Wax ka baro caafimaadka

Wax ka baro caafimaadka

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wax ka baro caafimaadka, Library, Mogadishu.

13/03/2024

RAMADAN KAREEM

19/07/2021



OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

Dhamaan waxaa la ogeysiinayaa Bulshada ku Nool Xaafada Tawakal iyo Nawaaxigeeda in Tawakal Medical Center oo aad ugu barateen Shaybaar tayaysan iyo daawuuyin Heerkoodu sareeyo in uu markane idin kaaga dhigay Shaybaarka free maalmaha ciidda aawgeed laga bilaabo maalinta Talaada ah Taariikh ku Astaysan tahay 20/7 2021 ilaa 18 2021 Wixii faah faahin ah kala soo xiriir 0615192714/ 615436626 / 616962464 / 619630789

21/06/2021
21/06/2021

Waliga qof ha ku qimeen hana ku xukumin dharkiisa sababtoo aha shakliga iyo labiska qofka k**a turjumaan xumaantiisa iyo wanagiisa ama qalibigiisa waxa ku jira laygaba mid muqaalkiisa ukal eeg yahy faasiq mufsida inuu allha sw uga dhaw yahay oo aktiisa loga jacelbadan yahay mid muqalkiisa kula eeg yahy ruux mu,min oo dhoorsoon
Ogoowna Waxa kaliyee dadku kula wangsan yhiin maha dharka iyo muqaalka ee waa qalibga ruux walba qalbigiisa intuu nadiif yahay buu dhorson tahy
Allha sw mana eego jirkeena iyo muqaldeena waxa uu eega qalibaydeena

13/04/2021

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ} سو رة البقرة
Asc Ramadaan kariim Dhammaan Muslimiinta Si Gaar Ah Umadda Soomaliyeed Alle Hanaga Dhigo Kuwii Soonkooda La Aqbalo Loo Naxariisto Loo Danbi Dhaafo Naarta Laga Xureeyo Allahuma Aamiin🤲
Hi

05/04/2021

TAXANAHA CAAFIMAADKA

Daalka iyo Caajisku Xagee Kaaga Yimaadeen?

Daalku waa magac guud waana qofku in uu dareemo tabar yari, caajis, inuu iska jiifo in uu jecel yahay iyo firfircoonida qofka oo dhamaan lunta. Daalka waxaa keena cudurro fara badan waxaana halkaan kusoo qaadanaynaa dhowr cudur oo ay qasab tahay in aad ogaato marka daalka laga hadlo

1. Dhiig La'aan: Marka qofku yahay dhiig la'aan ama dhiigiisu yar yahay waxa uu dareemaa daal iyo tabar yari. Dumarka dhiigoodu waxaa ugu fiican in uu yahay HB: 11, raggana waxaa ugu fiican HB: 13.5. Hadii dhiiga ragga ama dumarku tiradaas ka yaraado waxay u badan tahay in tabar yari, caajis iyo firfircooni la'aan isku arko

2. Qanjirada shaqadooda oo aan fiicnayn: Jirka binadamka waxaa ku jiea qanjiro soo daaya dhacaamo si jirka uu uga faaiidaysto, hadii qanjiradaas ay soo daayaan dhacaamo ka badan ama ka yar kuwii normlka ahaa waxaa dhacayaa in qofku dareemo daal iyo caajis

3. Sokorta: Marka aan kubdhaho sokor waxaan ka hadlayaa laba qof, qofka cudurka sokoeta qaba iyo qofka sokorta aadka u cuna, labadaba waxay dareemaan daal fara badan madama sokortu disho xididada iyo awooda jirka

4. Pressure-ka qofka oo dhacsan: Sida caadiga ah qofka marka saacada looga cabiro gacanta, waxaa laga rabaa tirada saxda ah in ay noqoto inta u dhaxaysa 80/120. Hadi qotka dhiigiisa uu ka yar yahay tiradaas aan kor ku xusnay wuxuu dareemaa qotku tabar yari iyo daal jirka iyo murqaha ah

