Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Directions Website

Golaha Dhaqaalaha Qaranka Ku soo dhawoow bogga rasmiga ah ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqa...
07/09/2026

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Muqdisho kula kulmay hey'adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayagoo wada tashi kala yeeshay Hindisaha Xoojinta Dhaqaale Nabadeed, oo ku saleysan Hiigsiga Qarni-jirka 2060 (CV2060) iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka waxaa uu soo bandhigay natiijooyinka muhiimka ah ee sahan laga qaaday bulshada iyo daraasad oo uu Goluhu ka sameeyay. George Conway, isku-duwaha He'yadaha Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay horumarka Soomaaliya ee dhinaca nabadda iyo koboca dhaqdhaqaaqyada ganacsiyada cusub ee ay nabaddu abuurayso. Hindisuhu oo cilmi-baaris dhaqaale ku qotoma wuxuu si qoto dheer u eegi doonaa qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha si loo dardargeliyo koboca iyo isbeddelka dhaqaale ee Soomaaliya.

———————

Facebook: https://www.facebook.com/NECSOMALI
X(Twitter): https://x.com/nec_somalia
TikTok: https://www.tiktok.com/
YouTube: https://youtube.com/NECSomalia
Website: www.nec.gov.so

Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Dhaqaalaha (NEC), ahna La-taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ay...
28/08/2026

Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Dhaqaalaha (NEC), ahna La-taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa kulan la yeeshay Chris Politis, Madaxa UNDP Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga soo saarista aqoonta, falanqaynta wadajirka ah, dejinta siyaasadaha ku salaysan xog iyo caddayn, iyo maalgelinta horumarinta dhaqaalaha.

———————

Facebook: https://www.facebook.com/NECSOMALI
X(Twitter): https://x.com/nec_somalia
TikTok: https://www.tiktok.com/
YouTube: https://youtube.com/NECSomalia
Website: www.nec.gov.so

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, a...
13/08/2026

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa xarunta NEC kula kulmay Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayagoo ka wada hadlaan xoojinta iskaashiga cilmi-baarista, soo-saarka aqoonta iyo horumarinta raasamaalka aadanaha.

———————

Facebook: https://www.facebook.com/NECSOMALI
X(Twitter): https://x.com/nec_somalia
TikTok: https://www.tiktok.com/
YouTube: https://youtube.com/NECSomalia
Website: www.nec.gov.so

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Dr. Xasan Aadan Hoosow, iyo Madaxa Wa...
11/08/2026

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Dr. Xasan Aadan Hoosow, iyo Madaxa Wada-xaajoodka Ganacsiga ee WTO Saadiq Cabdikariim ayaa Muqdisho kula kulmay David Beer oo ah Madaxa TradeMark Africa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ajandaha Soomaaliya ee is-dhexgalka gobolka iyo ganacsiga, oo ay ka mid yihiin WTO, EAC iyo AfCFTA, iyo fursadaha lagu xoojinayo fududeynta ganacsiga, ballaarinta helitaanka suuqyada, iyo soo jiidashada maalgashiga.

Wadahadalladu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in ganacsiga iyo wax soo saarka Soomaaliya loo beddelo fursado dhaqaale oo la taaban karo, iyo koboc dhaqaale oo uu hoggaamiyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

———————

Facebook: https://www.facebook.com/NECSOMALI
X(Twitter): https://x.com/nec_somalia
TikTok: https://www.tiktok.com/
YouTube: https://youtube.com/NECSomalia
Website: www.nec.gov.so

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, Dr. Xasan Adam Hoosow, ayaa Soomaali...
13/07/2026

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, Dr. Xasan Adam Hoosow, ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika (African Economic Conference 2026) oo lagu qabtay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire.

Shirkan oo halkudhiggiisu ahaa “Sare u Qaadidda Kaalinta Afrika ee Dunida Isbeddelaysa”, ayaa isu keenay hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha, siyaasad-dejiyeyaasha, aqoonyahannada iyo khubarada qaaradda si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dhaqaalaha Afrika, kor u qaadidda iskaashiga, iyo dardargelinta horumar waara.

Intii uu shirku socday, waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Midowga Madaxda Dhaqaalaha Afrika (African Chief Economists Network), oo ah madal cusub oo mideynaysa madaxda hay’adaha dhaqaalaha ee dalalka Afrika. Madashan ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta iskaashiga, is-weydaarsiga aqoonta iyo waaya-aragnimada iyo horumarinta talooyin siyaasadeed oo wax ku ool ah si loo dardargeliyo koboca, adkeysiga iyo isdhexgalka dhaqaalaha Afrika.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan wuxuu muujinayaa doorka sii kordhaya ee dalku ku leeyahay doodaha iyo dadaallada lagu hagayo mustaqbalka dhaqaalaha Afrika, iyadoo la sii xoojinayo iskaashiga heer gobol iyo heer qaaradeed.

———————

Facebook: https://www.facebook.com/NECSOMALI
X(Twitter): https://x.com/nec_somalia
TikTok: https://www.tiktok.com/
YouTube: https://youtube.com/NECSomalia
Website: www.nec.gov.so

🇸🇴 Hambalyo 26-ka Juun 🇸🇴Waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda 26-ka Juun awgeed, taas ...
25/06/2026

🇸🇴 Hambalyo 26-ka Juun 🇸🇴

Waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda 26-ka Juun awgeed, taas oo ku astaysan Maalinta Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Maalintani waxay astaan u tahay halgan, xorriyad, iyo midnimo Soomaaliyeed.


Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dr. Mahad Mohamed Hassan oo maanta Golaha Wakiilla...
04/06/2026

Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dr. Mahad Mohamed Hassan oo maanta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Dr. Mahad wuxuu h**e uga tirsanaa Golaha Dhaqaalaha Qaranka, isagoo door muuqda ka qaatay dadaallada lagu horumarinayo siyaasadaha dhaqaalaha iyo qorsheynta horumarka dalka.

Goluhu wuxuu Dr. Mahad u rajeynayaa guul iyo waxqabad wanaagsan xilkan cusub ee loo igmaday.

Hambalyo Guddoomiye Dr. Mahad Mohamed Hassan.

-------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

Facebook: https://www.facebook.com/NECSOMALI
X (Twitter): https://x.com/nec_somalia
TikTok: https://www.tiktok.com/
YouTube: https://youtube.com/NECSomalia
Website: www.nec.gov.so

Nairobi - Kenya: Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Hay'adda KIPPRA ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad kaas oo ku ...
15/05/2026

Nairobi - Kenya: Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Hay'adda KIPPRA ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad kaas oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa tayada cilmi baarista iyo xogta dhaqaalaha dalka.

Heshiiskan ayaa noqon doona mid sare loogu qaado xirfadda cilmi baarayaasha dhaqaalaha si loo soo saaro xogo rasmi ah oo aan u adeegsan karno kobcinta dhaqaalaha dalka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Hay'adda KIPPRA ayaa sidoo kale si wada jir ah usoo saari doona warbixinno iyo daraasaado cilmiyeed oo ku saabsan kobaca dhaqaalaha labada dal ayadoo aynu wadaagi doonno xogaha muhiimka ah.



———————

Facebook: https://www.facebook.com/NECSOMALI
X(Twitter): https://x.com/nec_somalia
TikTok: https://www.tiktok.com/
YouTube: https://youtube.com/NECSomalia
Website: www.nec.gov.so

15/05/2026

Address

Info@nec. Gov. So
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Dhaqaalaha Qaranka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share