26/05/2026
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo Hambalyada Ciidul Adxa u Diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Ummadda Islaamka
Muqdisho- 26-5-2026 :Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax (Nuux )ayaa hambalyo kal iyo laab ah u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxa darteed.
Wasiirka Nuux ayaa u rajaynaya dadka Soomaaliyeed in ay munaasabaddan ku ciidaan nabad, fayoobi, iyo barwaaqo. Waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la is caawiyo, la isna cafiyo maalmahan barakaysan.
Sido kale Wasiirka ayaa u rajeeyey Muslimiinta Hanuunin iyo in la weyneeyo qiyamka naxariista iyo midnimada iyo In Alle ka aqblo ducada iyo acmaasha suubban sanadkan kiisa kale lagu gaaro nabad iyo isbeddel wanaagsan
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay xaqiijinaysaa inay sii ambaqaadi doonto dedaalada kor loogu qaadayo adeegyada gaadiidka dalka, si loo fududeeyo isu-socodka bulshada xilliyada ciidaha iyo ciidaha ka dib.
β DHAMAAD β
Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
ππ¨π‘ππ¦ππ ππππ’ ππ¬π¦ππ§ π
ππ«πππ‘πππ«π Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
[email protected]
[email protected]
[email protected]
https://www.facebook
twitter.com/MotcaSomali
tiktok.com/
instagram.com/motcaSomalia
threads.net/
youtube.com/
18/05/2026
Muqdisho, Maajo 18, 2026: Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka Mudane Cumar Afrax ayaa maanta soo dhaweeyay masβuuliyiin ka socotay Xafiiska Raβiisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo maanta kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Kormeerkan oo uu hoggaaminayey Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Raβiisul Wasaaraha, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta warbixinta waxqabadka rubuca koowaad ee sannadka (JanaayoβMaarso), iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay heerka fulinta waajibaadka Wasaaradda, guulihii la gaaray, caqabadihii jiray iyo xalalka lagu wajahayo.
Intii uu socday kulanka, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa soo bandhigtay doorka muhiimka ah ee ay kaga jirto horumarinta isku socodka dalka, maamulka iyo tayeynta adeegyada duulista hawada, horumarinta gaadiidka, iyo xoojinta isku xirnaanta dhaqaalaha iyo bulshada. Sidoo kale waxaa lagu falanqeeyay guulaha la xiriira horumarinta adeegyada duulista, dardargelinta qorshayaasha dib-u-habaynta hayβadda, iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta hayβadaha kale ee dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Dhanka kale, waxaa si wadajir ah looga hadlay caqabadaha jira, oo ay kamid yihiin baahiyaha dhinaca tayeynta kaabeyaasha, xaddidaadaha farsamo iyo dhaqaale, iyo baahida loo qabo xoojinta awoodda shaqaalaha iyo nidaamyada maamulka. Kulanku wuxuu sidoo kale xoogga saaray dejinta xalal wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo fulinta qorshayaasha Wasaaradda, iyadoo dib-u-habayn lagu sameynayo qorshaha rubuca labaad (AbriilβJuun) iyo mudnaanta istiraatiijiga ah ee hawlaha soo socda.
DHAMAAD ---
Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
ππ¨π‘ππ¦ππ ππππ’ ππ¬π¦ππ§ π
ππ«πππ‘πππ«π Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
[email protected]
[email protected]
[email protected]
https://www.facebook
twitter.com/MotcaSomali
tiktok.com/
instagram.com/motcaSomalia
threads.net/
youtube.com/
12/05/2026
Wasaaradda Gaadiidka oo War-saxaafadeed ka soo saartay Caqabadaha ka Jira Garoonka diyaaradaha Aden Cabdule Airport
Muqdisho, Soomaaliya 12-ka May, 2026 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xilidhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta si rasmi ah raalligelin ugu bixiyey shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo ka jawaabaya ciladaha joogtada ee ku yimid adeegyadii garoonka.
Wasiirka ayaa u sheegay in shirkadda Favori ay ku Guul daraysatay dhamaystir ka mas'uuliyaddii maamul ee garoonka, taasna ay tahay arin Soo noq noqtay oo aan waafaq sanayn heshiiskii caalamiga ahaa ee ay la gashay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Qodobbada muhiimka ah ee uu Wasiirku taabtay:
Xuquuqda Socotada: Wasiirka ayaa uga digay shirkadaha diyaaradaha inay ku tacaddiyaan muwaadiniinta ay u adeegayaan. Waxa uu ballan-qaaday in lala xisaabtami doono shirkad kasta oo ku xad-gudubta xuquuqda iyo adeegga ay u baahan yihiin musaafuriinta.
Wasiirka: Waxa uu amar ku bixiyey in dhammaan shirkadaha ka shaqeeya gudaha Airport-ka, gaar ahaan kuwa nadaafadda, inay ilaaliyaan bilicda iyo sharafta Muraayada Dalka, iyadoo aan loo dulqaadan doonin dayacaad kasta oo saameynaysa sumcadda Garoonka .
