19/03/2026
🌙✨ Eid Mubarak ✨🌙
Eid Mubarak dhammaan umadda Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan.
Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo camalkii wanaagsanaa ee aynu soo gudannay.
Allow naga dhig kuwii dembiyadooda la dhaafay, qalbiyadoodana la nadiifiyey, kana mid noqda kuwii farxadda iyo barakada Eidda ku raaxeysta.
Eidkani ha noqdo mid keena nabad, jacayl, iyo midnimo dhexdeena ah.
Eid Mubarak!
Hon Mohamed Keyse
05/03/2026
إنا لله وإنا إليه راجعون
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, qaraabada,, asxaabta, ciidanka, geerida xanuunka badan ee ku timid Alle ha u naxariistee General Mohamed Ali Abokor oo kamid ahaa Saraakiisha qiimaha badan ee dalkiisa usoo huray waqtigiisi.
Gen. Mohamed Ali Abokor wuxuu ka mid ahaa saraakiishii door weyn ka qaatay dawladnimada iyo difaaca sharafka Soomaaliyeed, marar badana soo hogaamiyay ciidanka dalkeena hooyo.
Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo. Sidoo kale, qoyskiisa, gaar ahaan reer cali Abokor qaraabadiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed samir iyo iimaan alle ka siiyo.
Hon Mohamed Keyse
15/02/2026
إنا لله وإنا إليه راجعو
Waxaan halkan uga tacsiyeynayaa geerida ku timi Alleha u naxariisto Abwaankii wayna ee YUUSUF MAXAMED CABDILAAHI AAR ( ABWAAN YUUSUF SUUSLE).
Marxuumka waxaan Ilaahay u waydiinayaa naxariis , danbi-dhaaf iyo Janno fardowsa.
Allaha unaxariiste Abwaanku wuxuu wakhtigiisi , Aqoontiisa iyo Xikmadi Alle siiyey ugu adeegay dadkiisa iyo dalkiisa isagoo lagu xasuusto halgankiisa difaaca midnimada iyo horusocodka Qarankeena Soomaaliyeed.
Ehelka , qoyska , qaraabada , asxaabta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan u dardaarmayaa samir iyo Iimaan
Aamiin.
15/02/2026
Waxaan uhambalyaynayaa gudoomiyaha cusub ee degmada buuhoodle xil Cabdifarax Cali Cawil oo ay golaha deegaanka degmadu udoorteen duqa degmadda ahna gudoomiyaha golaha deegaanka.
Sidoo kale waxaan isna hambalyaynaya murashaxii la tartamay xil Shawr Abdullahi Mohamed waxaanan urajaynayaa guul iyo mustaqbal wacan,
Shacabka degmadda iyo guud ahaan reer buuhoodle waxaan codsanayaa in ay la shaqeeyaan mayorka la doortay si degmadu horumar u gaadho.