Waxaa ka hadlaya odayaasha labada beelood, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Galgaduud Oo ugu Danbeen wareejiyay Saciid
kuwaas oo adkeeyay muhiimadda nabadda, Wadajirka iyo xalinta khilaafaadka Si ehelnimo ku dhisan.
Taliska Booliska Qaybta Galgaduud
Halkaan kala soco xogta iyo wararka taliska booliska qaybta galgaduud
Taliyaha Qaybta Booliska Galgaduud, Taliye Maxamed Toreeye, iyo Taliyaha Madaxtooyada Galmudug, Taliye Xidig, ayaa Goob joog u ahaa Gogol Nabadeed
Shirkii Oo Socda Waxaa Siciid Cabdulaadir Maxamed, Oo Dhawaan Maleeshiyaad hubeysan ay ku qabteen Meel u dhow deegaanka Bali-Sonkor ee Gobolka Galgaduud, ayaa halkaas lagu wareejiyay .
Taliyaha Qaybta Booliska Galgaduud ayaa hadal kooban ka jeediyay Wareejinta , isagoo Uga mahadceliyay odayaasha labada dhinac doorkii ay ka qaateen nabadeynta iyo xalinta arrinta.
Taliyuhu Waxa uu si rasmi ah ugu Wareejiyay Siciid Cabdulaadir Maxamed odayaasha Beesha Celi.
Sidoo kale, odayaasha Beesha Reer Xaaji Salebaan iyo odayaasha Beesha Celi ayaa Si Wanaagsan, ehelnimo iyo is-ixtiraam ku dhisan u wada hadlay,
isla Markaana isugu mahadceliyay Wada shaqeynta iyo dadaalka nabadeed. Arrintan ayaa muujinaysa midnimo, Wadajir iyo Xal bulsho ku dhisan.
25/11/2022
Waxaa saldhiga boliska dagmada caabudwaaq
Soo weeraray malayshiyo beeleed kamid ah beelaha dagan magaalada wax qasaaraa majiraan dhanka boliska dhanka kale waxay cidanka boliska saldhigu gacanta kudhigeen qayb kamida ragii soo weeraray saldhiga iyo hubkii ay wateenba waxayna ku xiran yihiin hada saldhiga degmada cwaaq
Sida kale xalada guud Ee dagmada wey dagantahay wax dhibana kamajiraan
26/10/2022
Waxaa saakay maxkamada Degmada Caabudwaaq lahor geeyay eedaysanayaal ciyaal weero ah waxayna ku eedaysan yihiin dhac taleefano ay kadheceen dad shacab ah xiliga habeenkii dadku ay xaafadaha magaalada usii dheel manayaan
16/10/2022
DEG DEG Taliyaha Booliska Galmudug ayaa L/Xle liibaan Cabdi Osman u magacabay Taliyaha Cusub Ee Taliska Booliska Degmada Caabudwaaq
20/09/2022
Hanbalyo hanbalyo waxaa taliska BOOLISKA DEGMADA CAABUDWAAQ hanbalyo heerkeedu sareeyo hawada umarinayaa g/le cilmi cabdi cumar oo loo magacaabay taliyaha c.i.d.da galamudug waxaana illaahay uga baryeynaa inuu ku asturo xilka culus ee loomacaabay col cimi
03/08/2022
Hawlgal lagu xaqiijinayay amniga Degmada Caabudwaaq oo ay caawa Ciidanka Amaanka Degmada Caabudwaaq kasameeyeen Xaafado kamida Degmada ayay kusoo qabteen 15 kartoon oo khamri ah una dhiganta 360 dhalo,
Khamridan Ayaa Sida Sarakiisha Ciidanku Sheegeen lagu qariyay guri Kuyaala Xaafada kowda luuliyo ee Degmada Caabudwaaq Ayadoona Larabay in Loo gudbiyo Degmooyin kale Oo katirsan Galmudug, Walow Ciidamadu ay Ka war heleen Gacantana Ay Kusoo dhigeen .
XAFIISKA WARFAAFINTA TALISKA BOOLISKA DEGMADA CAABUDWAAQ.
01/08/2022
Maxkamada Degmada Caabudwaaq Ayaa maanta Xukun kuriday Sadex nin oo dhawaan Taliska Booliska Degmada Caabudwaaq ku Qabteen Qamri Gaaraysa 350 dhalo kuwaas oo Degmada kasoo Galinayay Dhinaca Xadka Deegaanka Soomaalida.
Ragan Laxukumay Ayaa Kala ah
1: bashiir xasan khaliif,
2: Khalif Xashi Cabdi
3: Cali Cabdi salaad
Waxaana lagu xukumay Xabsi Kala duwan Iyo Ganaax lacageed.
XAFIISKA WARFAAFINTA TALISKA BOOLISKA DEGMADA CAABUDWAAQ.
Waxaa maanta Degmada Caabudwaaq kafurmay Koobka Xaafadaha Degmada Caabudwaaq, kaas oo ilin fur u ah Nabada iyo Xasiloonida.
Nabadu waa Furaha nolasha iyo hormarka
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Mogadishu
2022