5. Barafka: Jirku qabow waa uu u baahan yahay balse uma baahna qabowga gacan ku samayska ah sida barafka, mukayfka, marwaxadaha iyo wixii la mid ah. Barafka waxaa laga qaafaa cuduro badan oo baaris u baahan waxa uuna ka mid yahay waxyaabaha keena daalka iyo tabaryarida qotka haduu la qabsadana waxa uu u noqdaa balwad

6. Dhafarka: Qofka aadka u dhafra waxaa maskaxdiisa iyo neerfihiisa ku yaraanaya awooda, taas oo ugu dambayn keenaysa in maskaxdu jirka kale ku amarto in ay awoodooda hoos u dhigaan madama maskaxdii jirka dhan amraysay aysan nasan, tabar badan oo ay wax ku amartana aysan hayn. Barafku cuduro ka dhasha oo u baahan in qofku dhakhtar aqoon u leh kala xiriiro ayaa iyaganaa jira

La Wadaag Walalaaha Kale Si Taladu U Caawiso

29/03/2021

'□ HEPARIN.

oo sidoo kale loo yaqaan heparin

'▪Dawo ahaan waxaa loo istcimaayaa xinjirow Dhiig khafiifiya (blood thinner)
Gaar ahaan waxaa sidoo kale loo isticmaalaa daaweynta wadne xanuunka.

▪Waxaa lagu duraa cirbad ama maqaarka hoostiisa.

▪Isticmaalada kale waxaa ka mid ah gudaha tuubooyinka kaadi-saarista kelyaha.

▪Dhibaatooyinka ugucaansan (Comman side effact)

Waxyeelooyinka caadiga ah waxaa ka mid ah dhiigbax, (bleeding)
Xanuun (pain) meesha laga muday,
Iyo dhiig xinjirow hooseeya.(low blood platelets)

▪Dhibaatooyinka daran ee halista waxaa ka mid ah dhiig-yaraanta heparin.

▪Daryeel weyn ayaa looga baahan yahay marka ay isticmalayaan dawadaan dadka uu kelyahoodu liita.

▪Heparin waa la isticmaali karaa waqtiga uurka iyo naasnuujinta. (Safe pregnancy and breest feedind)

▪Heparin waxaa soo saara unugyada loo yaqaan basophils iyo unugyada naaska'

Heparin waxaa lahelay sanadkii 1916.
Waxaana lagu qoray liiska Ururka Caafimaadka Adduunka ee Liiska Daawooyinka Muhiimka ah

fadlan share

28/03/2021



Bismillah,

Mawduuceenu maanta wuxuu ku saabsan yahay faahfaahin iyo warbixin ku saabsan arrin maalmahaan la isla dhex marayay baraha bulshada taasoo ku saabsan in naasaha dumarka lagu adkeeyo ama lagu xoojiyo ku daliigista kareemka vasilin-ta iyo daawada ilkaha "Toothpaste".

Inta aan arintaas u gudbin marka h**e aan waxyar ka tilmaamo waxa ay naasuhu ka samaysan yihiin iyo waxyaabaha kale ee jirka qeybihiisa kale kaga duwan yihiin.

Naasaha wuxuu Alle ka sameeyay afar waxyaabood oo kala ah:
Qanjirro naasaha u gaar ah loona yaqaano "lobules" ama "Glandular Tissue", kuwaasoo howshoodu tahay inay caanaha soo saaraan.
Tubooyin caanaha ka soo qaada qanjirradaas oo soo gaarsiiya ibta loona yaqaano "Ducts"
Unugyo iyo n**o gaar ah oo naasaha Alle ka sameeyay kuwaasoo kala ah "Fibrous Tissue iyo Connective tissue"
Dufan ama baruur naasaha ku dhex jirto "Adipose tissue".

Marka labada qeyb ee ugu dambayso waa kuwa qaabilsan cufnaanta iyo muuqaalka naasaha, waana labada uu isbadalka ku dhaco markay naasuhu jilcayaan ama dhacayaan. Qaab dhismeedka naasaha ee kor ku cad waxaa laga faa'idaysanayaa in naas nuujintu aysan sabab u noqon karin in naasuhu jilcaan, waana arrin ay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in naas-nuujintu aysan naasaha jilcin, laakiin uurku uu yahay.

