26/05/2026
Imtixaanka waxaa ka haray maalmo kooban. Haddii aan idin xasuusinno natiijadii imtixaanka sannad-dugsiyeedkii h**e, degmooyinkii ardayda ugu badan natiijooyinkoodu sarreeyeen waxay ahaayeen Dharkenley, Xamarweyne, Cabdicasiis iyo Kaxda.
Ardayda, dugsiyada iyo degmooyinkaba waxaan sannadkan u rajeynaynaa in natiijooyinkoodu wada sarreeyaan.
26/05/2026
๐๐๐๐ ๐ ๐จ๐๐๐๐ฅ๐๐
Dhammaan umadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan idiin leenahay farxad ku ciida.
ุนูุฏูู
ู
ุจุงุฑูุ ูู ุนุงู
ูุฃูุชู
ุจุฎูุฑุ ุชูุจู ุงููู ู
ูุง ูู
ููู
ุตุงูุญ ุงูุฃุนู
ุงู
24/05/2026
Agaasimaha Waaxda Farsamada Gacanta Mudane Cabdicaasiis Mukhtaar, oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Tayo-dhowrka iyo Halbeegyada Mudane Khalid Moโallim iyo madax-qaybeedyo ka tirsan Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banadir ayaa maanta daahfuray kulan wacyigelin ah oo lala yeeshay guddiyada waalidiinta iyo wakiillada bulshada, kaasoo lagu qabtay Dugsiga Mohamud Ahmed Ali.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la muujiyo ahmiyadda ay leedahay waxbarashada farsamada gacanta, taasoo sidoo kale ka faaโideysan karaan ardayda ka diiwaangashan waxbarashada aas-aasiga ah inay gelinka dambe bartaan xirfadaha gacanta.
Sidoo kale, guddiyadii goobta joogay ayaa lagu wacyigeliyay xirfadaha kala duwan ee uu dugsiga bixiyo iyo muhiimadda ay u leeyihiin bulshada. Waxaa sidoo kale lagu dhiirrigeliyay inay fariintan gaarsiiyaan bulshada inteeda kale, si dhallinyarada loogu boorriyo barashada xirfadahaas.
22/05/2026
Iyadoo la tixraacayo jadwalka sannad-dugsiyeedka 2025/2026 iyo kala-dhowridda imtixaannada fasallada shahaadiga iyo kuwa aan shahaadiga ahayn, Agaasinku wuxuu farayaa dhammaan bahda Waxbarashada Gobolka Banaadir in imtixaannada fasallada aan shahaadiga ahayn la qaado muddada u dhexeysa 6-da illaa 11-ka Juun 2026.
Sannad-dugsiyeedka cusub ee 2026/2027 wuxuu si rasmi ah u bilaaban doonaa 05-ta September 2026.
15/05/2026
๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข ๐ ๐๐๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐๐๐๐๐๐ก๐ฌ๐๐ฅ๐๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐ฌ๐๐๐ โ 15 MAY
Waxaan si weyn ugu hambalyeynaynaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Maalintani waxay astaan u tahay halgankii geesiyaasha SYL iyo doorkii taariikhiga ahaa ee dhallinyaradu ku lahaayeen gobannimada, midnimada, iyo dhismaha qaranka Soomaaliyeed.
Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, rajada maanta, iyo hoggaanka berri.
Horumarka dalka waxaa lagu gaari karaa aqoon, waddaniyad, midnimo, iyo dadaalka Dhallinyarada Soomaaliyeed.
๐๐ฎ๐บ๐ฏ๐ฎ๐น๐๐ผ ๐ญ๐ฑ ๐ ๐ฎ๐.