11/10/2023
Waxaan si diiran idinku soo dhaweeneynaa dhiganaha Sahayda Garyaqaanka.
Heegaan ayaa idin nahay soo dhawaada dhammaantiina gacma furan.
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ogaal Sharci Academy, Mogadishu.
Ogaal Sharci Library waa goob u gaara aqoonta sharciga ay albaabkeedu u furan yihiin dhammaan inta sharciga barato, baratay, inta ku shaqeesa iyo inta xiiseeysa arimaha sharciga waa u furan tahay.
11/10/2023
Waxaan si diiran idinku soo dhaweeneynaa dhiganaha Sahayda Garyaqaanka.
Heegaan ayaa idin nahay soo dhawaada dhammaantiina gacma furan.
31/05/2023
Dhawaan waxa aan baahin doonaa barnaamijka Wacyigelinta Sharciga oo aan ku faahfaahin doona qaybta labaad ee Sharciga hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliyeed.
Waxana soo jeedin doona Abuukate Daahir Mohamed Ali (Dahir Carab).
02/01/2023
10 days left.
02/01/2023
Waxaa dhawaan Magalada Muqdisho ka dhici doona shir sannadeedka garsoorka 2023, kaas oo si joogta ah loo qabanayo sanadkiisa 5aad kadib burburkii dalka.
Shirka sanadkaan waxaa halku dhig u ah: “Federaaleynta Garsoorka”
24/12/2022
Gar iyo Garnaqsi waa buug si farshaxamaysan loo qoray kaas oo xambaarsan xogo iyo macluumaad aad muhiim ah oo la xariira arimaha sharciga.
Buuggaan ayaa si guud diiradda saaraya barashada dacwadaha iyo hab qoraalkooda taas muhiim u tahay cid walba ugu yaraan in ay wax ka ogaadaan si gaara sharciyaqaanada.
Buuggaan waxaa qalinka u qaatay oo dadaal iyo juhdi badanba u geliyay Garyaqaan sare Avv. Zakariye Nuur .
Buuga waxaa la soo bandhigayaa maalinta Khamiista soo socota gelinka dambe oo ay taariikhdu tahay 29/12/2022 laguna soo bandhigi doono Dayax Hotel.
Ka soo qayb gal wanaagsan.
04/11/2022
Maktabadda iyo bisha October
Maktabadda iyada sii ambaqaadeysa howlaheydaa waxaa u suurta-gashay in bishii dhamaatay October in lagu baahiyaya in ka badan 50 dokumentis oo la xariira arimaha sharciga, kuwaas oo isugu jira Buugaag, Sharciyo iyo Maqaalo.
Buugaagata;
1. Essential lawyering skills book
2. Legal research methodw book
3. علم النفسي الشرعي.
4. Internationa Law Handbook
5. International Criminal Law Book
6. الجريمة و العقوبة في الفقه الاسلامي
7. Criminology book
8. Habka oogista dacwadaha ciqaabta
9. Habsami socodka dacwadaha madaniga.
10. Xuquuqda eedeysanaha iyo dhibanaha.
11. Habraaca sharci iyo maamul ee kaaliyaha.
12. International Humanitarian Law book.
13. Civil law handbook
14. My life in crime book
15. Common law system
16. Legal analysis and writing paralegal book.
17. Introduction to law
18. Introduction to contract law
19. Administrative law
20. International trade law
Sharciyada;
1. Sharciga shaqada arrimaha dibadda.
2. Sharciga shaqaalaha Rayidka.
3. Sharciga shaqada iyo Shaqaalaha.
4. Sharciga Shaqo Qorista Shaqaalaha shisheeye.
5. Sharci Xabsiyada
6. Sharciga lagu aasaasay Booliiska Soomaliya.
7. Sharciga Maxkamada Dastuurka.
8. Sharciga Gudiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka.
9. Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka.
10. Sharciga Maamulka iyo Maaraynta Maaliyada Guud.
11. Sharciga Duulista Rayidka.
12. Sharciga Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.
13. Sharciga Dhisida Gudiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo fedraalka.
14. Xeerka Nidaamka Garsoorka.
15. Sharciga Nootaayada.
16. Sharciga Kaluumaysiga.
17. Sharciga Maal-gashiga Shisheeye.
18. Sharciga Nabad galyada guud.
19. Sharciga Xanaanada Xoolaha.
20. Sharciga Maxkamada Caruurta.
Maqaalada;
1. Social Justice Principles Concepts Tools
2. Xirfadda Aqrinta Qoraalada Sharciga Iyo Fasiraadooda.
3. Maritime Crime
4. حقوق الانسان ووضع الدستور
5. Constitution Making.
6. محاضرة علم الاجتماع والقانون
7. Human Rights.
8. Rights Under International Humanitarian Law.
9. State Responsibility of International Wrongful Act.
10. Maritime Crime
Ugu dambeyn Maktabaddaa waxa ay u mahad-ceineysaa Agaasimaha Maktabdda Avv. Abdullahi Hassan Ali , Avv. Bashiir Yusuf Qudubi iyo Avv. Yuusuf Nuuxi oo howshaas dhexda u xirtay howshaan aadka u qurux badan.
Sidoo kale dhammaan buugaagtaas, sharciyadaas iyo maqaaladaas ka heli kartaa linkiyadaan hoose;
https://www.facebook.com/groups/1750373041834571/?ref=share
https://chat.whatsapp.com/FKFzTFjOkCw8LJ8JizxjLS
Sidaas si lamida maktabadda waxa ay soo dhaweyneysaa cid walba oo kaalin ka qaadaneysaa koncinta howlaha maktabadda.
Mahadsanidiin.
01/07/2022
Shalay oo ay taariikhda eheed 30- June-2022, waxaa Maktabadda Ogaal Sharci Library u qabsoomay tababarkii ay soo agaansintay oo ku saabsanaa "Cilmi baarista sharciga" kaas uu noosoo jeedinaayay Ustaad Avv. Zakariye I.Nuur, tababarkaas oo ku baxaayay qaab joogis ah iyo hab fogaan-arag ah (online), waxaana ka faa'ideystay tababarka in ka badan 200 oo qof .
Sidaas oo kale waxaa tababarka marti noogu ahaa Garyaqaan Cali Sheekh Cali Cali Soomaali iyo Garyaqaan Mustaf. Garyaqaan Cali Soomaali ayaa kalmad dhiiri galin ah usoo jeediyay ardaydi ka soo qayb gashay tababarka isla markaana maktabada ku bogaadiyay hawlaha ay wado.
Ugu dambeyn waxaa soo xiray tababarka Agaasimaha Ogaal Sharci Library Mudane Abdullahi Hassan Ali asiga oo ka mahad celiyay qabsoomidda barnaamijka, sidoo kale balan qaaday in ay sii laba jibaari doonaan dhisidda xirfadda iyo aqoonta sharciyaqaanad iyo inta xiiseysa arimaha sharciga.
DHAMAAD