Midda kale oo muhiimka ah oo iyadane la isku waafaqsan yahay waa in wax murqo ah aysan naasaha ku jirin, marka dadka aaminsan ama sheegayo in jimicsi lagu xoojiyo naasaha ama lagu adkeeyo wax ka jiro malahan, maadaama wax muruq ah uusan Alle ku dhex abuurin naasaha.

Intaa ka dib, su'aashu waxay tahay maxaa keeno in naasuhu ay jilcaan? qaabkeene u jilcaan, haweenkuna ma ku kala duwan yihiin?

Waxaa jiro dhowr sabab oo cilmibaaris lagu xaqiijiyay inay naasuhu dabciyaan, waxaana ka mid ah:
Sigaarka: haweenku sigaarka cabo ama lagu ag cabo, waxaa la xaqiijiyay in sigaarka uu burburiyo borotiin ku jira maqaarka naasaha xoojiyo loona yaqaano "Elastin"
Tirada uurka: kullamaa hooyadu ay uur yeelato, waxaa isbadal ku dhaca naasaha, uur walbo midkuu ka dambeeyane naasuhu way ku dabcaan khaasatan markuu uurku isku dhaw dhaw yahay.
Da'da: kullamaa da'da haweentu ay weyn tahay kullamaa naasuhu ay jilcaan, kullamaa naasuhu ay wayn yihiin, kullamaa ay la jilcaan da'da.
Miisaanka jirka: qofka oo si dhakhso ah miisaan ku fuulo ama si dhakhso ah uga dhaco weliba markuu miisaanka dhacayo ama korayo uu ka weyn yahay 20 kiilo.
Jimicsiga: Orodka, rucelynta iyo gaardinta waa jimicsiga ugu badan ee naasaha jilciyo.

Markuu caaafimaadka ka hadlayo naaso jileeca wuxuu adeegsadaa erayga "Ptosis" kaasoo leh heerar lagu qiyaaso jileeca naasaha iyadoo heerkulbeegu yahay meesha ay ibtu kaga aadan tahay naaska.

Arrinta kale oo haweenku badanaa qaladka ka fahansan yihin waa in keeshaliga ama rajabeetadu ay naasaha ka ilaaliyaan jileeca iyo dhicintaanka ama xoojiyaan naasaha, taasina waa fikir qaldan oo haweenka qaar ku kallifa inay habeen iyo maalin ku joogaan xirashada naaso-gashiga.

Vaseline-ta & Daawada Ilkaha:
Vidoe-ga maalmahaan ay bulshadu isla dhex marayso kaasoo lagu sheegayo in vaselin-ta iyo macjuunta ay naasuhu adkeeyaan, waa arrin aan sal iyo raad caafimaadka ku lahayn, khaasatan daawada ilkaha waxaa laga qaadi karaa dhibaatooyin halis ku ah caafimaadka markii loo isticmaalo meelo aan ilkaha ahayn, Waxyaabaha lala yaabo waxaa ka mid ah dadka fikradaan faafinayo inay dhaheen in daawada ilkaha la marinayo ibta naaska, waana halis sababtoo ah daawadaasi waxay u sii gudbi kartaa naasha iyadoo ka gudbayso tubooyinka caanaha soo qaado ee ibta ku furan, waana arrin laga qaadi karo cudurro halis ah.
Dhakhaatiirta ilkaha waxay ka digaan in daawada ilkaha aan loo isticmaalin maqaarka maadaama ay keento kor qallayl iyo dildillaac, iskaba daa in la mariyo ama lagu daliigo xubin xasaas ah sida naasaha oo kale.

Vaselin-ta sidoo kale waa maqaar-subkiye, loo adeegsado kaga hortagga kor qallaylka iyo dildillaaca maqaarka, laakiin uma gudbo waxna uma tarto jirka gudihiisa.

