Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka Dalka Turkiya

Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka Dalka Turkiya

Share

اللجنة الصومالية لإغاثة متضرري الزلزال في تركيا

Photos from Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka Dalka Turkiya's post 19/02/2023

Guddoomiyaha Guddi Howleedka Waxbarashada ee Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga ahna Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Md. Faarax Sh. C/qaadir ayaa Guddoomiyay Kulanka Bahda Waxbarashada ee qaybta ka ah Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga.

Bahda Waxbarashada ayaa siiyay warbixn ku aaddan dedaallada uruurinta qaaraanka ee Gurmadka, iyagoo sheegay in si horudhac ah lacago ugu shubeen Accounnada Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga.

Ugu Dambayn, Wasiit Faarax Sh. C/qaadir oo ku hadlayay afka Guddiga Qaran ee Guddiga Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga ayaa u mahadceliyay, isagoo ka codsaday Bahda Waxbarashada in la kordhiyo ka qaygalka Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga.

19/02/2023

Guddiga Qaran ee Gurmad Dhulgariirka Dalka Turkiga waxuu u mahadcelinaya Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya Md. Abdiaziz Hassan Lafta-gareen oo Accoun-ka Guddiga Gurmad Qaran ku shubay lacag $100,000.

19/02/2023

“Madaxwaynaha Turkiga markuu yimid Soomaaliya wuxuu yiri Dadka Soomaaaliyeed aan ugu gurmanno sida in ay yihiin muwadiiniin Turki ah oo kale, maarka waa inaan u gurmanno walaalaheen Turkiga oo aan u abaal celinno, Soomaaliyeey xil ayaa innaga saran garab istaagga walaalaheen” Abdiwali Mohamed Ahmed Bulshada Raydka

19/02/2023

Dunta Soomaalida waxaa lagu ogaanaa kaalinta ay ka qaatan Gurmadka Walaalaheen Turkiga, Waa Dad Muslimiin ah oo ay Dhibaato ka dhacday sidaas Darteed aan ilaahey dartiis ugu gurmanno marka 1-aad, Marka Xigtana in yihiin walaalo abaal nagu leh darted aan ugu gurmanno”, Dr. Maxamuud Macallin Yaxye Wasiiru Dowlahii h**e ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta.

19/02/2023

“Dhulgariirka ka dhacay Dalka Turkiga waxaa lagu imtixanayaa Dadka Muslimiinta oo dhan oo aan annaga ku jirno, si aan u badbaadno adduun iyo aakhiro waa inaan garab istaagnaa oo caawinno Walaalaheen ay ku dhacday Qadarta Alle” ,
Sh. Cabdulbaari oo ka tirsan Qurraa’da Muslimiinta.

19/02/2023

Somali halk olarak turk kardeslerimize olan felaket bizim icin imtihandir bunu nedenle turk kardeslerimizin yaninda olalim cunku en ck yardim ihtiyac duydugumuz zaman yanimizda oldular “kardesi ne kadar yardim ederse o kadar Allah kisiye yardim eder ”Sh. Abdulkadir Soomow

19/02/2023

Musluman kardesleri bir birleri uzerinde haklari var insanlarini ölen ve evleri yok olan türk kardeslerimize acil yardim edelim
Sh Bashiir Ahmet salad Somali Alimlerin birligi baskani

Photos from Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka Dalka Turkiya's post 18/02/2023

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Md. Faarax Sh. C/qaadir ahna Guddoomiyaha Guddi Howleedka Waxbarashada Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay Bahda Waxbarashada Dalka.

Kulanka Ayaa ujeedkiisu ahaa sida ay Bahda Waxbarashada uga qaybqaadan karto Gurmadka Qaran ee Dhulgariirka Dalka Turkiga.

Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa ku yaboohay $42,000. Sidoo kale Midowga Dallladaha Soomaaliya ayaa ku yaboohay $30,000, Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa ku yaboohay $10,000, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ku yaboohday $10,000 iyo Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Wax kusoo bartay Dalka Turkiga ay ku yabooheen $10,000.

Ugu Dambayn, Wasiir Faarax C/qaadir, Prof. Xuseen Iimaan iyo Sh. C/qano Qorane oo ku hadlay afka Guddiga ayaa uga mahadceliyay Bahda Waxbarashada kaalinta ay ka qaateen Gurmadka Qaran ee Dhulgariirka Dalka Turkiga.

18/02/2023

Guddiga Qaran ee Dhulgariirka Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga waxaa uu caawa oo ay taariikdu tahay 18-Feb-2023, saacadda 9:00pm, qabanayaa Twitter Space ku saabsan Arrimaha Gurmadka Qaran ee Dhulgariirka Dalka Turkiga.

18/02/2023

Muddanayaasha Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliyaa ayaa u codeeyay in 20% Mushaarkooda ay ku tabarrucaan Gurmadka Qaran ee Dhulka Dalka Turkiga, Ka dib kulan ay Xubnaha Guddiga Gurmadka Qaran ee Dhulgariirka Turkiga la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Md. Aadan Maxamed Nuur( Madoobe).

Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga ayaa wada dedaallo xooggan oo loogu gurmanayo Shacabka iyo Dowladda Turkiga, si loogu muujiyo garab isla markaana loo garab istaago.

17/02/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay ay dadaalka dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ku doonayaan in ay ugu gurmadaan dadka waxyeeladu kasoo gaartay Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.
Madaxweynaha oo xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay saarantahay mas’uuliyad ka duwan tan dowladaha iyo shucuubaha kale ee dunida kaga aaddan maqashadan ayaa ka dalbaday qurba-joogta, ganacsatada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in aysan u kala harin taakulaynta walaalaha muslimiinta ah ee musiibadu ku habsatay.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Mogadishu