Gen. Dayax Cabdi Cabdulle

Gen. Dayax Cabdi Cabdulle

Share

Bogga Rasmiga ah Ee Gen. Dayax Cabdi Cabdulle Taliyahii hore ee Ciidanka dhulka CXDS 🇸🇴.

11/04/2026

Waxaan hambalyo udirayaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, sareeyaasha, alifleyda, dableyda iyo xaasaaskooda & caruurtooda. Munaasabada 12-April darted taas oo ku beegan aasaaskii CXDS ee 1960.

Hambalyo waxaan u rajaynayaa guul iyo soo kabasho, kamid noqoshada CXDS waa sharaf iyo karaamo 🇸🇴.

10/04/2026

Waa guul wayn soo saarista shidaalka dalkeena
ee Qofkasta ha soo qaato fuusto loogu shubo.

Photos from Gen. Dayax Cabdi Cabdulle's post 05/03/2026

Waxaan hambalyo heerkeedu sareeyo udirayaa walaalkay 𝗗𝗿 Abdikani Abdikarin Sh Osman oo soo afmeeray heerka koowaad ee Jaamacada
kana baray Kulliyada Daawaynta iyo Qaliimada
(𝗕𝗮𝗰𝗵𝗲𝗹𝗼𝗿 𝗼𝗳 𝗺𝗲𝗱𝗶𝗰𝗶𝗻𝗲 𝗮𝗻𝗱 𝗕𝗮𝗰𝗵𝗲𝗹𝗼𝗿 𝗼𝗳 𝗦𝘂𝗿𝗴𝗲𝗿𝘆)🎓.

Walaal waxaan kuu rajaynayaa guulo badan, dadaal dheer, iyo inaad noqoto dhakhtar dadka u adeega si naxariis iyo aqoon leh. Safarkaaga waxbarashana hada ayaad bilow fiican joogtaa balse waxaana kugu boorinayaa inaad dadaalkaaga sii labo jibaarto ilaa aad takhakhus ka samayso 🙏.

31/12/2025
04/12/2025

Kooxiihii ololaha Suudan waday bal xaga Maraykanka dadkeena jooga taageera intii mudo ah.

27/10/2025

Allaah ha u naxariisto Shiikh Muxammed Cabdullaahi Aadan (Shiikh Jannagale).

Shiikha oo ku geeriyooday magaalada Galkacyo, wuxuu ahaa qof ku suntan faafinta diinta iyo arrimaha dacwada guud ahaan dowlad deegaanka Soomaalida gaar ahaan gobalka Doolo.

Shiikha geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynayaa guud ahaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo oo hoygiisa ha kadhigo janatul fardowsa, Aamiin.

12/10/2025

Hambalyo Maalinta 12-Oct-2025.

Calanka Soomaaliyeed waa astaan nabad, himilo & han sare, waana waajib in aynu ilaalino sharafkiisa kuna barbaarino jiilka cusub jacaylka dalkooda, dadkooda iyo astaantooda oo ah Calanka buluuga ah ee Cawaale 🇸🇴.

23/09/2025

Waxaan uga tacsiyaynayaa ummada Somaaliyeed gaar ahaan ciidamada daraawiishta Puntland geerida Jeneraal, Axmed Cabdi Ali "Qalyare" oo ahaa Taliyihii guutada 2aad ee ciidanka daraawiishta Puntland ee argagixisada kula dagaalamaya Buuraleyda Calmiskaat oo ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxda nabad iyo nafba diidka ah ee Daacish.

12/09/2025

Mogadishu: 12 - Sept - 2025.
Ciidanka xoogga dalka waxay gaareen guul lagu jabiyay kooxda camaasiirta khwaarijta ah ee weererka kusoo qaaday degmada Ceeldheer.

Waxaan bogaadinayaa xubin kasta oo CXDS ka tirsan kana qayb qaadatay guushaas intii dhimatay ilaahay ha unaxariisto.

"Guulbaa sharaf leh geesinimo diintaa leh "

06/09/2025

Innaalillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u udirayaa Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timi, Alle ha u naxariistee, Macalin Maxamuud Xuseen Xaaji (Sigad) oo ku geeriyooday magaalada Galkacyo.

Marxuumka oo ahaa Macalin barbaariye iyo bare sare waxuu door muhiim ah ka soo qaatay soo saarista jiilal badan oo cilmi iyo aqoon ku hubaysan.

Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuumku.

30/08/2025

Hambalyo

Waxaan u dirayaa hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari- Soomaaliya, Saaxiibkay, Mudane Abdiqaadir Awcali Firdhiye.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Mogadishu