21/04/2025
WAR-SAXAAFADEED
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xisbiga Soomaalida Cusub, Political Party, Mogadishu.
Xisbiga waxa ay u taagantahay in helidda Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan sareynta sharciga ama Caddaaladda Bulshada, Xoojinta Midnimada Dalka, Daadejinta Federaalka iyo Awoodaha Maamulka Dowliga ah ee Guud ahaan Dalka, Dhisidda Aqoonta bulshada Himilada Xisbiga waxa ay u taagan tahay in la soo celiyo Wadaniyadii, Sharaftii iyo Karaamadii Dalka iyo Ummadda, ka wacyi gelinta bulshada qabyadda iyo Afkaarta ama Aydiolojiyadda ku dhisan gacan ka hadalka iyo ku Abuurista Bulshada dareen Waddaninimo
21/04/2025
WAR-SAXAAFADEED
10/04/2025
Maanta oo ay tarikhdu tahay 8/4/2024 Waxa xilka xoghaya guud ee xisbiga soomaalida cusub loo magacabay Mudane Cabdikafi Cabdullahi Maxamud kaas oo leh waayo-aragnimo ballaaran oo ku aaddan siyaasadda iyo hoggaaminta.
Mahadsanidiin
12/05/2021
Eid Mubarak dhamaan umada soomaaliyeed
12/04/2021
Xisbiga Soomaalida cusub waxa uu hambalyeenayaa dhammaan ummada Islaamka dhalashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxaanan Ilaahay ka baryaynaa inuu dhammaanteen inaga aqbalo acmaasha saalixa ah, Bishan bisheedana inagu gaadhsiiyo cimri-dherer, caafimaad-qab iyo cibaado suubban. Ramadaan Mubarak.
23/02/2021
Kadib dhowr maalmood oo kulamo joogta ah noo socdey waxaan maantay soo saarnay warmurtiyeed ku saabsan xaalada dalku marayo maantay, waxaan dowlada somaaliya ka codsanaynaa in ay dhagaysato baaqa xisbiyada dalka, baaqa shacabka iyo baaqa siyaasiyiinta iyo waxgaradka somaaliyeed ay soo jeedinayaan Xisbiga Soomaalida Cusub wuxu shacabka Somaliyeed u rajayanayaa nabad galyo waarta Horumar iyo waxqabad wanagsan.
Xisbiga Soomaalida Cusub
Maantaa oo tariikhdu tahay 30/12/2020 Malin Arbaco ah , Anakoo Tixraaceeno Dastuurka Ku-meel Gaarka ee qaranka Soomaaliya Qodobka 10aad. Karaamada Aadanaha Farqadiisa (3) Awoodda Dowladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel ugu dhicida karaamadda Aadanaha, qaatasan dadka degan Gobolka Hiiraan, hadaba waxa aan canbaareynenaa caburinta lagu haayo Reer Hiiraan.Waxaan ugu digaynaa Dawladda Federaalka in ay ka joojiso caburinta ay ku heyso dadka Reer Hiiraan taasoo oo keeni karta cawaaqib fool xun. Hadaba waxa aan soo jeedineenaa in dhibaatadda ka jirta Hirshabeelle lagu dhameeyo wadahadal iyo is afgarasho ee dowladda federaalkane ka noqoto dhexdhexaad.
Wabillahi Towfiiq