Muddada: Wasiirka ayaa xusay in kulamo dhacay 5-tii ilaa 6-dii bishan May ay shirkadda Favori ku qiratay fashilka jira, loona qabtay muddo ay wax kaga qabato. Waxaa hadda ka dhiman 7 maalmood oo kaliya.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa caddeeyey haddii aanay waxba isbeddelin muddadaas yar ee u hartay, inay Dawladda Soomaaliya qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo degdeg ah si loo badbaadiyo adeegga Garoonka Aadan Cadde.
DHAMAAD ---
Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
ππ¨π‘ππ¦ππ ππππ’ ππ¬π¦ππ§ π
ππ«πππ‘πππ«π Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
[email protected]
[email protected]
[email protected]
https://www.facebook
twitter.com/MotcaSomali
tiktok.com/
instagram.com/motcaSomalia
threads.net/
youtube.com/
10/05/2026
*Somalia Participates for the First Time in the International Transport Forum (ITF) Summit*
*Leipzig, Germany* β The Annual Summit of the International Transport Forum (ITF), held from 6β8 May in the city of Leipzig, Germany, concluded successfully with Somalia participating for the first time since the establishment of this prominent global platform.
Somalia was represented at the summit by the Director General of the Ministry of Transport and Civil Aviation, *Mr. Omar Afrah*, who took part in high-level discussions focused on the advancement and cooperation of various modes of transportation, including air, land, and maritime transport.
The ITF serves as a distinguished international forum that convenes nearly 100 member states, alongside international organizations, multinational corporations, and global investors, with a strategic emphasis on enhancing mobility, connectivity, and investment in transportation infrastructure worldwide.
Throughout the course of the summit, the Director General held a series of meetings with the Minister of Transport of the Republic of TΓΌrkiye, the Deputy Minister of Transport of Azerbaijan β which chaired this yearβs forum β the Deputy Minister of Transport of China, the Secretary-General of the ITF, as well as representatives from international companies and investment groups.
These engagements centered on strengthening cooperation in the transport sector, advancing infrastructure development, and exploring investment opportunities in Somalia.
The forum warmly welcomed Somaliaβs participation this year and formally invited the country to become a full member of the International Transport Forum next year. This represents a significant opportunity for Somalia and reflects the growing international confidence in the nationβs progress, recovery, and ongoing reconstruction efforts.
--- END ---For any further details, please contact: Mohamed Abdi Osman Faradheere Director of the Information and Public Relations Department Ministry of Transport and Civil Aviation Email:[email protected]@[email protected] Media:Facebook: facebook.comTwitter: twitter.com/MotcaSomaliTikTok: tiktok.com/: instagram.com/motcaSomaliaThreads: threads.net/: youtube.com/
10/05/2026
*Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha madasha Caalamiga ah ee Arrimaha Gaadiidka (ITF)*
*Leipzig, Jarmalka* β Waxaa magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka lagu soo gabagabeeyay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka (International Transport Forum β ITF) 6-8 May, kaas oo ay markii ugu horreysay ka qeybgashay Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay madashan caalamiga ah.
Soomaaliya waxaa shirkan ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada *Mudane Cumar Afrax*, oo ka qeyb galay doodaha iyo kulamada looga hadlayay horumarinta iyo iskaashiga noocyada kala duwan ee gaadiidka cirka, dhulka iyo badda.
Madasha ITF ayaa ah gole caalami ah oo kulmiya ku dhawaad 100 dowladood oo xubno ka ah, hayβado caalami ah, shirkado iyo maalgashadayaal, iyadoo diiradda lagu saaro horumarinta isku socodka, isku xirnaanta iyo maalgelinta kaabeyaasha noocyada kala duwan ee gaadiidka dunida.
Intii uu shirku socday, Agaasimaha Guud wuxuu la kulmay Wasiirka Gaadiidka ee dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Azerbaijan oo sanadkan shir guddoominaysay madasha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Shiinaha, Xoghayaha Guud ee ITF, iyo xubno kale oo isugu jiray shirkado caalami ah iyo maalgashadayaal.
Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada gaadiidka, horumarinta kaabeyaasha, iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.
Madasha ayaa si diirran usoo dhaweysay ka qeybgalka Soomaaliya sanadkan, iyadoo lagu marti qaaday Soomaaliya in ay sanadka danbe noqoto xubin buuxda ee Madasha Caalimga ee ITF, taasoo fursad weyn u ah Soomaaliya, sidoo kalana muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ku qabo horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.
DHAMAAD ---
Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
ππ¨π‘ππ¦ππ ππππ’ ππ¬π¦ππ§ π
ππ«πππ‘πππ«π Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
[email protected]
[email protected]
[email protected]
https://www.facebook
twitter.com/MotcaSomali
tiktok.com/
instagram.com/motcaSomalia
threads.net/
youtube.com/