14/05/2026
Ururka Madalsan oo magacaabay qaar ka mid ah maamulka Degmada Matabaan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle
Fadlan la xariir +252 61 8798164 iyo +252 61 5833428
Aragtida Madalsan waa Soomaaliya oo muwaadin walba cod leeyahay, Maamul Gobaleed kasta + Maamul Gobaleedka Banaadir matalaad uu leeyahay, oo jiil walba fursad heli karo.
14/05/2026
Ururka Madalsan oo magacaabay qaar ka mid ah maamulka Degmada Matabaan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle
14/05/2026
Hogaamiyaha urur Siyaasadeedka Madalsan ee Dowlad Gobaleedka Galmudug oo magacaabay qaar ka mid ah Maamulka Degmada Cadaado
Dowlad Gobaleedka KGS hadda ayay Hogaamiye Heshay...
Xafladda Shaacinta Musharax Madaxweyne Dowlad Gobaleedka KGS Dr. Ibrahim Moalin Nur....
06/05/2026
Soo dhawaaw Musharax Madaxweyne Dowlad Gobaleedka KGS Dr. Ibrahim Moalim Nurow.
Halkan waa Baydhaba Janaan iyo Urur Siyaasadeedka Madalsan
Reer Baydhaba Janaay Guuleysta
03/05/2026
Urur Siyaasadeedka Madalsan waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqayaa musharraxa Ururka Madalsan ee xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed;
Mudane: Dr. Ibrahim Moalim Nur
Dr. Ibrahim Moalim Nur waa halgamaa qaran, hoggaamiye geesi ah, iyo shaqsi muddo dheer u adeegayay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka danyarta ah ee u baahan gargaar iyo daryeel.
Waa aasaasaha xarumo caafimaad (isbitaallo) oo loogu talagalay in lagu badbaadiyo laguna daryeelo dadka aan awoodin adeegyada caafimaadka, taas oo ka tarjumeysa naxariistiisa, xilkasnimadiisa iyo u heellanaantiisa adeegga bulshada.
Ururka Madalsan waxa uu aaminsan yahay in Dr. Ibrahim uu leeyahay:
• Aragti fog oo hoggaamineed
• Khibrad iyo karti siyaasadeed
• Daacadnimo iyo u adeegidda shacabka
• Hufnaan iyo cadaalad
Barnaamijka Musharraxa
Musharrax Dr. Ibrahim Moalim Nur waxa uu xoogga saari doonaa:
• Xoojinta amniga iyo nabadgelyada
• Furidda wadooyinka iyo isu-socodka deegaanada KGS
• Horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka
• Sugidda cadaaladda iyo dowlad wanaagga
• Horumarinta adeegyada bulshada (caafimaadka iyo waxbarashada)
• Dhiirrigelinta midnimada iyo wadajirka bulshada
Fariin ku socota Shacabka
Ururka Madalsan waxa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Koonfur Galbeed in ay taageeraan musharraxa Dr. Ibrahim Moalim Nur, si loo helo hoggaan cusub oo horseeda nabad, horumar, cadaalad iyo mustaqbal ifaya.
Guusha shacabka waa guusha Madalsan.
Degmada Walawayn iyo Urur Siyaasadeedka Madalsan Party
Kooxda ololaha doorashada oo booqanaya Kaamamka Dadka tabaalaysan.
DEGMADA WALALWAYN: KOOXDA OLOLAHA MADALSAN OO albaabada xaafadaha degmada Walalwayn GARAACEYSA
Walalwayn waa codeysay....
29/04/2026
DEGMADA WALALWAYN: KOOXDA OLOLAHA MADALSAN OO ALBAABADA XAAFADAHA GARAACEYSA
Kooxda ololaha doorashada ee Urur Siyaasadeedka Madalsan ayaa si firfircoon uga wada ololaha Degmada Walalwayn, iyagoo albaab kasta garaacaya si ay fariinta ururka ugu gudbiyaan bulshada, ugana helaan kalsoonida iyo codadka shacabka. Ololahan tooska ah wuxuu muujinayaa dadaal, hufnaan iyo xiriir dhow oo lala yeesho bulshada.