Ma jirtaa qaab naasaha loo adkeeyo:
Qaabka kaliya ee naasaha lagu adkeeyo waa in qalliin lagu sameeyo iyadoo xeyr lagu tallaalo ama la geliyo qalab sida buufinka oo kale ah, kaasoo dhowr nuuc u kala baxo, mana ahan waxyaabo loogu talagalay naas la damcsan yahay in ilmo la nuujiyo kaasoo ah hadafka uu Alle dumarka ugu abuuray naasaha. Ogow isbadalka ku dhaca naasaha waa arrin dabiici ah, mana ahan arrin la isku ceebeeyo ama u gaar ah qof gooni ah, waxayna la mid tahay isbadallada kale ee jirka ku dhaco.

Talo & Digniin:
Internetka waxaa lagu soo daabacaa qoraallo iyo video-yo been abuur ah oo hadafkoodu yahay kaliya in la daawado ama la akhristo, qaarkoodne ay xambaarsan yahay fariimo halis ku ah bulshada, marka waxaan ku talinayaa in wax walba oo internetka la soo geliyo aan la rumaysanin ama la dabbaqin, waxaa wax laga naxo ah in arrintaan ay tijaabiyeen haweenka qaar ka mid ah, kuwaasoo noo sheegay inay ku xanuusadeen, qaar waxay ka qaadeen infekshanka loo yaqaano "Mastitis", qaar kale xasaasiyad iyo naasaha oo bararay, qaarne maqaarka naasaha oo isbadalay.

Ogow wax walba oo aad akhriso ama daawato in aad iska hubiso adigoo weydiinayo dadka aqoonta u leh inta aadan ku tijaabin jirkaaga, ogow jirkaagu waa amaano Alle kuu dhiibtay sidaa rabtid k**a yeeli kartid. Caafimaad baan idiin rajaynayaa.

W/Q : somali Doc
Please like and share

24/03/2021

■ Catheterazation

Waa qalab lagu soo saaro kaadida

□ Types Of Catheter

Guud ahaan catheter waxaa lo qeybiyaa laba qeybood oo kala ah

1. Temporary catheter
2. Permanent catheter

□ Temporary Catheter

Kateetarka noocaan waa mid ku meel gaar ah waxaana loo qeybiyaa saddex
qeybood oo kala ah :-
▪Taiman,
▪palon,
▪merocial.

□ Permanent Catheter

Kateetarka noo can ah waxaa loo isticmaalaa si joogto ah waxaana lo qeybiyaa saddex
qeybood oo kala ah: - folly

1. Catheter,
2. Palon catheter,
3. Pazer catheter

□ Purpose of Catheter

Ujeedada kateetarka lo isticmaalo waxaa kamid ah:-

1. Qofka oo aan caadi u kaadin Karin taana waxaa sabab u ah murqaha kaadi haysta oo
tabar yareeyo, ayagoo aan awoodin inay kaadida soo saaraan.

2. Kaadi haysta oo lagu dhaqo daawooyin ayadoo la raaciyo kateetarka sida solusion
lagu dhaqo kaadi haysta.

3. Prostate gland oo qofka ku weynaado.
4. Urinary tube oo infection qaado ama dhagax isku gooyo
5. Buro ka soo baxdo kaadi haysta dhexdeeda iyo siyaabooyin kale oo badan.

□ Purpose of Permanent Catheter

1. Marka uusan bukaha awoodin inuu iskii u kaadiyo.
2. Marka bukaha laga qalo habdhiska dheefshiidka ama xubnaha taranka iyo kaadi
mareenka.
3. Marka uu bukaha ku weynaado prostate gland.

□ How To Make Female catheter

1. Parafenta ku wareeji sariirta bukaha.
2. Nadiifi genital-ka haddi uu wasaqeysan yahay adigoo isticmaalayo gloves aan sterile
ahayn iyo gauze sterile ah oo anti-septic wata.

