Women and Child Protection Unit SPF

Women and Child Protection Unit SPF

Share

The Department for the Protection Against Violence Towards Women and Children of the Somali Police Force.

01/04/2026

BAYAAN RASMI AH

Waxaan si cad u caddeyneynaa in aan la oggolaan doonin jiritaanka xarumo dhaqan-celin oo sharci darro ah oo lagu xareeyo haweenka Soomaaliyeed, laguna qaato lacago, isla markaana lagu geysto falal waxyeello iyo tacadi ah.

Hay’adaha ay khuseyso waxaa ka go’an inay si buuxda uga hortagaan falalka noocan ah, isla markaana tallaabooyin sharci ah oo adag laga qaado cid kasta oo ku lug yeelata ama ka dambeysa.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan bulshada iyo hay’adaha kala duwan inay ka qeyb qaataan ilaalinta xuquuqda haweenka, isla markaana soo gudbiyaan wixii xog ah ee la xiriira falalka noocan ah.








08/03/2026

"Maanta waxaan u dabaaldegaynaa Malinta Haweenka Adduunka, Haweenku waa laf-dhabarta bulshada, waa hooyooyinka, walaalaha, iyo hormuudka nolosheena. Aynu u muujino ixtiraam, jaceyl, iyo taageero joogto ah.”








Photos from Women and Child Protection Unit SPF's post 09/08/2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah Tababar uga furay Gabdho ka tirsan Ciidanka oo Baarayaal ka noqonaya Saldhigyada Boliiska si Haweenka gala faldambiyeedka xiliga Baarista u helaan Haween dhigooda ah una helaan Cadaalad Baariseed.

Talaabadan oo qorshaheeda uu Hindisay Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa looga dan leeyahay awood siinta shaqada ee Haweenka Boliiska si ay mudnaan gaar ah ugu helaan shaqooyinka lagama maarmaanka u ah inay iyagu qabtaan oo aan markii h**e fursad loo siin jirin.

Photos from Women and Child Protection Unit SPF's post 23/07/2025

Taliyaha Waaxda Tacadiyada Haweenka iyo Carruurta ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Ka Qeybgashay Shirka Amniga todobaadlaha

Taliyaha Waaxda Tacadiyada Haweenka iyo Carruurta ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka qeybgashay shir amni oo toddobaadle ah oo uu guddoomiyay Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta ammaanka caasimadda, la-dagaallanka anshax-xumada baraha bulshada, ilaalinta xabsiyada, iyo horumarinta wada-shaqeynta laamaha amniga.

Taliyaha Qaybta Guud ayaa faray in si dhow loola shaqeeyo Waaxda Tacadiyada Haweenka iyo Carruurta si kor loogu qaado dadaallada lagula tacaalayo tacaddiyada ka dhanka ah dadka nugul.

Waaxdu waxay bulshada xasuusinaysaa muhiimadda wargelinta booliska marka la arko falal wax u dhimaya ammaanka haweenka iyo carruurta.

06/06/2025

Ciid Mubaarak!

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada kala duwan re qalabka sida, iyo dhammaan ummadda muslimiinta ah

Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed, waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naga aqbalo camalkeenna suuban, innagana wada dhigo kuwo ku ciida nabad, caafimaad, wadajir iyo horumar.

Ciiddu waa fursad mideyso qalbiyadeenna, xoojiso is-jaceylkeena iyo walaaltinimada. Aan ku ciidno caafimaadsan, is-ixtiraam iyo naxariis.

Photos from Women and Child Protection Unit SPF's post 31/05/2025

Taliyaha Waaxda Tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta ee Booliiska Soomaaliyeed oo Ka Qeyb Gashay Olole Wacyigelin ah oo Ka Dhan ah Tubaakada

Muqdisho, 31 May 2025 – Iyadoo maanta ay ku beegan tahay Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Tubaakada, ayaa Taliyaha Waaxda Tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Fardowsa Cabdullaahi Abtidoon, ka qeyb gashay tababar iyo kulamo wacyigelin ah oo diiradda lagu saarayay waxyeelada tubaakada, gaar ahaan saameynta ay ku leedahay caafimaadka haweenka iyo carruurta.

