Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya

Call Directions Website Contact the organization

Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya Official page of the Supreme Court of the Federal Republic of Somalia �

04/09/2026

Muuqaal: Kelmadda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Mudane Baashe Yuusuf Axmed ee daahfurka Ururka Garsooreyaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝟑, 𝐒𝐞𝐩𝐭𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫, 𝟐𝟎𝟐𝟔:— Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf ...
03/09/2026

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝟑, 𝐒𝐞𝐩𝐭𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫, 𝟐𝟎𝟐𝟔:— Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Siciid Maxamed Cali, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray la tashiga garsooreyaasha ee Dastuurka lagu dhisayo Ururka Garsooreyaasha Soomaaliya.

Dhismaha ururkan ayaa muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta garsooreyaasha dhammaan dalka, horumarinta xirfadda garsoorka iyo mideynta dedaallada lagu horumarinayo nidaamka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in ururku uu door muuqda ka qaadan doono horumarinta aqoonta iyo xirfadaha garsoorayaasha, is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista hufnaanta iyo madaxbannaanida garsoorka.

Geesta kale waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in garsooreyaashu yeeshaan haayad metasha danahooda xirfadeed, isla markaana ka shaqeysa horumarinta iyo tayaynta garsoorayaasha, si bulshada u hesho garsoor iyo caddaaladd hufan.

Gabogabadii Guddoomiyaha ayaa xusay in ururka garsooreyaasha Soomaaliya uu la jaanqaadi doono ururrada dhiggiisa ah, sida Ururka Garsooreyaasha Bulshada Bariga Afrika, Midawaga Afrika iyo Adduunka, isla markaana uu la samayn doono xidhiidho joogta ah gaar ahaan dhinacyada aqoon is-waydaarsiga, is-dhaafsiga khibradaha iyo kor uqaadidda madaxbanaanida garsoorka.

Hoos ka akhriso xukunka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo saartay doorashooyinkii isku-sidka...
24/08/2026

Hoos ka akhriso xukunka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo saartay doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

24/08/2026

Daawo: Ku dhawaaqista xukunka Maxkamadda Sare.

Muqdisho, 24 Agoosto 2026 — Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo saartay dacwad la xiriirtay doorashoo...
24/08/2026

Muqdisho, 24 Agoosto 2026 — Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo saartay dacwad la xiriirtay doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Maxkamaddu, kaddib markii ay dhageysatay dhinacyada dacwadda, isla markaana ay qiimeysay doodaha iyo caddeymaha la hor keenay, waxay go’aamisay in doorashadii dhacday 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadeedu aysan lahayn jiritaan sharci ah.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha inuu waqtiga ugu dhow ee macquulka ah qabto doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaannada Galmudug, iyadoo la dhowrayo Dastuurka, Sharciga Doorashooyinka iyo xeerarka khuseeya.

Dhanka kale, iyadoo la tixgelinayo danta guud iyo joogtaynta adeegga dowladnimo, Maxkamaddu waxay amartay in hay’adaha hadda jira ay sii hayaan xilalka inta laga helayo kuwa ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟏𝟔 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭 𝟐𝟎𝟐𝟔: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa si rasmi ah u daahfuray ...
16/08/2026

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟏𝟔 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭 𝟐𝟎𝟐𝟔: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa si rasmi ah u daahfuray Munaasabadda Qaran ee Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa khudbaddiisa carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay ilaalinta xuquuqda da’yarta iyo xaqiijinta hannaan caddaaladeed oo waafaqsan baahiyahooda, isaga oo sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo in sharciga si dhab ah oo wax-ku-ool ah loo dhaqan-geliyo.

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟏𝟑 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭 𝟐𝟎𝟐𝟔:— Machadka Tababarka Garsoorka ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah gabdhah...
13/08/2026

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟏𝟑 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭 𝟐𝟎𝟐𝟔:— Machadka Tababarka Garsoorka ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah gabdhaha ku jira tababarka mihnadda qareennimada ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Machadka, Mudane Axmed Heeraab, ayaa furay kulanka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la dhegeysto aragtiyaha, waayo-aragnimada iyo caqabadaha gabdhaha.

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝟏𝟐, 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭, 𝟐𝟎𝟐𝟔:—Machadka Tababarka Garsoorka Soomaaliya, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah ga...
12/08/2026

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝟏𝟐, 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭, 𝟐𝟎𝟐𝟔:—Machadka Tababarka Garsoorka Soomaaliya, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah gabdhaha dhigta kulliyadaha sharciga kuna jira sannadkii ugu dambeeyay, kuwaas oo ka kala socday jaamacadaha kala duwan Muqdisho.

