30/08/2026
WACYIGELINTA KOR U QAADIDDA ISQORISTA IYO JOOGTAYNTA WAXBARASHADA GABDHAHA
30/08/2026, xarunta Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Cali Xuseen waxaa lagu qabtay kulan wacyigelin ah oo diiradda lagu saaray kor u qaadidda isqorista gabdhaha iyo joogtaynta waxbarashadooda.
Wacyigelinta waxaa iska kaashaday Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mashruuca Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (GPE) iyo Dugsiga Cali Xuseen, iyadoo ay ka qayb qaateen guddiga waalidiinta, macallimiinta iyo bulshada deegaanka.
Ololaha ayaa sidoo kale gaaray qoysaska ku hareeraysan dugsiga, kuwaas oo lagu wacyigeliyey muhiimadda waxbarashada gabdhaha, dhiirrigelinta isqoristooda iyo ka hortagga ka-harista dugsiga.
Wacyigelintu waxay xoojisay iskaashiga dugsiga, waalidiinta iyo bulshada, si gabadh kastaa u hesho waxbarasho ammaan ah, joogto ah oo tayo leh.
“Waxbarashada gabadhu waa maalgashi lagu dhisayo qoys aqoon leh, bulsho horumarsan iyo mustaqbal ifaya.”