Ololahan wacyigelinta ah oo si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye, waxaana bartilmaameedkoodu ahaa ciidanka ku jira tababarka, si loo xoojiyo fahamka ay u leeyihiin halista caafimaad ee ay leedahay tubaakadu.

Kulamadan ayaa muhiimad gaar ah siinayay sidii loo kobcin lahaa doorka ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin ka hortagga isticmaalka tubaakada ee bulshada dhexdeeda. Waxaa sidoo kale la sameeyay guddi wacyigelin ah oo ay Booliisku qeyb ka yihiin, kuwaas oo diiradda saaray sida wax ku oolka ah ee ciidamada booliisku uga qeyb qaadan karaan wacyigelinta iyo ka hortagga halista caafimaad ee tubaakada.

Taliye Fardowsa Cabdullaahi Abtidoon ayaa xustay waxyeelada tubaakada si gaar ah u saamaynta ay ku lee dahay haweenka uurka leh, carruurta iyo dhalinyarada, taasoo sabab u ah baahi weyn oo loo qabo in si joogto ah loo qabto wacyigelin iyo olole lagu badbaadinayo caafimaadka bulshada Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in Booliisku uu leeyahay masuuliyad ka saaran ilaalinta caafimaadka dadweynaha, iyadoo loo marayo wacyigelin, la-talin, iyo tallaabo sharciyeed.

Waaxda Tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday inay sii xoojin doonto doorkeeda ku aaddan ilaalinta iyo badbaadinta bulshada, si gaar ahna u ilaalin doonta xuquuqda iyo caafimaadka haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed.

Photos from Women and Child Protection Unit SPF's post 30/05/2025

Taliyaha Waaxda Tacaddiyada Haweenka & Carruurta, Fardowso Cabdullaahi Abti Doon, ayaa ka qeyb gashay kulan muhiim ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen hoggaanada ciidanka, taliyaasha qeybaha iyo madaxda fadhiyada madaxbannaan, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee dalka.

Intii uu socday kulanka, waxaa warbixino lagaga dhageystay saraakiisha amniga, kuwaas oo h**ey loogu faray dhaqan gelinta qorshaha horumarinta amniga. Qorshahaan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka, laguna wajahayo falalka guracan ee ay geystaan kooxaha Khawaarijta.

08/03/2023

Taliso Abti Doon waa Shaqsi Nuucee ah Maxeysa ku Soo Kordhisay waaxda Tacadiyada ka dhanka ah Haweynka iyo Caruurta Ee Booliska Soomaaliyeed.

Photos from Women and Child Protection Unit SPF's post 14/01/2023

Markaste oo aad Bulshada udhawaato waxaa suurta galeyso in ay ku dhiiradaan sheegista Dhibaatooyinka ay qabaan si wax looga qabto.

Kuwaani waa qeyb ka mid ah Bahda Waaxda Tacadiyadda Haweenka iyo Caruurta Boliiska Soomaaliyeed oo dhexda kaga jira qaar kamid ah Haweenka Barakacayaasha ah si xaaladooda wax uga ogaadaan.

Muwaadin ka fagow wax walbo oo dhib ku ah Bulshadada siiba Tacadiga Haweenka iyo Caruurta loogeysto.

05/01/2023

Wargalin ku saabsan gabar anbad ah

Waxaa lagu wargalinayaa Bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan Dadka ku Nool Magalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa.

in lahayo Gabar yar oo anbad ah oo lagu Magacaabo bushro abuukar shiiq cali ina xaawo taasi oo lahelay iyadoo ambad ah Mana garaneyso Xaafada ay ka Soo luntay.

Gabadhaan ambadka ah ayaa walaalo Soomaaliyeed waxa ay ku soo Hagaajiyeen Waaxda Tacadiga ka dhanka ah Haweenka iyo Caruurta Ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Hadaba cidii garaneyso inantan yar ama reerkeeda yaqaano waxaan si naxariis leh kaga Codsaneynaa in ay nagala soo xiriiraan labarkan : 0612110623 si loogu simo waalidka dhalay

Mahadsanidiin.

Waaxda Tacadiga Haweynka iyo Caruurta Ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Makka Almukarrama
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00