Kulanka oo qayb ka ahaa wadatashiyada socda ayaa diiradda lagu saaray kaalinta haweenka iyo sidii loo xoojin lahaa ka qayb-galka mihnadaha sharciga, garsoorka iyo adeegga caddaaladda.

Kulanka waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Machadka Tababarka Garsoorka, Mudane Axmed Heraab, iyo Mudane Fahad Arteh, Garyaqaan Sare, Khabiir Sharci iyo La-taliyaha Sare ee Sharciga ee Maxkamadda Sare. Ardayda waxaa la siiyay dardaaran iyo dhiirrigelin ku saabsan marxaladda cusub ee ay geli doonaan marka ay dhammaystaan waxbarashadooda, iyadoo lagu boorriyay inay mihnaddooda ku dhisaan aqoon, anshax, hufnaan iyo daacadnimo.

Intii ay dooddu socotay, ardaydu waxay aragtiyo ka dhiibteen caqabadaha horyaalla gabdhaha ku soo biiraya mihnadda sharciga iyo fursadaha lagu xoojin karo ka qaybqaadashadooda qareennimada, xeer-ilaalinta, la-talinta sharciga iyo qaybaha kale ee caddaaladda. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la siiyo tababarro shaqo iyo hagid xirfadeed ardayda qalin-jabinaysa.

Machadka Tababarka Garsoorka ayaa soo dhaweeyay talooyinka iyo aragtiyihii ardayda, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan ka qaybqaadashada wadatashiyada socda.

Ardayda waxaa sidoo kale lagu casuumay inay qayb ka noqdaan Shir-weynaha Qaran ee Haweenka ku jira Sharciga, Garsoorka iyo qaybaha kala duwan ee nidaamka caddaaladda, si codka jiilka cusub uu uga mid noqdaan talooyinka iyo jihada mustaqbalka.

Muqdisho, 9 Agoosto 2026:— Machadka Tababarka Garsoorka ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ku dhowaad 30 haween ah oo is...
09/08/2026

Muqdisho, 9 Agoosto 2026:— Machadka Tababarka Garsoorka ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ku dhowaad 30 haween ah oo isugu jiray xeer-ilaaliyeyaal iyo tabobartayaal sharci oo ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waayo-aragnimada haweenka, caqabadaha ay la kulmaan, iyo sidii loo xoojin lahaa ka-qaybgalkooda, tababarkooda iyo horumarkooda xirfadeed ee hay’adaha caddaaladda.

Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarka Garsoorka, Mudane Axmed Heeraab, ayaa sheegay in wadatashigu qayb ka yahay hannaan ballaaran oo lagu ururinayo aragtida haweenka bahda sharciga iyo caddaaladda, isla markaana lagu diyaarinayo shirweyne qaran oo arrintan ku saabsan.

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoork...
08/08/2026

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay in ka badan 70 haween Soomaaliyeed oo isugu jira qareenno iyo gabdho dhawaan ku guuleystay Imtixaanka Qareennada.

Wadatashiga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta kaalinta haweenka ee bahda caddaaladda, horumarinta xirfadahooda iyo kordhinta ka qaybgalka hay’adaha caddaaladda. Ka qaybgalayaashu waxay adkeeyeen baahida loo qabo madal joogto ah oo ay ku wadaagi karaan waayo-aragnimadooda iyo caqabadaha ay la kulmaan. Waxaa sidoo kale la tilmaamay muhiimadda tababarrada xirfadeed, hagidda, isku-xirka xirfadlayaasha iyo kordhinta ka qaybgalka haweenka.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in hoggaanka Garsoorku ay ka go’an tahay dhageysiga iyo tixgelinta aragtiyaha haweenka ku jira mihnadda sharciga. Isagoo xusay doorka taariikhiga ah ee haweenka Soomaaliyeed, wuxuu soo qaatay tuduc ka mid ah maansada Abwaan Hadraawi:

“Hablo weerar geli kara…
Garta madal ka niqi kara.”
Talooyinka iyo aragtiyaha laga soo ururiyey kulankan ayaa qayb ka noqon doona diyaarinta madasha qaran ee haweenka ku jira mihnadda sharciga iyo bahda caddaaladda.

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00

Telephone

+2521867799

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya:

Shortcuts

Share