19/03/2026
Ciid Mubaarak ๐โจ
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.
Ilaahay ha naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo dhammaan camalladii wanaagsanaa ee aan soo gudannay bisha barakeysan ee Ramadaan. Ha inaga dhigo kuwii dambigooda la dhaafay, naxariistiisana helay.
Ciiddan ciiddeeda kale ha inagu gaarsiiyo caafimaad, nabad, barwaaqo iyo midnimo.
Ciid Mubaarak dhammaantiin! ๐ค
17/02/2026
*Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.*
Waxaan idiin hambalyeynayaa dhalashada bisha kheyrka iyo naxariista badan ee *Ramadaan* . Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faaโiidaysta fadligeeda, hana inaga aqbalo soonka, salaadda, Qurโaanka iyo dhammaan camalka suuban.
Bishan waa bil cafis, naxariis iyo xoreyn Naar. Aan ka faaโiidaysanno fursaddeeda, qalbiyadeennana ku nadiifinno cibaado iyo samir.
Ilaahay ha inagu gaarsiiyo Ramadaanno badan oo caafimaad iyo iimaan leh.
Ramadaan Kariim
dhammaantiin. ๐๐คฒ
23/01/2026
๐คฒ Duco: Alle ha inaga yeelo kuwa ka faaโiideysta fadliga Jimcaha, ducana laga aqbalo, qalbigana loo daahiro.
Jimco Wanaagsan dhammaan Muslimiinta! ๐โจ