dhulka iyo badda.

Madasha ITF ayaa ah gole caalami ah oo kulmiya ku dhawaad 100 dowladood oo xubno ka ah, hay’ado caalami ah, shirkado iyo maalgashadayaal, iyadoo diiradda lagu saaro horumarinta isku socodka, isku xirnaanta iyo maalgelinta kaabeyaasha noocyada kala duwan ee gaadiidka dunida.

Intii uu shirku socday, Agaasimaha Guud wuxuu la kulmay Wasiirka Gaadiidka ee dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Azerbaijan oo sanadkan shir guddoominaysay madasha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Shiinaha, Xoghayaha Guud ee ITF, iyo xubno kale oo isugu jiray shirkado caalami ah iyo maalgashadayaal.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada gaadiidka, horumarinta kaabeyaasha, iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Madasha ayaa si diirran usoo dhaweysay ka qeybgalka Soomaaliya sanadkan, iyadoo lagu marti qaaday Soomaaliya in ay sanadka danbe noqoto xubin buuxda ee Madasha Caalimga ee ITF, taasoo fursad weyn u ah Soomaaliya, sidoo kalana muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ku qabo horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

DHAMAAD ---

Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
𝐌𝐨𝐑𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐒 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 π…πšπ«πšππ‘πžπžπ«πž Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
[email protected]
[email protected]
[email protected]
https://www.facebook
twitter.com/MotcaSomali
tiktok.com/
instagram.com/motcaSomalia
threads.net/
youtube.com/

06/05/2026
06/05/2026

MAAMULKA GAROONKA AADAN CADDE IYO SHIRKADDA FAVORI OOKA SHIRAY HAGAAJINTA ADEEGYADA GAROONKA

MUQDISHO, May 2026 – Iyadoo la raacayo awaamiirtii ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, uuna fulinayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Mudane Maxamed Faarax Nuux, ayaa kulan degdeg ah oo ku saabsan la-xisaabtanka adeegyada garoonka wuxuu dhexmaray Maamulka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (AAIA) iyo madaxda sare ee shirkadda FAVORI LLC.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska shirkadda FAVORI ee gudaha garoonka, ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa cabashooyinka shacabka ee la xiriira cilladaha dhanka qaboojiyeyaasha (AC) iyo guud ahaan hufnaanta adeegyada garoonka.

Mas'uuliyiinta Kulanka ka Qaybgalay:

Cismaan Cali Faarax: Maareeye Kuxigeenka Guud ee Garoonka Aadan Cabdulle.

Daud Ahmedey Mohamed: Maareeye Kuxigeenka Amniga ee Garoonka.

Mohamed Abdi Osman (Faradheere): Agaasimaha Warfaafinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

N. Murat Deste: Maareeyaha Guud ee Shirkadda FAVORI LLC iyo kuxigeenadiisa.

Isla xisaabtan iyo dood dheer kadib oo dhaxmartay labada dhinac ayaa Madaxda shirkadda FAVORI ayaa si furan u qiray in gaabiska ku yimid qaboojiyeyaasha garoonka uu ahaa mas'uuliyad darro dhankooda ah. Shirkaddu waxay bixisay raali-gelin buuxda oo ku socota dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee adeeggaas ku dhibaatooday.

Muddada Dayactirka: Shirkadda FAVORI ayaa si rasmi ah u ballanqaadday inay muddo hal bil ah gudahood ku xallinayso dhammaan cilladaha farsamo ee ka jira garoonka, gaar ahaan nidaamka qaboojinta, si loo soo celiyo raaxadii iyo adeeggii ay xaqa u lahaayeen rakaabka isticmaalaya garoonka.

Maamulka Garoonka ayaa ku adkeeyay FAVORI inaan marnaba la aqbali karin hoos u dhac dambe, maadaama ay shirkaddu mas'uul ka tahay maamulka iyo dayactirka guud. Maareeye Kuxigeenka Guud, Mudane Cismaan Cali Faarax, ayaa xaqiijiyay in si dhow loola socon doono fulinta ballanqaadkan, cid kasta oo gudata wejibaadkana loola xisaabtami doono si waafaqsan sharciga iyo qandaraasyada ay kula jiraan dowladda.

Ugu dambayn, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay xaqiijinaysaa inay ka go'an tahay ilaalinta tayada adeegyada ay helayaan muwaadiniinta iyo martida dalka, iyadoo la raacayo himilooyinka xukuumadda ee ku aaddan hufnaanta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

DHAMAAD

Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
𝐌𝐨𝐑𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐒 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 π…πšπ«πšππ‘πžπžπ«πž Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
[email protected]
[email protected]
[email protected]
https://www.facebook
twitter.com/MotcaSomali
tiktok.com/
instagram.com/motcaSomalia
threads.net/
youtube.com/

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Shangaani
Mogadishu