19/02/2023
Guddoomiyaha Guddi Howleedka Waxbarashada ee Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga ahna Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Md. Faarax Sh. C/qaadir ayaa Guddoomiyay Kulanka Bahda Waxbarashada ee qaybta ka ah Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga.
Bahda Waxbarashada ayaa siiyay warbixn ku aaddan dedaallada uruurinta qaaraanka ee Gurmadka, iyagoo sheegay in si horudhac ah lacago ugu shubeen Accounnada Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga.
Ugu Dambayn, Wasiit Faarax Sh. C/qaadir oo ku hadlayay afka Guddiga Qaran ee Guddiga Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga ayaa u mahadceliyay, isagoo ka codsaday Bahda Waxbarashada in la kordhiyo ka qaygalka Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga.
19/02/2023
Habka fudud aad wax ugu diri karto EVC, eDahab, Zaad, iyo Sahal Ee Gurmadka Dhulgariirka Dadka Turkiga.
Guddiga Qaran ee Gurmadka Turkiga
19/02/2023
Guddiga Qaran ee Gurmad Dhulgariirka Dalka Turkiga waxuu u mahadcelinaya Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya Md. Abdiaziz Hassan Lafta-gareen oo Accoun-ka Guddiga Gurmad Qaran ku shubay lacag $100,000.
19/02/2023
“Madaxwaynaha Turkiga markuu yimid Soomaaliya wuxuu yiri Dadka Soomaaaliyeed aan ugu gurmanno sida in ay yihiin muwadiiniin Turki ah oo kale, maarka waa inaan u gurmanno walaalaheen Turkiga oo aan u abaal celinno, Soomaaliyeey xil ayaa innaga saran garab istaagga walaalaheen” Abdiwali Mohamed Ahmed Bulshada Raydka
19/02/2023
Dunta Soomaalida waxaa lagu ogaanaa kaalinta ay ka qaatan Gurmadka Walaalaheen Turkiga, Waa Dad Muslimiin ah oo ay Dhibaato ka dhacday sidaas Darteed aan ilaahey dartiis ugu gurmanno marka 1-aad, Marka Xigtana in yihiin walaalo abaal nagu leh darted aan ugu gurmanno”, Dr. Maxamuud Macallin Yaxye Wasiiru Dowlahii h**e ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta.
19/02/2023
“Dhulgariirka ka dhacay Dalka Turkiga waxaa lagu imtixanayaa Dadka Muslimiinta oo dhan oo aan annaga ku jirno, si aan u badbaadno adduun iyo aakhiro waa inaan garab istaagnaa oo caawinno Walaalaheen ay ku dhacday Qadarta Alle” ,
Sh. Cabdulbaari oo ka tirsan Qurraa’da Muslimiinta.
19/02/2023
Somali halk olarak turk kardeslerimize olan felaket bizim icin imtihandir bunu nedenle turk kardeslerimizin yaninda olalim cunku en ck yardim ihtiyac duydugumuz zaman yanimizda oldular “kardesi ne kadar yardim ederse o kadar Allah kisiye yardim eder ”Sh. Abdulkadir Soomow
19/02/2023
Musluman kardesleri bir birleri uzerinde haklari var insanlarini ölen ve evleri yok olan türk kardeslerimize acil yardim edelim
Sh Bashiir Ahmet salad Somali Alimlerin birligi baskani
18/02/2023
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Md. Faarax Sh. C/qaadir ahna Guddoomiyaha Guddi Howleedka Waxbarashada Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay Bahda Waxbarashada Dalka.
Kulanka Ayaa ujeedkiisu ahaa sida ay Bahda Waxbarashada uga qaybqaadan karto Gurmadka Qaran ee Dhulgariirka Dalka Turkiga.
Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa ku yaboohay $42,000. Sidoo kale Midowga Dallladaha Soomaaliya ayaa ku yaboohay $30,000, Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa ku yaboohay $10,000, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ku yaboohday $10,000 iyo Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Wax kusoo bartay Dalka Turkiga ay ku yabooheen $10,000.
Ugu Dambayn, Wasiir Faarax C/qaadir, Prof. Xuseen Iimaan iyo Sh. C/qano Qorane oo ku hadlay afka Guddiga ayaa uga mahadceliyay Bahda Waxbarashada kaalinta ay ka qaateen Gurmadka Qaran ee Dhulgariirka Dalka Turkiga.
18/02/2023
Guddiga Qaran ee Dhulgariirka Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga waxaa uu caawa oo ay taariikdu tahay 18-Feb-2023, saacadda 9:00pm, qabanayaa Twitter Space ku saabsan Arrimaha Gurmadka Qaran ee Dhulgariirka Dalka Turkiga.