3. Useexi bukaha gadicad ayadoo la kala fogeynayo lugaha in yarna lagu soo laabayo
caloosha.

4. Haddii ay qoftu tahay haween tahay useexi gedicad kadibna ka gali dhabarka barkin
yar ama meel ku aadan miskaha.

5. Soo qaado gaarso sterile ah kuna nadiifi volvaha adigoo ka bilaabayo xagga sare
soona raacinayo xagga hoose.

6. Gaarso sterile ah ku dabool saxaaxa haddii uu leeyahay dheecaan.

7. Iska siib gloves-kii h**e xirana mid cusub soona qaado kateetar sterile ah oo mari
afka h**e lubricate. ama saliid

8. Gacanta bidix ku kala qaad dibnaha waa weyn iyo kuwa yar yar si ay si wanaagsan
kuugu muuqato kaadi mareenka duleelkiisa.

9. Gacanta ku qabo kateetarka adigoo u qabanayo sida qalinka oo kale.

10. Gali kateetarka duleelka kaadi mareenka adigoo aan xanuunjineyn, isticmaalayana
hab dabacsan si aadan u xanuujin ama aadan u dhaawicin xuubka kaadi mareenka

11. Gali kateetarka ilaa aad ka gaartid kaadi haysta taasoo lagu garanayo kaadi soo
raacdo kateetarka kadibna ku rakib urine-bag.

□ How To Make Male Catheter

1. Gasho gloves non-sterile ah.
2. Soo qabo pen*s-ka oo in yar soo jiid, gacanta kalena ku soo qaado gaarso anti-septic
leh, kuna nadiifi afka h**e ee xubinta taranja.
3. Iska sib gloves-kii h**e gashana mid cusub, soo qaado kateetar sterile ah, oo mari
afka h**e lubricate.

4. Gacanta bidix in yar kor u soo qaboxubinta taranka( pen*s-ka) gacanta midigna ku qabo kateetarka
adigoo marba marka uu galo hoos u dajinayo si uu si wanaagsan kuugu furmo kaadi mareenka.
5. Gali kateetarka ilaa 14cm ama ilaa ay kaadi soo baxdo

Share

Dr shaahid

24/03/2021



Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo
waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti
ka mid ah noloshooda. Inkastoo ay xanuun leedahay
lagana xishoodo, caadi ahaan waa xaalad culus balse inta badan layska dheelsado.



Calaamadaha lagu yaqaano waa...
1) Cuncun agagaarka futada.
2) Dhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la
saxaroodo.
3) Xanuun iyo raaxo daro inta la saxaroonayo iyo
wax yar ka dib.
4) Barar, kurtun ama kuus-kuus yar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada.
5) Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon

Haddii babaasiirtu ay kuu keentay xanuun badan iyo
raaxo-daro, waa inaad u tagtid Dhakhtar si dagdag ah.



Waxa loo haystaa in babaasiirta ay caloosha
adagi sababto. Haddii calooshu ku adag tahay
muddo dheer badanaana ay dhib kugu tahay sidii
aad u dhigi lahayd saxarada adag, waxay taasi
dhaawac u geysan kartaa gidaarka ama darbiga marinka futada.

Wax kasta oo xayiraya kor-u-socodka xorta ah ee dhiigga maraya xididadaa waxa uu keenaya in cadaadisku ku kordho, taasina waa sababta inta badan babaasiirta loogu arko haweenka uurka leh.

:

Dadka intiisa badan ee leh babaasiirta way gartaan calaamadaha lagu yaqaano.
Weydii DR ka la-talin, haddii aad shaki qabtidna la xiriir Dhakhtarka.

Haddii aad qabtid dhiig-bax aan sababtiisa
la garanaynin oo ka yimid malawadka ama futada,
waa in Dhakhtarkaaga ku arko wakhtiga ugu
dhakhasaha badan ee suurogalka ah.



Calaamadaha waxa lagu daaweyn karaa daawooyin
Aad iskaaga cirib tiri karto xanuunka waxa kamidah sida Chitosan.

xanuunkan

whatsApp: +252616866578 / Telegram: +252616866578

10/03/2021

Madaxweynihi h**e ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

Allaha u naxariisto

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu